Sida baadhitaano badan lagu helay waxaa soo baxday in soonku xannuuno
badan ka daawo yahay,Nebigu SCW wuxuu yidhi”Sooma Waad cafimaadaysaane”,siday
culimo badan sheegeen waxyaalo dad badani maanta la caddiban yihiin ayuu soonku
daawo ka yahay Nebig SCW wuxuu yidhi”Soonku waa gaashaan”.
soonku waxyaabo badan ayuu gashaan ka yahay sida
Xasadka,macaasida iyo dulmiga,haddaba bal aynu eegno waxyaabaha uu daawada ka
yahay soonku.
Dhakhtarka reer Maraykan ee la yidhaahdo Kasiis Karil wuxuu
kitaabkiisa caanka ah ee la yidhaahdo (Dadku waa kaa aan la garanayn) ku
yidhi”Cunto badan oo la cunaa waxay daciifisay hawl wayn oo ahayd in naftu la
qabsato ,sida inay waxyar quudato,sidaa darteed waxaan soo jeedin lahaa in
dadku soomo si uu ula qabsado gaajada”.
Luqmaan wuxuu wiilkiisii ku yidhi”Hadday calooshu dibirto
fekerkiina waa lumaa xubihiina cibaadadii ayey ka mashquulaan”
Diktoor Maak Faaduun wuxuu buugiisa uu soonka ka qoray ku
yidhi”Qofkastaaba soonka wuu u baahanyahay waayo sunta cuntada kaga hadha
jidhka ayaa intay ururto qofka caajis ka dhigta,culaysna wuu dareemaa laakiin
hadduu soomo culayskiibaa iska dhima suntiina jidhkay ka baxdaa ilaa uu dareemo
qofku caafimaad dhamaystiran,wuxuuna qofku dareemaya awood badan iyo
firfircooni dheeraad ah”. Hadaba faa’iidooyinkaa maxaa ka mid ah?
1. Nadiifinta Nafta,
Soonku wuxuu nafta ku ababiyaa,naxariista,sabirka,akhlaaq wanaaga
iyo Ilaah ka cabsiga markaasuu qofku dadaalaa Ilaahayna si fiican u caabudaa,
Nebiguna SCW wuxuu yidhi”Soonku waa gaashaan,haddii midkiin
soomo yaanu danbi la iman jahlina ka noqon soonka,haddiiba qof la dagaalamo ama
caayo ha yidhaahdo waan soomanahay”.
Waa kalsooni halkii u danbaysay in qofku yidhaahdo ”
haddaanan u soomaynayn Ilaahay falkaagaa waan ka falcelin lahaa”
2. Isdhexgalka Bulshada,
Ramadaanta dadku waxay ka siman yihiin faqiir iyo taajirba inay
Ilaahay hal mar u wada soomanyihiin hal marna wada afurayaan,taasi waxay
dhaxalsiisay dadka inay is dhexgalaan,waxa wada cunaan, wada
cibaadaystaan,khayrka u tartamaan.muslimku bishan waxbay wada cunaan waana
bisha kaliya ee masaakiinta aadka wax loo siiyo,Nebiga SCW waxaa la waydiiyey
sadaqo tee ugu khayr badan? wuxuu yidhi”Sadaqada la baxsho bisha ramadaan”.
Soonku wuxuu ka daawo u yahay xanuunada ku dhaca maqaarka, sida
ay sheegayaan badhitaano la sameeyey, soonku wuxuu yareeyaa biyaha dhiigga ku
jira taas oo xoogaynaysa iska caabinta maqaarka,waxayna taasi ka hortegaysaa in
maqaarku aqbalo xanuunada kala duwan ee ku dhaca.
4. Kor u qaadida
difaaca Jirka:
soonka ayaa kor u qaada qaab dhismeedka difaaca jirka, taasoo
jirka ka caawinaysa inuu san u nuglaan jeermiska iyo xanuunada. Jirka ayaa
awood u hela inuu la dagaalamo waxyaabaha sababa xanuunada sida jeermiska iyo
ilma qabatada. Cilmi baaris ayaa cadaynasa in soonku oo sidoo kale ka hortago dhaawaca
ama waxyeelada soo gaarta DNA taasoo ka hortag wanaagsan u ah duqoobida. Kor u
qaadida difaaca jirka ayaa muhiimad balaaran u leh ladagaalanka caabuqa.
5. Wadna xanuunka,
Soonku wuxuu yareeyaa wadna xanuunka waayo soonku wuxuu yareeyaa
xadiga subagga ee ku Jira jidhka, taasina waxay keentaa in uu yaraado
kolostoroolku.Haddii subaggu ku bato jidhka wuxuu keenaa inuu xidho xididada
dhiigu maro taas oo keenta in wadna xanuun qofka haleelo. Sidaas waxaa sheegay
khubaro dhakhaatiir ah oo baadhitaan dheer ka sameeyey sida uu soonku u caawiyo
qofka wadna xanuunka qaba.
6. Macaanka,
Soonku wuxuu hoos u dhigaa macaanka,sida dhakhaatiirtu sheegeen
soonku wuxuu yareeyaa sonkorta jidhka ku jirta sida saxda ahna wuu ku soo
celiyaa waxaana raaxo hela ganaca (Bankariyaaska),laakiin haddii cuntadu ku
badato xaddiga insoolka ee ay soo tuurayso ganacu (bankariyaasku) waxay
sababaysaa in ganacu (Bankariyaasku) daalo shaqadiisana qaban kari waayo,ka
dibna sonkortu iskugu timaado dhiiga taas oo keenta in xanuunka macaanku soo
ifbaxo , soonku wuxuu ka caawiyaa qofka in uu gubo dhamaan sonkortii jidhka ku
jirtay markuu gaajoodo,sidaas waxaa lagu sheegay badhitaano la sameeyey.
Haddaba waxaa fiican in dadka ka cabanaya macaanku soonka
badsadaan ramadaanta iyo waqtiyada kaleba waayo wuxuu hoos u dhigayaa macaanka.
7. Miisaanka,
Ramadaantu waxay hoos u dhigtaa miisaanka qofka waxaanad
arkaysaa dad badan oo kuleh ramadaantan waxbadan maan lumin oo miisaan ah,,laakiin
qofka miisaanka luminayaa maaha qodka seexda markuu soo toosona cuntada cuurta
,ka dibna balwad u fadhiista,qofka miisaanka lumiyaa ama cayilkaba waa qofka
sooma bisha ramadaan,akhrista quraanka, iskana yareeya hurdada ,habeenkiina
salaatu laylka tukadda.
Haddii aan intaas samayno nafteena ayaa qaabaysmaysa cayilkiina waa iska yaraanayaa idanka Alle.