Waa Kuma Cabdirisaaq Khaliif Axmed?

Cabdirisaaq Khaliif Axmed waa shaqsiga ay xisbiga Wadani u soo xuleen in uu u tartamo jaqada gudoomiyaha golaha wakiilada, sidoo kale cabdirisaaq Khaliif waxa siyaasada lagu arkay sanadkii 2010-kii xilligaas oo uu ka mid noqday xukuumaddii Axmed Siilaanyo, isaga oo loo magcaabay wasiirka ganacsiga muddo ka dibna loo bedelay wasiirka hawlaha Guud iyo Guryaynta somaliland.

Shaqsiyada Cabdirisaaq Khaliif

Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxaa uu ka soo mid noqday urur diimeedyo kala duwan sida ururkii Al-ITIXAAD oo mar ahaa urur xoogan oo ka jirey soomaliya, dagaalo badana galay waana urur caan ka ahaan jirey guud ahaan dhulka soomalidu degto.

Intii uu Cabdirisaaq Khaliif ka mid ahaa ururkii Al-ITIXAAD, waxaa uu ka gayb galay dagaalo kala duwan sida dagaalkii bilowgii dhowr iyo shagaashankii ururkaasi ku qaaday dhulka Putland, gaar ahaana magaalada  Boosaaso, dagaalkaas oo loo bixiyey “SALIID ama saliidle of sida uu u yaqaan, si rasmi ah ayuu Cabdirisaaq khaliif uga gayb galay dagaalkaas waxaana uu ka ahaa xubin  firfircoon.

Sidoo kale Cabdirisaaq khaliif Axmed waxaa uu ka gayb galay dagaalkii u dhexeeyey ururkii AL-ITIXAAD  iyo dowlaada Itoobiya sanadkii 1994-1995, dagaalkaas oo ahaa mid saamayntiisa leh doowladda Itoobiyana u arkaysay  urur khatar badan oo soo weeraray, dagaalkaas ayuu ka gayb galay Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo u tagaan jagada Gudoomiyaha Golaha wakiilada somaliland.

1995-kii Cabdirisaaq khaliif Axmed waxaa uu ka gayb galay shirweynihii ururka Al-ITIXAAD, shirkaasoo magaca lagaga bedelay ururka loona bixiyey Al-ixtisaam, isaga oo Cabdirisaaq Khaliif ilaa had aka mid ah ururka Al-ixtisaam, sidoo kale Cabdirisaaq Khaliif waa wakiilka ururka Al-ixtisaam ee gobolka Sool.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxaa uu ka mid ahaa ururkii isbaahaysiga dib-u-xoraynta soomaliya ee laga dhisay magaalada Asmara ee dalka Eriterea 14 sano ka hor isaga oo si buuxda u taageersanaa ururkaas oo uu gudoomiye ka ahaa Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

Waxaa kale oo Cabdirisaaq Khaliif ka gayb galay shirkii Jabuuti ee isbaahaysiga dib-u-xoraynta soomaliya ay u soo guureen, shirkaasoo lagu ballaadhiyey baarlamaankii kumeel-gaadhka ahaa ee soomaliya, iyada tirada laga dhigay 500 oo xildhibaan ka dibna madaxweyne loogu doortay Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

Mudadii uu Cabdirisaaq Khaliif Axmed ahaa wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta sonaliland waxaa uu iibiyey hantidii ugu badnayd ee ma guurto ah, isaga oo iibiyey ku dhowaad 914 guri oo ay ku jireen line police, xaruuntii waynayd ee ay degaanan jirtey shirkadii Solteco iyo meelo kale oo muhiim ah, iyada oo aan la arag lacagtii lagu iibiyey guryahaas meel ay maartay waqtigaas uu wasiirka ahaa cabdirisaaq khaliif waa waqtigii la boobay dhulka danta guud intooda badana loo iibiyey qaab sharci darro ah.

Sida la wada ogyahay Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxaa uu xubin firfircoon ka ahaa inqilaabkii dhicisoobay ee ay koox wasiiro ahi ku sameeyeen xukuumaddi Axmed Siilaanyo, shirqoolkaas Cabdirisaaq Khaliif waxaa uu ka ahaa maskaxdii ka danbaysay isaga iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ahaa waqtigaas wasiirkii madaxtooyada. Inqilaabkaas oo ahaa mid aad loola yaabay in masuuliyiin haya taladii qaranka lagu aaminay ay sameeyaan inqilaab oo isku dayaan in ay fashiliyaan qaranimada iyo jiritaanka somaliland.

Hadaba shaqsiga sifahaa leh ma lagu aamini karaa masiirka ummadda oo ma noqon karaa gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland oo ah kursiga ugu sareeya hay’adda sharci dejinta ah? Jawaabta waxaan u dhaafayaa bulshada somaliland.

Dhinaca kale waxaa sharaxan oo xisbiga Kulmiye ka sharaxan Dr. Yaasiin Xiir Faratoon oo u sharaxan gudoomiyaha golaha wakiilada, yaasiin Faratoon waa oday mujaahid ah oo somaliland soo geliyey tacab badan ka soo qayb qaatay dib-u-heshiisiintii somaliland iyo dib-u dhiskii dalka, waa shaqsi ay ku wayntahay somaliland, waa shaqsin lagu aamini karo qaranimada somaliland sidii horeyba loogu aaminay, waa shaqsi u soo hooyey somaliland guulo waaweyn mudadii uu ahaa wasiirka arrimaha dibeda ssomaliland.

Cabdraxmaan Cabdillaahi Xasan, Hargeisa, somaliland

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com