Warbixin Xasaasiya: Waa Kuma Hanti Dhawraha Guud Ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir?, Siduu Shaqada Dawlada Ku Bilaabay Iyo Ruuxa Uu Yahay.

Waxaan aad u jecelaystay inaan Bulshada Somaliland la wadaago Qoraalo taxane ah oo aan isleeyahay ugu iftiimi Shaqsiga uu yahay Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland  Axmed Yuusuf Dirir, Halka uu Shaqada Dawladda kasoo galay, cidda soo galisay, Dhacdooyin layaableh oo Musuq Maasuq oo taariikhdiisa shaqo ku sidkan, qaabka uu uga tujaaray Hantida Qaranka iyo arimo kale oo xasaasi ah oo si gaar ah qalbiga Qof kasta u taabanaya kuwaasi oo meesha ka saaraya inuu sii ahaado ama uu madax kasii ahaado Hay’addii dhamayd ee Qaranka ugu mudnayd ee loogu talo galay illaalinta Hantida Qaranka.

Waa kuma Axmed Yuusuf Dirir, Sideebaanu Shaqada Dawladda Ku Soo Galay?

Hanti Dhawraha guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir waxa uu kasoo jeedaa Qoys Sabool ah oo xoolo dhaqato ah (imika waa tujaar eh), waxaanu ku dhashay, kuna barbaaray Nolosha baadiyaha, isagoo da’ ahaan weyn ayaa magaaladda Berbera la keenay Bilawgii Shagaashanaadkii, waxaana miyiga kasoo kaxeeyay Mareeyihii ugu mudada dheeraa Dekeda Berbera Eng Cali Xoor Xoor oo ay ehel dhaw yihiin, waxaana shaqadiisii ugu horaysay uu ka bilaabay Dekeda Berbera, isagoo ahaa shaqaale hoosaadka Dekeda, waxaana qoray Cali Xoor Xoor oo noloshiisa soo gacanta qabtay.  Axmed Yuusuf Dirir, maanta waa maalqabeen hanti badan ka dhaqday, xilal kala duwana kasoo qabtay Dekeda Berbera. Fuuqyada ugu dhaadheer ayuu ku leeyahay Magaalada Berbera iyo Hargeysaba, sidoo kale waxa uu Dubai ku leeyahay Hanti xoog ah oo uu si qarsoodi ah uga samaystay Dubai iyo Baananka uu lacagta dhigto oo Dubai uga Furan. Sidoo kale waxa uu Dubai ku guursaday naag carabiyad ah oo uu imikana uu Hargeysa usoo raray taasi oo muujinaysa sida uu uga tujaaray Xoolihii umadda ee lagu aaminay.

Door Noocee Ah Ayuu Cali Xoor Xoor Ku Lahaa Nolosha Axmed Yuusuf Dirir?

Axmed Yuusuf Dirir waxa si weyn usoo gacan qabtay Cali Xoor Xoor oo waxbarashada dadka waa weyn ku daray, waxa uu markii dambe u diray isagoo shaqaale hoosaadka Dekedda Berbera ah(Xamaal), koorso dibadda ah, Muddo lix bilood ah ayaanu ku maqnaa dal Africa-da kuyaala(South Africa), markii uu soo noqdayna Waxaa uu u magacaabay oo uu u dhiibay Xisaabiyaha Guud ee Dekeda Berbera,wakhtigii Xukuumaddii UDUB. Waxa uu Axmed Yuusuf wakhtigaasi khaayimay Cali Xoor Xoor-kii noloshiisa qaybta weyn ku lahaa ee soo dhisay ee soo gacan qabtay, waxaanu Siraha dekeda u basaasi jiray Xisbigii wakhtigaasi mucaaridka ugu weyn ahaa ee Kulmiye, isagoo qorshihiisu ahaa inuu haddii uu Kulmiye Talada dalka ku guulaysto uu Xilka kala wareego Cali Xoor Xoor, taasi oo markii dambe dhacday, oo uu Kulmiye abaal gud uga dhigay basaasnimadii uu kula shaqayn jiray ee uu sirraha Cali Xoor Xoor dibada ku siin jiray. sidii ay ahayd, Islamarkii uu Xisbiga Kulmiye talada Dalka ku guulaystay 2010-kii waxa Axmed Yuusuf Dirir loo magacaabay Dekeda Berbera, inyar kadib waxaa lagu helay arimo Musuq Maasuq, markiiba waxa uu qaaatay lacago badan, fooqyo ayuu dhistay, dhulki danta guud ayuu boobay,waxaanu arinkiisu noqday mid ifka u soo baxay oo lawada ogaaday oo aan cidna ka qarsoonayn, sidaasi ayaan Xilkii looga qaaday.

