Toljecle iyo Ayuuboow Xisbiga KULMIYE Wuu idinka buuxsamey- waa Somaliland Ayaa Idinka Buuxsantey!!

Maanta Ahmed Abdi Dheere inuu kuwii Ummadda boobay ee waxii Ummadda haystana soo celiyo oo Kulmiye ka sharaxo- Toljecle iyo Ayuub oo Xisbiga Kulmiye lahaana lagu yiraahdo Xildhibaan laydiinma hayo- waxaan u arkaa aqoondaro weyn iyo in Somaliland Waddajirkeedda iyo Walaaltinimadeedda tuhun la geliyo iyo burburin Qaran oo ah salaan iyo kala tagga.

Toljecloow Xisbiggii Kulmiye wuu kaa buuxsamey- waxaan u arkaa Somaliland wey kaa buuxsantey oo waxba kuma lihid.

Waxaan u arkaa dafirida, qadinta iyo qodxaynta Ahmed Shixisaxaaq mid horseedi karta dildilaaca Somaliland iyo burburka Qarankan qaangaadhey.

Waar Awliyada miyaa la qadiyaa, qiima dhac weyn ayaa ku jirtee go,aankaasi khaldan.

Waar Xisbigan Ahmed Abdi Dheere ha lagga qabto- Madaxweyne Muse Biihi Abdi waa inuu Ummadda isku waddaa- oo aan cidna lagga kaaftoomin.

In kuwii Musuqa galay maanta la yiraahdo Xisbiga Kulmiye wuu ku soo celinayaa- oo dano gaara iyo Qarannimaddii Somaliland siisano- reero dhana Xisbigga Kulmiye lagga saaro- oo la yiraahdo Kulmiye wuu kaa buuxsamay.

Macnaheedu waxuu u dhiganyahay Toljecele iyo Ayuuboow Somaliland wey idinka buuxsantey ee Jamhuuriyad kale doonta.

Waar dee inta ogaalkay ah, Toljecele Xildhibaan ayuu lahaa la yiraahdo Mohamed Jama Warfaa.

Xigmadu waxay u dhacaysaa Toljecele Xildhibaan ma soo saari karo- oo Maxamed Jaamac Warfaa meesha waa looga dhintay.

Waar xaalku sidaa maaha Toljecele Xildhibaan wuu soo saari karaa- waar nin qaloocani wuu ku lumiyaa ayaa la yidhi- ee Xisaabtaa Ahmed Abdi Dheere waa mid sanka arageedu dhaafsiisnayn.

Cidna Xisbiga Kulmiye iyo Somaliland inay ka buuxsanto maaha runtii- waa gaf iyo gantaalo shaydaan warkaasi runtii.

Mudane Madaxweyne dareenka Toljecele anigaa gudbinaaya oo nin toljeclaa runtii- ma qabato toljecle arintaasi runtii oo waa gaf iyo godob laga gelaayo Ahmed Shixisaxaaq maanta.

Inuu maanta yiraahdo yarkaa Ummadda aad wax ugu dhiibtay ee Ahmed Abdi Dheere, Toljecle iyo Ayuuboow Somaliland wey idinka buuxsantey.

Macnaheedu waa Somaliland ma jirto runtii, weynu ka noqonay Somaliland oo cadaalad, wadaag iyo walaaltinimo la waa.

Mudane Madaxweyne Muse Biihi Abdi nin aanu isku qosolo maaha, haddii aanu kufno- kuwa maaganna runtii waa necebahay had iyo jeer.

Taladaydu waase gar oo odaygaa Madaxweyne Muuse Biihi in duuf iyo dufan la mariyo ma jecli anigu runtii.

Madaxweyne, sidee ayey ku dhici kartaa in Ahmed Abdi Dheere yiraahdo Toljecle iyo Ayuuboow Xisbiga Kulmiye wuu idinka buuxsamey.

Wax aqoon ayaa wax la weydiiyaa ee Somaliland yaan meel halisa nabaro lagaga dhufan.

Toljecle waxaan leeyahay haddii lagu quudhsado Xinniinyahaaga ayaa raga la tusaa iyo nin aad tahaye-  Bankaa Wajaale isugu keen soo saara.

Bal haddii Somaliland inaga maarmayso haynaga maarantee waa inoo Banka Wajaale- afkeedda ayey kala haysan weydey.

Toljecloow Kulmiye wuu kaa buuxsamey- waa Somaliland waxba kuma lihid.

Waa gaf iyo godob u baahan waxay leedahay in rag ka arinsado, oo Garaad xume toljecele runta gaadhsiiyo.

Saaxiibkay Madaxweyne Muse Biihi Abdi waxaan leeyahay- Madaxweyne dadka kala gaadh- Nin Garaad xumi yaanu gobta iyo curadka reerka ku ciyaarin.

Sidee ayey ku dhici kartaa Toljecloow Xisbiga Kulmiye wuu kaa buuxsamey?

Waar Qaran iska dhaafe, aniga keliday ayaan yeeli karin Somaliland wey kaa buuxsantey.

Toljecloow hadal nac- waa inoo Bankaa Wajaale- Taladda Toljecle nin nacasa, waxba laga weydiin maayo. Nin liitaa haddii uu gumar ku moodo- gob inaad tahay ayaa la tusaa hadh, Ood, midho iyo dugsiba ah.

Madaxweyne Muse Biihi Abdi waxaan leeyahay, waar kuwan foorora Ummadda ka qabo Madaxweyne.

Toljecloow waa inoo Bankaa Wajaale, Xildhibaan iyo lababa waad soo saari kartaa- halkii ay Xinniinyo lahaayeen haddii aan lagga rarin.

Toljecele ayuu Xisbiga Kulmiye ka buuxsamey- waa aqooni ma naaxdo iyo qolyaha dadka laggu sii daayey maanta.

Waa inoo Bankaa Wajaale balankeenu- Madaxweyne Muse Biihi Abdina guurti weligaa caynkaagga iyo baydaada ku aamin- dheeli iyo xadhig ruxma midna yeelan mayso Xukumadaadda iyo xidhibtaada midna runtii.

Xadhkuhu wey ruxmayaan Madaxweyne maanta.

Runtu waxay tahay, Madaxweyne Muse Biihi Abdi, haddii uu turun-turoodo ama kufo- xaq uma lahi in aan ku qoslo runtii- isna waa ogyahay taasi.

Abdilahi Ali Hassan.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland