Ubadka Qurbaha Iyo Korinta Qalloocan Haykal

Korinta ubadku, sida ay u tahay masuuliyad saaran waalidka iyo waaxyaha xilka gaarka ahi ka saaran yahay, si la mid ah ayay ugu baahan tahay xikmad iyo hilinmar hadba waayaha la joogo la jaanqaadaya. Degaanku (Environment) – waxa uu kaalin weyn ku leeyahay fahamka guud ee ay carruurtu nolosha ka qaadato xilliga korriinka. Tusaale ahaan, dhulka Soomaalida kolka la joogo, tiirarka asaaska ah sida diinta, dhaqanka, dad-la-dhaqanka iyo edaabta guud carruurta waa lagu ababiyaa. Ababin keliya ma aha ee hab waalidku majaraha u hayo oo ay yar tahay doorka ama doorashada carruurtu ay ku leedahay ayay maaddooyinkaasi korriinka ilmaha falgal ula sameeyaan. Sidaa si ka duwan, waayaha qurbuhu waxa uu kaalin weyn oo furan siiyaa ubadka. Si haddaba looga dheeraado waxyaabo keeni kara is-afgaranwaa waalidka iyo carruurta ka dhex dhasha, waa in waalidku, waxsheegga iyo hagitaanka ubadkiisa ku saleeyaa hadba heerka korriinkooda maskaxeed. Qodabkan si aan ugu sii dhowaado, waxa aan soo qaadanayaa dhacdo yar oo aan hadda ka hor la kulmay.

Maalin ayaannu is raacnay nin asxaabta ka mid ah oo xoogaa  qurbaha ku noolaa. Waxa uu gacanta hayaa wiil yar oo uu dhalay. Wiilka yar da’diisa waxaan ku qiyaasay  ilaa 6 sanno jir. Salaaddii casar ayaannu ku wada tukannay masaajid ku yaalla magaalada Bristol. Markii aannu salaaddii ka baxnay, ayuu inankii yaraa dhex or’orday masaajidka. Waa dhallaan iyo caadadiiye, markii uu dhawr goor la hadlay, marar dhawr ahna soo qabtay isagoo hadba dhinac u cararaya weliba yara qayl qaylinaya, ayuu markii dambe ninkii wiilka dhalay is yidhi hab digniin ah wax uugu sheeg. Wiilka yari eray af Soomaali ah kuma hadlayo, sida iiga muuqatayna maba garanayo. Aabbihii ayaa isagoo dabadeed Ingiriisi kula hadlaya ku yidhi: “Stop shouting and running around in the mosque,” oo macnaheedu dhow yahay: waar qaylada iyo ciyaarta masaajidka ka daa! Wiilkii yaraa dheg jalaq uma siine, kolba dhan buu u cararay oo weliba kutub meel taallay sii jiidhay. Kutubtii uu jiidhay ayaa qaar dhulka ku daateen, dabadeedna aabbihii ayaa intuu yara xanaaqay, kacay oo gacanta soo qabtay wiilkiisii. Wuxuu markan damcay in uu digniin xaggiisa ah oo adag siiyo, sidoo kalena uga digo haddii uu Kutubta Qur’aanka inanka yari ku ciyaaro in Allaah SWT uu ciqaabi doono! Ka dibna waxa uu ku yidhi: “listen to me; if you don’t stop running and playing in the mosque, I’ll send you to the naughty room when we get home. You will spend all the night there by yourself. And if you mess the holy Qur’an again, Allah will send you to a Naar [Fire] –and you will completely burn!!”

