Urugo Qalinkii: Muna Axmed Cumar

Waa casar gaaban, hadda ayaan indhaha kala qaaday. Telefankaygii oo saarnaa miis yar oo sariirtayda garabkeeda yaallay ayaan tiigsaday, mise ma yaallo. Inta aan soo hinqaday ayaan eeg eegay. Miiska dushiisa, agtiisa iyo dhinacyadiisa. Ma yaallo. Maxaa qaatay tallow? Ma intaan hurday baa la iga dul qaatay? Yaa iga dul qaadan ee ila joogaba? Sariirta ayaan soo kor fadhiistay. Waxa aan xasuustay telefanku yaallo qolka fadhiga.  Waan ilawsanaa e show dabka ayaan galiyay intii aanan soo jiifsan. Aniga oo cagaha jiidaya ayaan usoo kuurkuursaday dhinacaa iyo qolka fadhiga.

Kursiga kelida ah ee telefishanka ag yaalla ayaan ku fadhiistay kadib tiigsaday telefankii oo miiska telefishanka ag yaallay. Kursigani waxa uu ahaa ka uu ugu jecelyahay qolka fadhiga ka fadhiisigiisa, waayo waxa uu u dhow yahay telefishanka. Sidoo kale waxa uu u dhaw yahay daaqadda qolka. Kursigani waxa uu ahaa kursiga uu ugu jecelyahay qolka fadhiga. Inta uu guriga joogo waqtiga ugu badan halkan buu ku qaadan jiray. Wararka dalka oo uu aad u xiisayn jiray ayuu badanka fiidkii daawan jiray. War daawashada kadib badanka waxa uu la hadli jiray waddankii. Wararka ka dhaca waddanka isaga ayaa uga war roonaa kuwa ku sugan. Waxa uu aad u xiisayn jiray siyaasadda. Waxa uu in badan falanqayn jiray oo is barbar dhigi jiray farqiga u dhaxeeya dawladnimada waddamada Yurub ee aanu ku noolnahay iyo ta Afrika.

‘’Halkanna dawladnimaa taalla, waddankiina nimco’’ ayuu halhays u lahaa. ‘Laba ayaan isla waayay’ ayuu yidhi ninkii jiray ayaan ugu jawaabi jiray badanka. Markaasuu igu qosli jiray. Inkasta oo aanan jeclayn ka hadalka siyaasadda gaar ahaan dalkii haddana marka uu isagu ka sheekaynayo waan dhagaysan jiray. ‘Waxba ka siyaasad ka garan maysid e iga daa’ ayuu igula kaftami jiray haddii aan dhawr su’aalood dib u waydiiyo. #Hayaannews.net

Xilligan oo kale ayuu soo rawixi jiray, shanta oo daqiiqado dhiman. Guriga marka uu soo galo halka aan joogo ayuu soo raadin jiray kadib madaxa iga dhunkan jiray. Illaa uu wejigayga iyo xaaladdayda eego dharka iskamuu bixin jiray. ‘maalintaadu siday kuu ahayd gacaliso?’ ayuu I su’aali jiray isaga oo wejigayga iyo jawaabtayda isku eegaya. Waxa uu aad u yaqaanay akhrinta wejigayga. Haddii maalintaas aan cadhoonayo ama murugoonayo si kasta oo aan is idhaa uga qari wuu i fahmi jiray. Aniga oo aan hadlin ayuu dareenkayga akhrisan jiray.

‘Shaahaygii diyaar ma yahay?’ ayuu had iyo jeer odhan jiray marka uu soo maydho kadib. ‘Maya maanta adigaa karsanaya’ ayaan kula kaftami jiray. ‘Xabiibi subaxii baan shaah karinta ku qoranahay, galabtiina waa adiga’ ayuu igu odhan jiray. Intaa aan qoslo ayaan u soo saari jiray shaaha miiska yar ee kursiga hor yaalla. Shaaha illaa uu aniga ii shubo muu shuban jirin.

Rimootkii ii dhiib ayuu ku xigsiin jiray marka uu laba jeer fiiqsado shaaha. ‘Alla telefishan baad ku waalatay, bal maad ii yar sheekaysid’ ayaan kula kaftami jiray. ‘Xabiibi in dalkii lagu nabad qabo aan eego horta e ii dhiib’ ayuu iigu warcelin jiray.

