Waa Maxay Danta Dawlada JABUUTI? Safiir Hore Ambassador Aadan Muuse Jibriil

“KIBIR FOGAADAY KA DIB, DJIBOUTI WAA AY SOO TOOSTAY,LAAKIIN WAXA TAAGAN LABA DHIBAATO.”

Hargeysa (Hayaannewst)- Aqoonyahan Aadan Muuse Jibriil oo ka faallooda siyaasadaha Gudaha Somaliland iyo Mandaqadda Geeska Afrika, ayaa sheegay duufaanno siyaasadeed la soo gudboonaadeen Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, taasina ay sababtay inuu madaxweynaha Dalkaasi marti-qaad u fidiyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo dhawaan socdaal ku tagay dalkaas.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga ee Somaliland Dr Ciise Keyd iyo Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa dhawaan socdaal ku tagay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyey, waxaana ujeeddada safarka weftiga ka faallooday warbaahinta dalka Ethiopia oo siyaabo kala duwan u qaadaa dhigay safarka weftiga Wasiirrada Somaliland ku tageen Jabuuti.

Aqoonyahan Aadan Muuse Jabriil oo soo xigannaya wararka warbaahinta Ethiopia iyo qaar ka mid ah kuwa caalamka oo wax ka qoray weftiga, waxa uu sheegay inay jirto cabsi weyn oo dalka Jabuuti ka jirta, taas oo uu ku tilmaamay inay dalka ku hayso qorsheyaal lagu abaabulayo kacdoon ay sameeyaan qoomiyadda Canfarta ee ku nool dalkaas oo kaashanaysa Canfta kale ee ku nool dalalka Ethiopia iyo Eritrea.

Aadan Muuse Jibriil oo qoraal uu kaga faalloonayo arrintan soo saaray, waxa uu soo qaatay isku-day Af-gembi oo Jabhad ay leeyiihiin Carfantu kula kaceen madaxweynihii hore ee Jabuuti Xasan Guuleed Abti doon sannadkii 1992-kii, wakhtigaas oo Somaliland taageero milatari oo dowlada Jabuuti codsatay u fidisay Jabuuti, taasina sababtay in la jebiyo jabhaddii Canfarta ee xilligaas doonaysay inay talada ka tuuraan madaxweynihii xilligaas ee Jabuuti.

Aqoonahanka oo qoraalkiisa ku bilaabay Laba Dhibaato oo xilligan la soo gudboonaatay dalka Jabuuti, waxa uu ku yidhi, “Joornaalada Itoobiya, sida Addis Herald, Addis Tribune, Addis Zemen iyo joornaalada ku qoran Afka- Axmaarka, ayaa waxa ay ka faaloodeen socdaalka Wasiirka Arimaha Dibada iyo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ay ku tageen Djibouti.

Kibir fogaaday ka dib, Djibouti waa ay soo toostay,laakiin waxa taagan laba dhibaato.

Labada dhibaato ayaa ah, Eritrea oo si is dabajoog ah dhoolatus uga samaysa xadka ay la leedahay Djibouti, iyo Canfarta Itoobiya oo bilaabay is gaashaanbuuraysi loo bixiyey (Greater Anfar) ama (Canfar Weyne).

Canfar Weyne waa mabda ay ku doonayàan in ay ku mideeyaan Canfarta Eritrea, Itoobiya iyo Djibouti, isla markaana ay gacanta ku dhigaan talada Jamhuuriyada Djibouti.

Khatartan ayaa waxa ay madaxweynaha Djibouti, Ismael Omer Guelleh, soo xasuusisey codsi uu u dirtay Madaxweyne Hassan Aptidon Somaliland, markaas oo ciidamo isugu jira Somaliland iyo Djibouti ay 1992, ka saareen maleeshiyada Canfarta, magaalooyinka Assa Gueyla, Balho, Dora iyo Randa oo ku yaala dhinaca Tadjourah ee waqooyiga Djibouti.” Sidaas ayuu Aqoonyahanku ku yidhi Qormada uu arrimahan kaga hadlay.

Aadan Muuse Biixi Jibriil wuu sii watay, waxaanu yidhi, “Jabhada FRUD, oo hub badan ka helay askartii ka cararaysay jabhada TPLF, May 1991, ayaa qorshahooda uu ahaa in ay xoog xukunka kaga ridaan Madaxweyne Hassan Aptidon, waxana taas ay keentay in Madaxweyne Aptidon uu ka khudbadeeyo Baarlamaanka Djibouti, February 10,1992, isaga oo ku balanqaaday in Isaaq, Gadabgursi iyo Arab ay xisbiyo Dimuqraadi ah ka furan  doonaan Djibouti.

Dagaalka jabhada Canfarta FRUD ay ku hayeen Djibouti, waxa uu sababay in Madaxweyne Hassan Guled uu isku shaandhayn ku sameeyo golahiisa wasiirada February 4,1993, markaas oo uu 8 wasaaradood uu siiyey Ciisaha, 7 wasaaradood oo uu ku jiro ra’iisal wasaaraha uu siiyey Canfarta, halka wasaaradaha soo hadhay ay qaybsadeen Carab, Isaaq iyo Gadaguursi.

August 26,1992, ayaa waxa is casilay Helaf Orbis Ali, oo ahaa Wasiirka Shaqaalaha Djibouti. Helaf Ali, waxa uu ku eedeeyey Madaxweynaha Djibouti, Hassan Aptidon, in uu siinayo waraaqaha dhalashada Djibouti dadka Isaaqa ah ee degan Somaliland, si loo yareeyo tirada dadka Canfarta.

February 22,1994, Madaxweyne Egal ayaa waxa uu diiday in ciidamadiisa ay la dagaalamayaan FRUD, ka dib markii Madaxa Shaqaalaha Jabhadda FRUD, oo lagu magacaabo Ougoureh Kifle Ahmed, uu ku eedeeyey Somaliland in ay caawinayaan ciidamada Djibouti.Isla markaas ayaa jabhada FRUD, xoog looga saaray dhul badan oo ay hore u haysteen.”

Aqoonayahan Aadan Muuse Jibriil waxa uu sheegay inay jirto suurta-galnimo ah inay mar kale soo laba kacleyn karto dhacdooyinkaas hore u qabsaday dalka Jabuuti isla markaana uu madaxweynaha dalkaasi ku baraarugay arrimo badan oo gudaha dalkiisa iyo gobolkaba ka jira, waxaanu yidhi, “Qalalaasaha bilowgii 1990, oo u muuqda mid soo noqon  kara 2022, ayaa waxa ay sababtay casuumad uu Madaxweynaha Djibouti Ismael Omer Gueleh u fidiyey laamaha kala duwan ee xukuumada Somaliland, sida Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland iyo Wasaarada Arimaha Dibadda.”

Wariyaha caanka ah ee France 24, Adolphe Amouroux,ayaa sheegay in casuumada ay Djibouti u fidisay madaxda Somaliland ay timid ka dib markii warbaahinta Geeska Afrika ay sii daayeen soo dhaweyn aad u saraysa oo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo golahiisa wasiirada ay ku qaabileen Madaxweynaha Somaliland, Muse Biixi Cabdi.

Sida uu sheegay Adolphe Amouroux,Djibouti waxa ay doonaysaa heshiis daacad ah, heshiiskaas oo ku salaysan ganacsiga iyo ilaalinta amaanka in ay la gasho Somaliland, si garab loogu helo khataraha ka imanaya Canfarta iyo Eritrea.” Sidaas ayuu yidhi Aqoonyahan Aadan Muuse Jibriil

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com