Markii Shirkadda Dp-World Dalka Timid iyo Dhacii Ugu Balaadhnaa Ee Uu Axmed Gaystay!!!!

Afar sanno markii uu ka maqnaa Xilka Maareeyaha Dekeda Berbera, ee ay Shirkadda Dp-World timid ee Cali Xoor Xoor-na si aad ah ugasoo hore jeestay ayaa uu mar labaad dib ugu yeedhay Maxamuud Xaashi oo markaasi ahaa Wasiirkii Madaxtooyadda. Markan dambe waa markii uu dhacay Wadanka. Gaadiid badan oo uu Cali Xoor Xoor ku wareejiyay oo ay dekedu lahayd, Alaabo safar dibadda ugu maqnaa Dekeda, iyo Lacago kaash ah oo Qasnadda ugu jirtay oo illaa 5-Milyan Dollar ahayd oo cadaan ah oo uu Cali Xoor Xoor Goob fagaare ah ka sheegay oo uu ku wareejiyay waxaasi oo dhan waa uu isku muudsaday oo kamuu xishoon. Waxa uu markiiba dib ulasoo noqday Lacagta alaabo Dekeda loo soo iibinayay oo Cali Xoor Xoor dalabkeeda ka tagay , taasi oo uu jeebka u shubtay lacagtoodii, arintaasi oo ku cadaatay markii dambe, kana mid noqotay dhacdooyinkii ugu layaabka badnaa ee uu ku kacay ee fashiliyay.

Inyar markii uu Xilka hayay, waxay Dawladdii Kulmiye Galisay Hanti dhawr,  waxa kooxdii gashay hogaaminayay Hanti Dhawrihii hore ee Qaranka Siciid Saleebaan Mire, Baadhistaasi waxaa lagu ogaaday in Hal milyan iyo boqol iyo konton kun maqantahay oo lacagtii Dekeda ee Akawnka kujirtay ahayd, waxa kale oo la ogaaday inay maqan tahay lacagtii Taagga lagu soo iibinayaya oo iyana Shan Milyan ahayd, sidoo kale waxa la waayay sagaal gaadhi oo Cali Xoor Xoor ku wareeejiyay, waxa kale oo la ogaaday qandarasyadii uu bixiyay Cali Xoor Xoor inuu dadkii kasoo celiyay oo uu lacagtii cunay. Halkaas markay maraysao waxay Hanti dhawrku sameeyeen in habeenimo gurigiisa loo daatay, waxa kooxdii Gurigiisa u daadatay ka mid ahaa oo hogaaminayay Ninka lagu magaabo Cali Bilyan, waxa islamarkan GURIGIISA loo daatay uu ku  mashquulsanaa Guryo uu ka iibsanayay Magaaladda Dubai oo goobo mihiim ah ku yaalay kuwaasi oo laga war helay, Waxa markii loo daatay Gurigiisa loogu tagay oo laga soo helay laba gaadhi oo ka mid ah sagaalkii Gaadhi, todobaddii kale waa la waayay oo sidaasi ayaa lagaga quustay.

Qaabkii Uu Ku Dhacay Lacagtii Shanta Milyan Ahayd Ee Taagga Iyo Siduu Uga Badbaaday Xadhigga + Cidda La Tacaashay.

