Trump Sikhigii Washington Badalay

Ninka madaxweyne Trump madaxweyne ka wanaagsani ma soo marin taariikhda maraykan, dhiig-yacabyaddii Liberal ka Washington, waxay 4 tii sanno ee uu xilka hayay, geed dheer iyo geed gaaban u fuuleen, inaan maamulkiisu tallaabo rogin.

Haddaad hulato warbaahinta ma xishoodayaasha Liberal ku gacanta ku hayaan, sida Washington post, CNN, NBC iyo Newyork Times, afartii sanno ee Trump xilka maraykan hayay, daqiiqad kama ay af dhigin inay ceebayn, iyo fadeexad u samayn kula dul dhacaan, isaga iyo maamulkiisa, ilaa ay la soo gaadheen gole joojintii kal hore ka fashilantay.

Taariikhda maraykan, dhaqaalaha maraykanku, heerku gaadhay afartii sanno ee  uu Trump xukunka Washington hayay, weli madaxweyne maraykan soo maray oo gaadhsiiyay ma jirto, wuxuu dabciyay, sharciyaddii ay dimuqraadiyiintu ku dabreen, in shariikadahu ay balaadhiyaan maalgashiga, wuxuuna dhimay, cashuurtii saarnayd shariikadaha waaweyn, taasi oo keentay, in shariikado badan oo maraykanka uga guuray cashuurta qaaliga ah, ay dib ugu soo laabtan.

Madaxweyne Trump, intuu madaxweynaha ahaa, wuxuu dhaqaalaha maraykanku sameeyay 18.6 malyuun oo shaqooyin cusub ah, nasiib darro, sannadkii ugu danbeeyay xukunkiisa, waxaa aafeeyay dhaqaalaha xanuunka Coronavirus.

Siyaasadda arrimaha dibadda, wuxuu Trump noqday, madaxweynahii maraykan soo mara, 35-kii sanno ee la soo dhaafay, ee ugu fara-gelin yara dunida Islaamka, iyo dunida kale labadaba, wuxuu ciidamadii maraykanka ka saaray, dalalka Ciraaq, Afghanistan iyo Soomaaliya, wuxuu dhisay haykal, afka ingiriiska lagu yidhaahdo (Foreign policy based on US Protectionism ideology), oo ah ha i daarin, kuma daaro eh.

Gacanka Korea: wuxuu Trump meesha ka saaray, siyaasaddii cabudhinta iyo baqdinta lahayd, ee madaxweynayaashii Liberal-ka,  iyo Neo Liberal ahaa, ee iskaga danbeeyay xisbiyada  Jamhuuriga iyo dimuqraadiga maraykan, oo lagu go’doomiyay dalka North Korea, wuxuu dhisay siyaasad dhex dhexaad ah, oo keentay, in Waqooyiga Korea aqbalaan wadahadal toos ah, oo ay la yeeshan Koonfurta Korea, Japan iyo dalalka wadaaga biyaha bedda huruuda ah.

Bariga dhexe: wuxuu Trump isku soo dhaweeyay, Carabtii iyo Yuhuudii, si kastaba ha ku timaado eh, laakiin, hore uma dhicin in Raysal wasaare Israeli ahi, uu yimaado magaaladda Jeddah, ee dalka Saudi Arabia.

Bal hadda, taariikhda dib u celi, 35 sanno iyo madaxweynahii hore ee dalka maraykanka Ronald Reagan, wuxuu ahaa, qab-qablahii ugu weyna, ee hurin jiray dagaalkii qabooba.

1988 kii, markii uu ku xigeenkii Reagan, waa George H Bush, uu tallada maraykanka kala wareegay Reagan, laba sanno ka dib, wuxuu bilaabay dagaalkii Ciraaq, waxaa ku xigay kii  Soomaaliya.

1993 kii, markii Clinton la doortay, sannad ka dib, wuxuu bilaabay, inuu collaad ka dhex  huriyo, dalalkii ka mid ahaan jiray midawgii Soviet ka, ee Eastern Bloc loo yaqaanay iyo dalka Ruushka, wuxuu gantaalada Balastikada, ku rakibay dalka Poland.

Sannadkii 2001-dii, markii George W Bush-kii yara la doortay, bilo ka dib, wuxuu bilaabay dagaalkii Afghanistan, sannad ka dibna, wuxuu huriyay, kii Ciraaq, oo 2 malyuun oo qof ku dhinteen.

Madaxweyne Obama, markii loo doortay xafiiska Oval Office ee maraykan, sannadkii 2008, wuxuu amar ku bixiyay in weeraro is daba joog ah, oo loo adeegsanayo diyaaraddaha aan cidi wadin ee loo yaqaano drones ka, lagu qaado dalalka Yemen, Afghanistan, Syria iyo  Ciraaq, in ka badan 50 kun oo qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan xita dad bukaan ah, oo cisbitaalo jiifay, ayuu Obama ku dilay weeraradii Drones, Obama waxaa loo bixiyay naanaysta ah (The drone killer).

Taariikhda maraykanka, 35-kii  sanno, ee la soo dhaafay, 4-tii sanno, ee Trump madaxweynaha ahaa, mar ay dunidu ka eed la’ayd maraykan ma  soo marin.

4-ta sanno soo socota ee Biden, filo, in siyaasaddii dhoola-ka qosolka ahayd, balse adhax jabinta ahayd, soo laabato, waxay u bixiyeen (the smart power).

Trump wuxuu ahaa nabad doon,  kaartooyinkii dhiigyacaybyada Liberal-ka dhuunta u gallay,  balse nasiib darro, waa la iskugu tagay, wuxuuna waayay hiil siyaasadeed  ka caabiya awoodda siyaasadeed ee Liberal ku leeyahiin.

Afar sanno oo laga nastay ka dib, Washington waxaa dib ugu soo laabtay, miciyahii dhiiga bartay!

Mohammed Abdi Hassan Diridhaba