Galabuhu waxa ay ahayd waqtiga aan ugu jecelahay. Way yartahay galabaha aanaanu sidan oo kale u wada qaadanin. Joogistiisa guriga aad baan u jeclaa. Gurigu marka uu jooogo iyo marka uu maqan yahay aad bay iigu kala duwanayd. Marka uu joogo iftiin iyo raynrayn miidhan ayuu ahaa, inta uu maqan yahay gegi laga guuray waa hore buu u ekaa.  Shaqo dibadeed laba sanno ka hor baa iigu danbaysay markii aan jabay. Jaranjar dheer oo loo fuuli jiray meel aan qadada ka iibsan jirnay oo u dhaw goobtaydii shaqo ee hore ayaan ku kufay maalin imika laga joogo laba sanno iyo laba bilood. Inkasta oo kufniinkaygu sahlanaa marka loo eego sida aan u dhacay haddana lugta midig kubkeeda ayaan ka jabay. Lix bilood ayay nuuradi igu duubnayd socodkayguna xadidnaa. Siddeed bilood ayay igu qaadatay ka soo kabashada kufniinkaasi.

‘Xabiibi iska naso dhawr bilood oo kale oo waxba shaqo ha ku noqon’ ayuu igu yidhi galab aniga oo qolka fadhiga fadhiya. ‘Waayo qalbi?’ ayaan su’aalay? ‘Aniga ayaa kuu jooga e maxaad shaqo uga baahan tahay. Midda kale iska naso in badan oo noloshaada ka mid ah ayaad shaqaysay e’ ayuu iigu warceliyay inta uu agtayda soo fadhiistay, madaxaygana garabkiisa ku qabtay. ‘Haye, waxoogay waan iska nasan, laakiin waad ogtahay gacaliye in qurbe qof keli ah in uu shaqeeyo aan lagaga bixi karayn’ ayaan ku idhi.

Saddex bilood kadib maalintii sheekadaasi na dhex martay ayuu dilaacay caabuqa Karoona. Magaalada yar ee aanu Iswiidhan ka degganahay waxa ay ahayd meelihii ugu caabuq fidista yaraa. Bilawgii fayraska, shaqadiisii is beddel ayaa ku timid. Halka uu markii hore shan cisho ka shaqo tagi jiray wiiggii, laba cisho ayuu shaqo tagi jiray. Tani waxa ay saamayn ku yeelatay dhaqaalahayagii maadaama aanan aniguna shaqayn. ‘Hooyo ayaa maanta ila soo hadashay’ ayuu galab igu yidhi isaga oo ka xun in aanu labadii bilood ee u danbeeyayba biil u dirin. ‘Maxay ku tidhi?’ ayaan su’aalay aniga oo werwersan. ‘Waxba, biilkii laba bilood namuu soo gaadhin ee maxaa dhacay hooyo ayay igu tidhi’ ayuu iigu jawaabay. #Hayaannews

Ilmo ayaa indhahayga ku soo istaagtay. Xaaladdayada inta aan ogahay in la mid ah ayaan toodana ogahay. In culays badan ku keentay biil la’aanta aanu badnay ayaan dareensanahay. Hoosta ayaan iska canaantay inta aan dabnaha qaniinay. Waxa aan isku canaantay sababta aan shaqadii ugu noqon waayay markii aan kabmay kadib. Haddana xannuunka ayaan eersaday, waayo isaga ayaa sababay in dhaqaalahayagu hoos u dhaco. Habeenkaas caloolxumo ayaan ku seexday iyo aniga oo niyadda ka murugsan.

Subaxii markii aan indhaha kala qaaday, Maxamed ma uu joogin guriga. Waan hubay in aanu maanta shaqo lahayn haddana ma joogo. Kijada ayaan ka eegay, fadhiga ayaan ka eegay, qolka kale ayaan ka eegay, barandaha ayaan ka eegay. Ma joogo. ‘Maxamed, Maxamed….’ ayaan ku dhawaaqay dhawr jeer. Juuq la’. Telefankiisii ayaan garaacay. Nasiib wanaag wuu dhacay.

‘Hellow Maxamed’

‘Hee gacaliso’

‘Halkeed u baxday, sowniga ku waayay?’

‘Baybi adeeg ayaan inoo doonay, waan soo socdaa. Inyar baan guriga u soo jiraaba’

‘Xabiibi maxaa ku saaray xannuunadan jira iyo waxan miyaanad ka baqayn? Onlayn ayaynu ku dalban lahayne maad ii sheegtid?’

