“Waan ku farxay Hadalka Madaxweynaha”Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne).

Hargeysa(Hayaannews): Rashiid Sheekh Cabdillaahi Gadhweyne, ayaa sheegay in uu si weyn ugu farxay hadalkii madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale waxaa uu bushada ugu baaqay in ay  habboon tahay in si anshax iyo asluubi ku dhehan tahay wax la isu weydiiyo.

Rashiid Gadhweyne isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.”Madaxwene Muuse Biixi salaan iyo mahadcelin baan halkan ugu dirayaa ee ciddii iga gaadhsiin kartaa ha iga gaadhsiiso.

Waxaa ii raaca, innaga oo ay waajib inagu wada tahay ilaalinta farriinta diinta iyo anshaxa dhaqanka wacani, waa in aynu si la mid ah u ilaalinno danta midnimada bulshada iyo horumarka aqoonta iyo cilmiga.

Qaladna cid kasta wuu ka dhici karaa ee ma aha in la isribeeyo oo dembiyo been ah la isu xambaariyo.

Waxa habboon in si hufan oo anshax huwan wax la isu weydiiyo la isuguna sheego.

Ma aha in danni iyo war aan hubaal lahayn la la dhaqaaqo oo lagu khudbeeyo.

Waan ku farxay hadalka Madaxweynaha salaan wacan saaxiib baan leeyahay, waayo maanta waa ii madaxweyne, saaxiibtinnimadayadaa se ka horreysay ”

Rashiid Sheekh Cabdilaahi ( Gadhweyne)

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com