Talo Ku Socotaa Madaxweyne Biixi

Dhamaan Waxaad xabsiyadda ka sii deysa UMADDA Inta u xidhan siyasadda ee aan danbi galin.

Dhamaan masajiyadda dalka Waxaad u sameysa miisaniyadd aad ka jarto dhaqalaha wasaradda madaxtoyadda oo masajidyadda dalka (afur-kooban) oo danyartu ka cunto ha loogu sameeyo.

Dhamaan asxaabta qaran culima-awdiinka wayeelka caanka ah ee dalka afur Ugu samee madaxtoyadda. Ku baaq in la iscafiyo, Adiga iyo asxaabta qaranka khilaafka siyasadeed ee idin dhexyaala 70% ka tanaasul.

Iyaguna 30% soo hadhey wey ka tanaasulayaan.

Dalka cunfiga Siyaasiga ah ka saar. Umaddu Iyadoo isku wadda niyadda ha duceysato. Dadka danyarta iyo reer miyiga inagoo isku duuban ha loo gurmaddo.

Qurbe jooga baaq idinkoo isku duuban usoo wadda dira. Si ey uga qeyb-qaaran gurmadka abaraha iyo quudinta danyarta. Saddex-dda xisbi guddi ka kooban oo heer qaran ah baa waddan walba laga sameyn karaa.

Dhamaan talooyinkaasi waxey dan u tahey dadkeena iyo dalkeena.

Waxaan ku rajeynayaa in alle ku wafajiyo. Sababto ah waa talo nasteexo u ah umadeena. Waa mid hadii aad ku dhaqaaqddo adna aan waxba kaga xumaaneyn umadduna ku farxeyso.

Shucuubta umadda oo mideysan ayuu qaran dhismi karaa. Waxba ku hagaagi mayaan oo hogaamintaaddu hirgali meyso, Inta umaddu qeybteed ku aragto in aad tahey nin aan umadda u joojineyn. Nin qofka kasta oo dhaliila xukumadaada xabsiga u taxaabaya.

Waxaan ku odhan lahaa umaddani kala tagimeyso Ilaahey baa meeshan ku wadda abuurey ee wanaag ku hogaami. Wayeelka cabanaya ee dhulka madaxtoyadda cabashadooda dhageyso.

Dadka u nasteexe u sheeg sharciga iyo dowladdnimaddu inuu u bahan yahey midnimo wadda jir. Tus dadka in qarankan aan lakala laheyn. Umadda Cadaaladda la sheegaya gacmahaga iyo qowlkaaga wanaagsan bey ku jirta. Dadku dhamaantood dowladd wanagsan iyo nolol wanaagsan bey rabaan. Tartankii wuu dhamaaddey xisbiyadda iyo mucaradkaba adaa u Madaxweyne ah.

Goboladda dalka ee bariga waad tagtey si fiican baa lagugu soo dhoweeyey Waxa lagu tusey kalsooni ku dhisan dal jaceyl. Umaddu Wali waxey ka sugeysa balanqaadkii aad usoo balan qaadey, tabashooyinkii kala duwanaa ee ey ku soo gudbiyeen.

Wali Madaxweyne umaddu dhinacaaga bey soo eegeysa, mudaddii lagu baxnaaninayey wey soo dhaaftey waxa la jooga mudaddii fulinta, Waxqabadka, xukumadaada waad kala baratey sidey u shaqeyn kareyso.

Waxaan filayaa in maanta darenka umaddu hallkuu taagan yahey aan waxba ka qarsooneyn. Badbaadda dalku gacantaddey ku jirta. Alle haku wafajiyo, Insha allaah. Waanu ku duceyneynaa.

Signature qoraalka

Ergeyga gaarka ah ee  xisbiga waddani u qaabilsan midowga Europe iyo qaramadda midoobey

Ambasador Abdirizak Diinaari