‘Waa caadi qaali, maaski ayaan xidhannahay’

‘Haye, soo nabad noqo’

Kijada ayaan soo galay, shaah yar ayaan kariyay oo aan miiska saaray. ‘Xabiibi quraacda oo miiska saaran ha soo toosto ayaan is lahaa saaka e maxaa ku soo kiciyay?’ ayuu i su’aalay markii uu soo galayba isagoo miiska saaraya bac ay ka buuxdo khudaar. ‘Car garo waxa aan kuu soo iibiyay?’ ayuu i su’aalay isaga oo bacdii adeega hoos u eegaya ‘Hee, maxaad inoo soo iibisay?’ ayaan ugu warceliyay. ‘Fuulkii aad jeclayd’. Waan dhoollacadeeyay. ‘Ii fadhiiso aan ka soo tuuree’ ayuu si xiise leh ii yidhi isaga oo kursigii kijada dhex yaalay ii dhigaya. ‘Haye ee shaahanna cab yuu kaa qaboobine’ ayaan ka sii daba tuuray.

Ma iloobo macaanka qureecdii uu subaxaa ii sameeyay. Waxa ay ahayd qureec uu ku fara-yaraystay. Maalintaas galabnimadeedii waxa uu sugayay ciyaar ka soo galaysa telefishanka. Ciyaaraha aad umuu xiisayn jirin marka laga reebo maalinta ay ciyaarayaan koox uu taageeri jiray oo aanan magacooda qaban. Had iyo jeer waxa uu iga dalban jiray in aan xasuusiyo maalinta uu ciyaar uu sugayaa soo galayso. Shantii iyo labaatan daqiiqo ayaan shiday telefishanka, xilligaas oo ku beegnayd bilawga ciyaartii uu sugayay. ‘Maxamed, way soo gashay ciyaartii aad sugaysay?’ ayaan ugu dhawaaqay isaga oo qolka hurdada ku jira. Wax jawaab ah kama helin. ‘Maxamed’ ayaan ku celiyay. Haba sheegin. Waxaan u soo kacay qolka hurdada. Dhinaca midig ee sariirta ayuu jiifay. Waan soo dul istaagay ‘Maxaa ku helay baybi, miyaad xanuunsanaysaa?!’ ayaan su’aalay. ‘Madaxa ayaa i xanuunaya, xumadna waan leeyahay’ ayuu iigu warceliyay. ‘Bisinka, illaa goorma?’ ayaan idhi inta aan madaxiisa taabtay.

Xumad siyaado ah ayuu lahaa galabtaa. Tuwaal musqusha ku wadhnaa inta aan soo qooyay ayaan madaxa u saaray. Laba saacadood kadib markii xumaddii hoos u dhici wayday ayaan la hadlay dhaqtarka. Waxa ay u soo direen gaadhi anbalaas ah. Keligii bay qaadeen waanay ii diideen in aan raaco. Saacad kadib ayaan la hadlay xaruntii. Waxa ay ii sheegeen in laga baadhay xanuunka Koroona, jawaabtii baadhitaankana la sugayo, marka ay soo baxdana ay ila soo hadli doonaan. Ma qiyaasi karo inta saacadood ee ay ahaayeen intii aan sugayay soo dhicidda telefankaas, balse waxa aan hubaa in ay ahaayeen saacadihii ugu badnaa abid ee aan telefan sugo.

Dhalalamta telefanka marka aan maqlay ayaan booday. Waan qabtay. Gabadh kalkaaliso ah ayay ahayd. Magacayga ayay iigu yeedhay, waxa aanay I waydiisay in aan ahay ehelka Maxamed. In aan xaaskiisii ahay baan u sheegay. Waxa ay igu tidhi Maxamed waa uu fiican yahay hadda, xumadiina way ka degtay, laakiin waxa laga helay xannuunka Korona Fayras. Telefankii aan gacanta ku hayay ayaa iga dhici gaadhay naxdin darteed. Muddo in dhaqtarka lagu hayn doono ayay ii raacisay iyo in aanan soo booqan karin!

Galabnimadii aan tuwaalka saarayay ayay ahayd markii iigu danbaysay araggiisa Maxamed. Afar cisho kadib maalintii laga helay fayraska ayuu geeriyooday. Xiiq uu illaa yaraantiisii lahaan jiray ayaa xaaladdiisa ka dhigtay mid waxba laga qaban kari waayo. Maxamed waxa uu ahaa wehelka keli ah aan adduunka ku lahaa.

Galabuhu waa ii cidlo. Gurigu waa ii mugdi. Maalmuhu waa kuwo aan dhammaad lahayn, habeenkiina hadalkiisaba daa. Kursigii uu ka fadhiisan jiray qolka fadhiga ayaan weheshadaa. Markasta oo aan galabtii shaah samaysanayo waan u niyoodaa, waxaanan sawirtaa isaga oo ila jooga. Ima soo marto maalin aanan tabin wehelkiisa. Urugo joogto ah ayaan la noolahay.

Muna Axmed Cumar

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com