Wax Ka Baro Cuntoooyinka Nadiifiya Beerka. iyo Dhibaatadda Dufanka Baddan.

Beerku waxaa uu ka mid yahay xubnaha ugu muhiimsan ee jirkeenna waxaa uu qabtaa howlo badan waxaa ka mid ah in uu burburiyo ama jirka ka saaro sunta soo gasha, waxa uu kaalin mug leh ka qaataa shaqada hab-dhiska difaaca, sidoo kale dufanka dheeraadka ah ayaa uu jirka ka saaraa.
Maadaama ay aad ubateen cunista cuntooyinka dufanka leh, cuntooyinka shiilan iyo cuntooyinka warshadaysan kuwaas oo culays xooggan saaraya beerka marka wasakhda la saarayo taasoo sababaysa in beerka shaqadu ka badato kadibna uu shaqada yareeyo. Sidaa daraadeed waxaa muhiim ah in qofku uu ku dedaalo cuntooyinka beerka ka caawiya inuu si fudud iskaga saaro qashinka.
Hadaba waxaan halkaan kusoo aruurinay cuntooyinka beerka sifeeya waxayna kala yihiin:
1➡️Toonta: toontu waxa ay ka caawisa beerka in uu dar dar geliyo fal dedejiyaha kaas oo saara sunta, labada ugu caansani waxa weeye selenium, iyo allicin. waxa ay difaacdaa waxyaabaha khatarta ku ah beerka.
2➡️Liin Bambeelmada: waxay hodan ku tahay fiitamin C iyo maadada jirka sunta ka saarta ee “antioxidants”. Hal koob oo cabitaanka liin bambeelmada ah wuxuu ku filan yahay in beerka uu ka caawiyo qashin saarka.
3➡️Kaarootada: Cunista kaarootadu waxay hagaajisaa shaqada beerka.
4➡️Shaaha cagaaran: Waxaa ku jira maadada “catechins” oo caan ku ah caawinta beerka iyo qashin saaridda. Akhriso Faaidooyinka Shaaha Cagaaran.
5➡️Avocado: Miraha avocodo da waxay ka mid yihiin cuntooyinka loo yaqaan “Super foods”, waxay leedahay faaidooyin caafimaad oo aan lasoo koobi karin. Avocado-da waxaa ku jira maado loo yaqaano “Glutahione” oo muhiim u ah sun saarista beerka. Akhriso: faaidooyinka avocado-da.
6➡️Tufaaxa: Tufaaxu wuxuu horumariyaa caafimaadka beerka waxaa ku badan maado loo yaqaan “Pectin” oo ka caawisa mindhicirrada in aysan nuugin wixii jirka khatar ku ah.
7➡️Huruuda: Waxay u fiican tahay caafimaadka beerka. waxay caawisaa in beerku iska saaro qashinka.
8➡️Lowska Walnuts: Miraha lowska nooca loo yaqaan Walnuts waxaa ku jira “glutathione” iyo omega-3 Fatty acids oo caawiya nadiifinta beerka.
9➡️Koostada: Koostadu (spinach) waxay beerka ka caawisaa soo saarista qarasta beerka uu soo saaro taasoo muhiim u ah qashin saarka iyo dheefshiidka cuntada dufanka leh.
10➡️Kaabashka: kaabashka iyo broccoli-ga waxay ka mid yihiin khudaarta beerka u roon. Kaabashka waxaa kor u qaadaa shaqada waxyaabaha dheecannada burburiya ee loo yaqaan “enzymes” kuwaas oo howshoodu tahay inay qashinka beerka ka saaran.
11➡️Saliida saytuunka: Waxay jirka ka caawisaa sun saarista waxayna u fiican tahay beerka.
12➡️Liin Dhanaan: Liin dhanaanta waxaa ka buuxo fiitamin C oo sunta ka dhiga mid ku milmi karta biyaha taasoo sahlaysa in jirka laga saaro. Cabbista cabitaan liin dhanaan fresh ah aroorta hore waxay dardargelisaa shaqada beerka.
Xigasho Dr Shaahid
Hayaannews, Office
Hargeysa, Somaliland