HAYAANNEWS.NET
Taariikh Nololeedkii Marxuum Dr. Maxamed- Rashiid Sheekh Xasan
February 23, 2019 - Written by editor editor

Dr. Maxamed Rashiid Alle ha u naxariistee wuxuu ku dhashay meel la yidhaahdo dooxada Harawo oo u dhaw degaanka Awbare ee Goblka Awdal – Somaliland.
Dooxadas ayaanu ku barbaaray ila da’diisu gaadhaysay siddeed sano, ka dibna waxa loo soo wareejiyey dhinaca magaalada Hargeysa, xaafadii ugu horaysay ee u magaalada ka degegena waxay ahayd xaafadi u degena Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye oo dooxa Hargeysa dhinaca koonfur ka xigtay.

Dhinaca caruurtooda wuxuu marxuumku ahaa qofkii sagalaad oo dhamaan way ka wada waweynayeen marka laga reebo gabadh kaliya oo ka yareyd. Dhamaantoodna waxay barteen Qur’aanka, oo ay ku dhex barbaareen qoys diin leh.
Inta ka dib Marxuunku wuxu galay dugsigii Sheekh Baraawe.
Wakhtiga dugsiyada dawlada waxa madax u aha Maxamuud Axmed Cali, wuxuuna Maxamuud A. Cali aad u jeclaana in Ardeyda dugsiyada ku soo biiraysa ahadaan Ardey dhigata labada malcamadood Qur’anka iyo Carabiga.
Nasiib-wanaag, waxa u Marxuum Maxamed ka mid noqday tobankii ardey ee ugu wanaagsana malcaamada ee u qaatay. Waxana Ardeyda la kala geeyay meelo kala duwan oo dalka gudahiisa, marxuumkuna wuxuu ka mid noqday ardeydii la geeyay Awaare.

Shaqadii ugu horaysay ee u qabto Marxuum Dr. Maxamed- Rashiid wuxuu shaqaale ka noqday Baankii ganacsiga ee Somalia oo u imtixaan u fadhiistay isagoo marka ahaa Ardey dhigta fasalada dugsiga hoose dhexe oo marka looga baahday in laga helo ardey shaqaale ah.

Alle ha u naxaristee Dr. Maxamed marku dalka dibada uga baxay ee u magaalada Milano u tagay waxbarashada wuxuu uga si gudbay wadanka Ingriiska oo u waxbarashdiisi ka si watay.

Maxamed marka wuxuu bilaabay barashada cilmiga bulshada taas oo si gaar ahaaneed u daraasad dheeraad ah uga sameeyay siyaasadda Somalida, cilmigaasina wuxuu noqday qaybta ugu muhimsan waxbarashadiisa tan iyo intu ka gaadhayay shahaadda PHD-da.

Dr. Maxamed wuxuu aad ula socday samaysankii ururka S.N.M madama ay saaxiibo dhaw ahayeen raggii aasaasay ururka, wuxuuna inta badan xidhiidh xooggan la lahaa dhalinyaradii iyo aqoonyahanadii hor kacayay xarakadaas, isagoo u diyaarin jiray waxyaabaha ay uga baahdaan , sida wariyayaasha iyo meelaha ugu haboon ee ay doonayaan in ay fikirkooda kaga soo horjeedsadan Siyyad Bare.
Marxuumku wakhtiga wuxu ka shaqeynayey idaacada B.B.C-da.

Arrimahii ugu waweyna ee taariikhdu qortay ee u qabtay Ummada Somaliland waxa ka mida, in u ahaa wariyihii gaadhsiiyay adduun weynaha xasuuqii ka dhacay xeebta Jaziira ee lagu laayay 46 qof ee reer Somaliland.

Intii wadanka lagu soo noqday Marxuumku wuxuu ka qeyb qaatay Siyaasada.Sannadkii 2010-kii ayuu u tartamay madaxweyne ku xigeenka Somaliland isaga oo u taagnaa xisbiga mucaaradka ah ee UCID, balse kuma uusan guulaysan.

Isla sannadkaasna Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa u magacaabay lataliye dhanka ictiraaf raadinta ah.Sannadkii xigay ee 2011-kiina wuxuu noqday wasiiru dawlihii arrimaha dibadda ee JSL.

Marxuumka waxa u aha shaqsi aad u naxariis badan oo af gaaban, masaakiintana u naxariista.Gabagabadii waxa qaranka caawa ka baxay halyay kaalintiisi inagu soo bananatay. Alle ha u naxariisto Marxuum Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan Amiin Amiin Amiin

Qoraalka waxa aan inta badan ka soo xigtay Buuga Xog-warran ee u soo bixitankiisa iyo shaqadiisaba leeyahay Cabdilaahi Beershiya.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews