Warqad Furan oo ku Socota Macallinka ka Cabanaya in Dhul Laga Qaaday, Dowladda Hoose ee Hargeysa iyo Xildhibaan Nacnac
October 30, 2019 - Written by admin
“Ilma Biixi dhulka ku waayi maayaan Madaxweynaha ayaad
isku hayb tihiin, macallinkuna dhul ku heli maayo qoyska Madaxweynaha ayaa dhul
igu haysta, labaduna…”Qore: Cabdalle Ismaaciil Yaasiin (Baallo)
Waxa maalmihii ugu dambeeyey aad iyo aad loo hadal hayay
sheekada ku saabsan dhul uu nin macallin ah ka dhisanayey Caasimadda Hargeysa,
gaar ahaan Waaxda Ibraahim Kood-buur oo laga joojiyay, iyadoo halka uu macallinku guriga ka
dhisanayey uu ku yaal dhul ay leeyihiin Ilma Biixi Cabdi oo ah dhul dhaxal ah
oo ay wada leeyihiin qoyska Madaxweynaha Somaliland, waxaannu macallinku ku
doodayaa in dhulkaas laga iibiyey.
Haddaba, ilaa
imminka dhinaca Macallinka ayuun baa saxaafadda iyo warbaahinta la hadlay oo
cabashadooda soo bandhigay, laakiin weli dhinaca qoyska Madaxweynuhu wax hadal
ah oo ay saxaafadda mariyeen ma jiro. Haddaba marka arrinku halkaas marayo,
waxa aad mooddaa in la siyaasadeeyey arrinkii dhulka ee labada dhinaca ka
dhexeeyey oo laga dhigay in dad masaakiin ah la dhacayo oo dawladdu dhacayso, arrinkuna
sidaa maaha.
MACALLINKU
MUXUU KA YIDHI ARRINKA:-
Waxaan doonayaa in aan halkan idinku soo gudbiyo hadalkii
ninka macallinka sheeganayaa uu saxaafada u soo gudbiyay, waxaannu yidhi; “Waxa
la iga joojiyay dhul aan guri ka dhisannayay, dhulkaas oo sharciyaddiisu dhan
tahay, waxaana iga joojiyay Dowladda hoose ee Hargeysa, gaar ahaan maayirka,
sababta la iga joojiyay waxa weeye dhulka oo ay sheeganayaan Qoyska Ilma Biixi
Cabdi. Waxa uu hadal na dhexmaray innan uu Madaxweynuhu abti u yahay, (waa
Agaasime Ciise Maxamuud Ciise), kadibna waxa uu ii sheegay inay iyagu dhulka
leeyihiin oo awoowgii Biixi Cabdi uga
dhintay oo dhul dhaxal ah uu yahay, muddo ka dib ayaa waxa ii yimid inanka uu
Madaxweynuhu abtiga u yahay iyo wiil uu dhalay Madaxweynuhu, ka dib waan is
garannay oo ardaydii aan macallinka u ahaan jray ayay noqdeen, ka dib si ixtiraam
leh ayey iila hadleen oo baabuur meesha taagnaa oo V8 ah ayaan soo fuulay oo maayirka
magaalada Hargeysa ayaa gaadhiga saarnaa, ka dib waxay igu yidhaahdeen; ‘arrinka
waan dhammaynaynaa ee is deji.”
Horta hadalka macallinku sidaas ayuu ahaa, laakiin sida
hadalkiisa ka muuqata haddii innamadii uu macallinka uu ahaan jiray iyo maayarkii
magaaladuba ay ku yidhaahdeen arrinkaas waan dhammaynaynaa ee aniga naga war
sug, may ahayn in macallinku uu saxaafadda soo mariyo hadallo isugu jira
aflagaado iyo ceebayn uu u jeediyey qoyska Madaxweynaha iyo maayirka Hargeysa
ma ahayn, inamada uu macallinka u ahaa ee ixtirimaamay sida uu sheegay isagu
macallinku ma ixtriraamin inamadii, markaa arrinkaasi waa gef ka dhacay macallinka
ee waxaan leenahay macallinka xaal iyo raaligalin ka bixi arrinkaas aad
samaysay ee aad warbaahinta iyo saxaafadda marisay.
Markaa anigu waxa aan leeyahay; “Ilma Biixi dhulka ku
waayi maayaan Madaxweynaha ayaad isku hayb tihiin, macallinkuna dhul ku heli
maayo qoyska Madaxweynaha ayaa dhul igu haysta, labaduna waxay ku kala baxayaan
sharciga dalka iyo Maxkamadaha Somaliland.”
DAWLADDA
HOOSE EE HAYGEYSI MAXAY KA TIDHI ARRINKA:-
Xildhibaan Xasan Shahar oo ka mid ah Golaha Degaanka
Hargeysa oo u hadlay Dowladda Hoose ee Hargeysa waxa uu sheegay isagoo ka
hadlaya dhulkan lagu muran yahay, in dhulkani uu xayirnaa Ilaa sannadkii 2004-kii
oo Maxkamadda Jamhuuriyadda Somaliland ay xayirtay, isla markaana uu ahaa dhul
loo xayiray Ilma Biixi Cabdi, isla markaana ay dowladda hoose Hargeysa ka
rartay dad danyar ah oo dhulkaas si sharci-darro ah u degay toddobaadyadii uu
dambeeyey.
Marka uu arrinku halkaas taagan yahay, macallinkuna waxa
uu sheegay in dowladda hoose ee Hargeysa, gaar ahaan Degmada Ibraahim Kood-buur
ay u sharciyayeen dhulka, isla markaana ay siiyeen sharcigii dhulka looga
fasaxay ee uu ku bilaabay dhismaha macallinku.
Marka aad labadaas hadal is barbar-dhigto, waxa kuu soo
baxayaa in Dawladda hoose ee Hargeysa ay qayb ka tahay muranka dhulkan oo iyadu
ay tahay cidda sababtay muranka dhulkan, markaa dawladda hoose ee Hargeysa
waxan u soo jeedin lahaa in arrimaha dhulka ee muranka badan dhaliyay ay xalliyaan
oo iyagu dib isugu noqdaan oo aanay marna Madaxweynaha sawir la soo galin,
marna dhulka Ilma Biixi Cabdi ee dhaxalka ay aanay sharciyadu been ah u samayn
oo shacabka aanay muransiin.
ARRINKA
XILDHIBAAN NACNAC:-
Waxa aan warbaahinta iyo saxaafadda ku arkayay maalmihii uu dambeeyey Xildhibaan Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland oo deeq raashin ah gaadhsiiyay qoysaska dan-yarta ah ee Dawladda hoose ka rartay dhulka lagu muran sanyahay. Waxa aad moodaa in Xildhibaanku lacagtii reer Axmed dhagax iska uruririyeen ee waddada Balli-gubadle ku dhisayeen uu u adeegsanayo olole dad-kicin ah, markaas xildhibaanka waxaan leenahay lacagta reer Balli-gubadle kuu dhiibteen ee ay waddada ku dhisayaan olole siyaasi ha u isticmaalin ee u daa dadka hantidooda ay kugu aamineen.
Waxa kaloo aan dowladda u soo jeedinaynaa, gaar ahaan Wasiirka
Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Jamhuuriyadda Somaliland in uu ka qaybqaato
dhismaha waddada Balli-gubadle oo ah waddo muhiim ah dhinaca dhaqaalaha waddanka
iyo wax-soo-saarka.
GEBOGEBO:-
Waxa dhacdo ugub ah noqotay oo innagu cusub in dadkii
sharafka iyo karaamada innaga mudnaa ee waddanka taariikhda ku lahaa ee qaar Madaxweynayaal
ka soo noqdeen in hantidoodii iyo dhulkoodii lagu qabsado oo waliba aflagaado
loogu daro.
Dhacdadan imminka taagan ee la xidhiidha dhulka qoyska
Madaxweynaha, waxa ka horaysay dhacdadii kale ka dhacday Magaalada Berbera,
iyadoo ay dad gaar ah sharci u samaysteen, kuna doodeen inay leeyihiin dhul uu
lahaa Allaah ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland marxuum Maxamed
Xaaji Ibraahim Cigaal oo ku yaal Berbera, dhulkaas oo uu dhaxal ku helay, ka dib dadku aad ula yaabay oo la is
weydiiyey, muddo ka dib arrinkii dhammaaday oo qoyskii Madaxweyne Cigaal ka
tagay loo xukumay.
Haddaba, Cigaal isagu wuu dhintay oo isagoo dhintay ayaa
dhulkiisii lagu murmaye, waxa iyadu dhacdo la mid ah noqotay arrinkan dhulka
Ilma Biixi Cabdi ee waliba iyagii oo nool oo Madaxweynihii Muuse Biixi nool
yahay in dhulkoodiii sharciyo been-abuur ah loo samaystay. Markaa waxaan u soo
jeedin lahaa bulshada reer Somaliland in ay ixtiraamaan madaxdooda oo ay
sharfaan, isla markaana aanay budhcadnimo iyo boob ula iman hantida ay
Madaxdeennu sida gaarka ah u leedahay.