Waxa kale oo baadhistaa iyo dabagalkaasi lagu sameeyay ee lagu raadcaynayay hantida badan ee ku maqnayd lagu soo helay Foojarigii uu lacagta Shanta Milyan ah ee Taagga loogu talogalay uu kula baxay, kaasi oo ay kuyaalaan Hal saxeex oo aanay la saxeexin raggii sharci ahaan la saxeexa lalahaa sida Xisaabiyihii Guud ee Dekedda iyo Raggii ee lalahaa saxeexa jeegaga.  Dhacdooyinkaasi fajicisada lahayd ee lagala kulmay baadhistaasi waxa ka mid ahayd in markii laga waraystay hantida baddan ee ku maqan halka uu mariyay iyo halka ay martay lacagtii Cadaanka ahayd ee Shanta milyan ahayd ee uu la baxay, waxa uu sheegay inuu Laba Milyan oo ka mid ah lacagtaasi uu Siiyay Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye oo ahaa Wakhtigaasina Madaxweynaha Maanta Xilka haya Muuse Biixi Cabdi, arintaasi oo layaab ku noqotay Xukuumaddii Wakhtigaasi iyo masuuliyiintii baadhista sameeyay ee uu xogta la wadaagay. Waxa kale oo iyaduna layaab noqotay inuu sheegay inuu iyana Kharash galiyay oo uu lacagtaasi ku maqan ku soo sameeyay Calamaan iyo koofiyo Xisbiga Kulmiye iyo waxyaabihii kale ee Ololaha Xisbiga Kulmiye.

Waxa waxa uu Meelna ku sheegi waayay 7-dii Gaadhi ee la waayay ee Cali Xoor Xoor ku wareejiyay. Waxa kale oo la ogaaday in dhisme xafiisyo Cusub oo loo dhisayay wakhtigaasi Dekeda oo ay Soo qiimaysay Shirkadda VILLA and mansion oo ay afar boqol oo Kun oo dollar kusoo qiimaysay dhismahaasi waxa uu Koontaraaka Dhismahaasi siiyay shirkad kale oo la yidhaa Daryeel Construction taasi oo uu heshiis kula galay inuu lacag badan uu dul dhigto, waxa uu ku sheegayHal Milyan iyo Laba Boqol inay ku baxeen dhismahaasi,halka Shirkadda  VILLA and mansion hore ugu qiimaysay afarta Boqol oo Kun Oo Dollar,taasi oo iyaduna amakaag ku riday maasuuliyiintii wakhtigaasi baadhista ku sameeyay, iyo Xukuumaddii Wakhtigaasi Xilka u egmatay.

Madaxweyne Muuse Iyo Axmed Dirir Halka Ay Iskala Jaan Qaadeen!!!.

Waxay baadhistaasi ay bilaabantay 14/09/2017-kii, waxaanay socotay illaa 18-kii bisha oo ah Afar cisho gudaheed, waxaana mudadaasi afarta cisho ah la ogaaday in hanti malaayiin doolar ahi ay maqantahay. Madaxweynihii hore ee Siilaanyo ayaa laga codsaday inuu xilka ka qaado si loo xidho. Waxa dagaal u galay in xadhig laga badbaadiyo Odayaal iyo salaadiin reerkooda ah,  waxa kale oo isna dagaal kala hortagay in ninkaasi la xidho Gudoomiyihii Xisiga Kulmiye ee Wakhtigaasi imikana ah Madaxweynaha Dalka Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Muuse ku qanciyay Xukuumaddii Siilaanyo in xilka uun laga qaado oo aan la xidhin,  22-kii Bishii Sagaal ee 2017-kii  ayaa xilka laga qaaday. Muuse Biixi ayaa Siilaanyo ka codsaday oo ku yidhi “ reerka ha igu kicin”. Xogaha aanu helnay ayaa sheegaya inuu Muuse Biixi wakhtigaasi uu codsigan uu ka dalbanayay uu lugaha qabsaday Madaxweynihii wakhtigaas Siilaanyo. Waxa Xasuus Mudan in Axmed Yuusuf Dirir uu lacagaha lagu helay ee ku maqan uu ku sheegay inay qaybo ka mid ahi ku maqan tahay Xisbiga Kulmiye oo uu Gudoomiye ka ahaa Muuse Biixi Cabdi, waxaana Ficilka iyo dhaq dhaqaaq uu Muuse ku difaacayay ka muuqda inuu isaga laftiisu wax badan ka hortagayay. Waxa halkaasi ka cadaatay inay Muuse Biixi iyo Axmed Yuusuf Dirir isku xidhnaayeen islamarkaana uu dan gaar ah ku qabay, suurtagalna ay tahay inuu Lacagtaasi iyo hantidaasi uu dhacay wax ogaa.

La Soco Qaybaha Dambe Ee Taxanahan ….

Diblomaasi Haybe Xasan Jaamac (Hantiile2001@gmail.com) , London.