Way Gaadhay Wakhtigii Hoos Loo Eegi Lahaa Siyaasiga Diga-Rogta ” W Q Daaha Dagaal

Anigoon Ku Dheeraanayn Maraaxilka Kala Duwan Ee Uu Qaranku Soomaray Laga Bilaabo 1960-2019.

Somaliland Waa Dal Dhamaystirtay Shuruudihii Uu Aqoonsi Kaga Heli Lahaa Beesha Caalamka.

Hadaba Iyada Oo Aynu Ogsoonay Muhiimada Uu Leeyahay Siyaasiga Mabda’a Adag Ee Ay Bulshadu Soo Doorato Xisbiguu Doonanaba Ha Ahade , Wakhtigan Oo Ictiraaf Raadin Lagu Jiro Waxaa Soo Kordhaya Laga Bilaabo 2010-2019 Soona Ifbaxay Siyaasiyiin Miisaan Ku Le Saaxada Siyaasada Kuwaasi Oo U Diga Roganaya Ama Ka Muuqanaya Saaxada Siyaasadeed Ee Wadanka Aynu Jaarka Nahay Ee Somaalia.

Taasi Oo Dhaawac Wayn Ku Ah Qaranimada Iyo Wadajirka Somaliland,Waxaa Ay Saamayn Mug Le Ku Leedahay Ra’iyul Caamka Wadamada Aynu Ictraafka Ka Rajaynaynu Taasi Oo U Furaysa Dood Adag Wadankaasi Somaalia Doodaasi Oo Ah In Shacabka Somaliland Ku Nool Uu Rabo In Aanay Somaliland Ka Go’in Somaalia, Somalilandna Tahay Maamul Goboleed Somaalila Ka Mid Ah Maadaama Siyaasigii Hargaysa Shalay Ka Shaqaynaayay Maanta Uu Mugdisho Ka Hawolgalaiyo Ama Kismaayaba Joogo.

Wali Ma Aragteen Nin Siyaasi Ah Oo Intuu Konfurta Korea Ka Tago Waqoyga Korea Taga….Hadana Mudu Kadib Konfurtiisii Ku Noqda Isagoo Cafis Raadinaya,Ama Beeshiisu U Raadinayso….Ama Mid Intuu Daarfuur Ka Tagay Sudaan Tagay…Hadana Mudo Kadib Cafis Ka Raadinaaya Daarfuur..

Waa May.

Siyaasiga Ka Leexda Yoolka Guud Ee Uu Qaran Leeyaha,Waa Siyaasi Aragtidiisu Aad U Gaabantahay Saaxada Siyaasadana Ku Saaqiday.

Hadaba Waxaynu U Baahanahay In Golayaasheenu Ay Sharci Adag Kasoo Saraan Siyaasyiintaasi Yadoon Lagu Xadgudbayn…Waxaa La Odhan Karaa Oo Ugu Yar In Dan Guud Oo Uu Qaranku Leeyahay Uu Xaaraan Kanoqdo Kashaqayntiisu.

Siyaasiga Wakhtigan Adag Ee Aynu Marayno Inaga Tagaa Marka Hore Ayuu Khaain Inala-Joogay Ahaa.

Waxa Uu Inaga Wiiqayaa Waciga Iyo Wadaniyada Ay Barbaarta Soo Kacaysa Yeelan Lahaye.

Waxaan Ku Soo Gabagabaynayaa Aynu Ka Midaysnaano Kahortaga Siyaasiyiinta Guuraysa.

Daaha Maxamad Cabdilaahi Dagaal.

Agassimaha Ladagaalanka Musuqmaasuqa Ee Komishinka Maamul Wanaagsan Iyo Ladagaalanka Musuqmaasuqa.