Mar waxaa guul ahayd in dhagaha shacabku maqlaan Nabad iyo Isfahan ka dhex abuurmay dhinacyada is horfadhiyay ee xukuumada iyo Jabhada, Marna waxaa guul dara ahayd maxsuulka kasoo baxay madasha iyo guusha Ninkii lahaa uu afkiisa ku daboolay.
Waa fursad uu mar labaad lunshay
Madaxweynahu.
Markii koobaad waa markii
haldoorku soo afmeeray colaadii ceel afwayn ,ee ay codsadeen in ay raaciyaan
sarkaalka cadhooday hawshiisa, Madaxweynahu maalintaa waxuu isticmaalay
ixtiraamida habraaca dhaqanka ciidanimo, waxaanu codsaday in arinkaa loo daayo
ciidanka oo faraha lagala baxo maadama ay tahay Arrin ciidan.
Sida cad odayaasha Beeshaasi waa
laba kooxood 1. Koox madaxweynaha loo tuhmayay 2. Koox xag jir ugu tilmaana.
Hadaba Madaxweynahu goaankiisa
kuma uu salayn sidii uu u xejisan lahaa Garabka odayaasha ah ee la talada ahaa,
waxaana meesha ka muuqatay in odayadu gogashana ku afmeereen hadal gobeed,
shacabkoodiina u tilmaameen in aan meesha caqli lagu kala baxaa oolin.