War qad Furan Oo Ku Socota Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Dabagale

Waxaan halkan ku soo gudbinaya qoraal ama warqad furan oo aan u diraayo Taliyaha ciidanka Booliska somaliland sareeye Guuto Dabagale.

Taliye marka la sheegayo shaqada booliska ay u hayaan Dalka waxaa ugu mudan laba shaqo oo kala ah sugida amniga gudaha ee dalka iyo baadhista dacwadaha ciqabta àh ee ka bilaabma saldhigyada.

Sidaa darteed waxaan jeclaystay in aan qoraal ku soo gudbiyo Taliye.

Waxaan dul istaagaya nidaamka Baadhista dacwadaha ciqaabta ah saldhigyada ka bilaamba.

 Taliye isbadel kasta oo lagu sameeyo ciidanka booliska hadaan nidaam baadhista dacwadaha ciqaabta ah  aan laga dareemin maaha is badel  samayn cadaladeed leh.

Hadaba waa nooce Habka nidaamka badhiseed ee ciidanka booliska somaliland isticmalaan?

Hada kama jawaabi karno balse hadii aynu isla fahano qaabka baadhista Dacwada ciqaabta ah waxaa laga yaaba jawaabta suaasha hore in ay inoo hawl yarato.

Taliye saldhig boolis oo kasta waxaa uu leeyahay madax badhiseed  iyo baadhayaal kala duwan kuwaas oo haya baadhista dacwadaha soo gala saldhiga. Sidaa darteed marka laga tago Taliyaha saldhiga iyo taliye ku xigeenka saldhiga culayska shaqo ee ugu badan waxaa uu ku dhacaa waaxda baadhista ee saldhiga.

markay sidaa tahay culayskii shaqo ee baadhistuna uu dul saaran yahay waaxda baadhista ee saldhigyada. Waxaa isweydiin mudan sualahan.

■Madaxa baadhis ee saldhigu shaqo ahaan ma madax baaan yahay.

■Aqoonta sharci ee madaxa baadhista waa nooce

■Nidaanka maamul ee madaxa baadhahu u qaybinayo dacwada la baadhayo waa noocee?

■Baadhayasha lagu qoro baadhistu  ma u madax banaan yihiin baadhistooda.

■Waaxda baadhista dacwada ciqaabta ah  saldhigu ma leedahay wax misaniyad ah  si ay u sameeyaan baadhista dacwadaha ciqaabta ah ee ay hayaan ?

■Doorka Taliyaha saldhigu ku leeyahay baadhista dacwadaha ciqabta ah waa mid noocee ah .

Taliyaha qaybtu ma soo saari karaa wax awaamir ah oo la xidhidha dacwada ciqaabta ah ee baadhista ku jira.

■ma lagu tababara ilaalinta xaquuqaha eedaysanayashu ay leeyihiin.

Helista xogaha dacwadaha ciqaabta ah ee ay saldhigyadu hayaan waa talabooyinka ugu mudan ee lagu gaadhi karo Hufnaanta nidaamka badhiseed ee Booliska.

  tusale ahaan 7 saldhig ee ku yaala Degmada hargaisa waa saldhigyada  ugu badan ee haya dacwadaha ciqaabta ah sidaa darteed hadii la helo xog maalinle ah oo ku saabsan

■nooca danbiga

■Tilmaanta eedaysanaha

■Khasharaha ka dhashay

■Tilmaanta Dhibanayasha 

Waxaa La heli lahaa saddex biloodba warbixin inoo iftiimanaysa

■dacwada ugu badan ee dhacay

■Nooca ay u dhaceen dacwahaasi ciqaabta ah

■Qalabla kala duwan ee la adeegsaday

■Khasaraha ka dhashay.

Marka intaa la helo waxaa cilmi baadhis lagu samayn karaa habka loo yarayn karo dacwadaha ciqaabta ah ee ugu badan saldhigyada .

 Madaama wakhti badan iyo kharashba ay baadhistooda iyo xukunkooduba qaataan . Hadii la helo hab lagu yarayn karo dacwadaha ciqaabta ah ee culayska shaqo ku haya hayadaha baadhista iyo garsoorkaba waxaa fursad fiican u noqon lahayd in qaadista dacwadaha ee hayadaha garsorka culays badan ka dhaco.

Tusale ahaan hadii danbiga ugu badan ee saldhigyada soo gala uu noqdo Robbery / budhcadnimo .waxaa waaxda baadhistu ee boolisku dadaal galinaysaa

■sababaha ay u dhacaan danbiyadan budhcadnimada ah

■Goobaha ay ka dhacaan danbiya budhcadu

■tilmaamah Eedaysanayasha gala danbiyada budhcada

Hadii nidaamka baadhista ee booliska habkan loo dhiso waxaa soo kordhi doonta in habsami u socodka dacwadaha ciqaabta ah ee baadhista ku jira  noqdo mid lagu kalsoon yahay , Nidaamka guud ee cadaladana  qayb ka noqda

Lawyer mohame bashe husein

Suusabaashe@gmail.com