Wax ka Baro Taariikhda Axmed Gacayte : Waxa Qoray Cumar Seerbiya
October 18, 2019 - Written by admin
Axmed Gacayte Yuusuf wuxuu
xaafadda xidigta looyaqaanno ee Hargeysa uu ku dhashay sannadkii 1948 waxaanu
ahaa curadka 10 wiil iyo 3 gabdhood uu dhalay Aabbo Muxumed Yuusuf caan ku ahaa
magaca Gacayte .
Maalin ka mid ah dhammaadka
sannadkii 1964 ayey weriyayaal ka tirsan idaacadda Radio Hargeysa waxay
booqdeen dugsiga Axmed Gurey ee xaafadda Iftin oo uu Axmed Gacayte ka mid ahaa
ardayda wax ka barata ka dibna waxay ka duubeen codad lagu qiimaynayo ardayda
kuwooda heesi kara si looga dhigo fannaaniin.
Axmed ayaa ka mid ahaa kuwii
codkooda la duubay ka dibna maalin kale ayaa dugsigii la soo booqday waxaana
loo sheegay in Axmed yahay qofka ugu codka fiican ilaa toban arday oo codkooda
la duubay , sidii ayaana idaacadda loo geeyey si heeso looga qabto.
Bilawga sannadkii 1965 ayuu Axmed
qaaday heestii koowaad oo ahayd “ Ahlan wa sahlan Daahir, Ahlan wa sahlan
deeqa” waxa la qaadayey Marwo Maxamed Cabdi iyo gabadh Shamso Diidan la odhan
jiray oo aan fanka waqti badan ku jirin.
Maalin aabihii Gacayte oo meel
dubnad ku ciyaaraya ayaa idaacadda ka maqlay wiilkiisii oo heesaya ka dibna
taasi waxay sababtay inuu guriga ka eryo madaama aan faham badan laga qabin
waagaas fanka .
Wixii ka dambeeyey Axmed wuxuu
dhexgalay badweyntii heesaha iyo laxamaynta , waxaanu laxameeyey riwaayado
badan sida , Rooble ma runbaa oo ay wada lahaayeen Cabdi Qays iyo Axmed
Saleebaan Bidde , Ninba Timo Xamar oo uu lahaa Meecaad Miigane iyo weliba Boon
Xirsi , Jacayl waakane kaalay oo uu Axmed Saleebaan allifay iyo riwaayado kale
sida Xorriyo oo uu Abwaan Singub allifay .
Axmed Gacayte Yuusuf dadka fanka
u dhuun daloolaa waxay ku tilmaamaan inuu ahaa ninka ugu heeso laxamaynta badan
fanka Soomaalida ee hirgalay , heesaha ay qaadaan fannaaniinta , Sahra Axmed ,
Axmed Mooge, Maxamed Axmed Kuluc, Kinsi Xaaji Aadan , Khadra Daahir , Marwo
Maxamed Cabdi , Faadumo Maandeeq , Maxamed Mooge Liibaan , iyo fannaaniin kale
oo ay ka mid ahayd Marwo Cabdi Axmed ayuu laxameeyey oo ay dheertahay inta uu
isagu qaado .
Bandhig faneedyadii u dambeeyey
ee uu Axmed ka qaybqaato waxa ka mid ahaa mid loo bixiyey magaca saddexda Axmed
iyo sannadka cusub oo Tiyaatarka Hargeysa lagu dhigay habeenkii sannadka cusub
ee 1988 waxaana ku wehelinayey Axmed Cali Cigaal iyo Axmed Mooge Liibaan.,
wuxuu ahaa nin fikir badan , oo aan hadal badnayn keligii socodna ah,
Cabdi Gacayte oo la dhashay Axmed
yaan kala sheekaystay taariikhda walaalkii wuxuu ii sheegay “ Axmed habeen
isaga oo ila jooga ayaan weydiiyey sida uu laxamada u sameeyo , markaasi ayuu
yidhi “ aniga waxaan ka fikiraamarka koowaad in dadka oo dhan ay kala cod
duwanyihiin sida shimbiraha uu Alle abuurayba u kala cod duwanyihiin markaas
qofba laxan ayaa ku habboon , halkaasi ayaan wax ka abaaraa “.
Axmed Gacayte sannadkii 1988-kii
ayaa lagu dilay Hargeysa isaga oo 40 sanno jira waxaana dilkiisa ka dhashay
dood adag oo mararka qaar eedaymo inay ku luglahaayeen ah loogu jeediyey dad ka
tirsan fannaaniintii xilligaas Hargeysa ku sugnayd .
Heesaha uu laxameeyey Axmed ama
uu qaaday maxaad ka taqaan ?