Waa hadal la macne ah: I dhegayso, haddii aad joojin weydo cayaarta iyo masaajidka aad dhex ordaysid, marka aynu gurigii tagno, waxaan ku geyn doonaa qolkii basar-xumada (qolka edbinta fudud). Qolkaas ayaad caawa oo dhan ku jiri doontaa. Haddii aad mar dambe kutubta Qur’aanka daadiso ama ku dheeshana, Ilaahay SWT ayaa Cadaab ku gelin doona, sida aad u dhan tahayna waad hurushoon doontaa (guban doontaa)! Wiilkii yaraa, yaab ayaa ku idlaaday. Naughty Room ama Naughty Corner, oo aad loo wada garanayo, in lagu cabsi geliyaa kuma cusba. Waa falsaxad reer galbeed oo halkii carruurtu marka ay basar-xumo yar sameeyaan laga ulayn jiray, ayay fadhiisiyaan meel koone ah ama qol cidlo ah, waxaanay ku amraan in aanu halkaas ka soo dhaqaaqin ilmuhu illaa la fasaxo mooyaane. Wuxuu aad u qariibsaday markii lagu yidhi: haddaad kutubka Qur’aanka ah ku dheesho ama xushmayn weydo, Ilaahay ayaa cadaab ku gelin doona oo weliba waa lagu gubi sida aad u dhan tahay! Yarkii indhaha intuu taagay, weliba si dareen leh u soo dhaqaaqay ayuu aabbihii hadal macnihiisu sidan noqonayo ku celiyay.

Wuxuu yidhi: “maxaan sameeyay ee Ilaahay ii cadaabayaa iina gubayaa anigoo nool?” Xasuuso oo hadalka hore ee odaygu kuma jirin, marka aad dhimato ayuu Ilaahay kaa aar-gudan doonaa ama ku cadaabi – haddii aad kutubta ku dheesho. Ninkii inanka dhalay, wuxuu damcay in uu weedhiisa hore saxo oo si kale u yara dhigo, waxaanu yidhi: “I mean Allah will punish you if you mess the holy Qur’aan… oo uu ka waday: waxaan ka wadaa, Alle wuu ku ciqaabi doonaa haddii aad kitaabkiisa xumayso. Mar kale ayuu wiilkii su’aalay aabbihii: “So, Allah is punishing me if touch or mess the Quraan?” Oo iyaduna u dhow: markaa Alle miyuu ha I ciqaabayaa haddii aan taabto ama daadsho kutubta Qur’aanka? Ninkii inanka dhalay, si kooban wuxuu u yidhi: “yes” haa. Yarkii ayaa woxogaa aamusay, ka dibna inta uu si niyad xumo ka muuqato u hadlay ayuu ku tiraabay: “that’s horrible! If Allah punishes and burns the people, I don’t like Allah!” waa dareen-hadal ah: Ilaahay in uu dadka sidaa u ciqaabo una gubaa waa wax aad u xun, Allena ma jecli [kol haddii uu sidaa dadka u galo!

Si miyir ku jiro haddii loo qiimeeyo hadalka wiilka iyo aabbaha dhex maray, waxa gar leh wiilka yar. Sababtu waa hab garaadkiisu aanu miisaami karin oo digniin ama waxsheeg loogu gudbiyey.

Dhacdadan yar iyo kuwa u dhow waxa aynnu ka faa’iidaynnaa; muhiimadda ay marka koowaad leedahay in waalidku lahaado wacyi ku siman in uu la-hadalka ubadka u adeegsado siiqo xikmadaysan. Waxa habboon, ilmahaaga in aad marka hore Ilaahay SWT qaab waafaqi kara si’garadkiisa ugu sharraxid. Waxa lagaa rabaa, carruurta khaasatan kuwa qurbaha ku dhashay ama yaraanta lagu keenay ee aan aqoon afkoodii hooyo, in aad marka hore bartid afkooda. Waxa iyaduna muhiim ah, marka aad waano sidan oo kale ah u gudbinaysid ilmaha, in aad ku salaysid garaadkiisa iyo korriin-maskaxeedkiisa. Haddii se aad Ilaahay damacdo in aad ku cabsi geliso, ilmihii oo aan Ilaahayba fahamkii saxda ahaa ka haysan, qallooca fal-celiskiisa ku jiri kara dareen caabbiyi kara lahow. Waa waajib waalidka saaran, carruurtooda in ay baraan aasaaska nolosha oo ku salaysan caqli-korin diin iyo aqoonba ku dhisan.

Maxamed Muxumed Cabdi “Haykal”

Qoraa iyo maansayahan

Email: Mohamed_haykal@hotmail.com

Bristol, UK.