Xul iyo Xigmado kooban oo ku saabsan Bulshada. W/Q: Abrashidid Awmuse Adan.

Waa qoraalo kooban oo aan ururiyay isla markaana Bulshada Faa iido uleh.

* Carabkeenu Cuntada iyo cabitaanka uu dhadhamiyaa , Qalbigu se Nolosha ayuu dhadhamiyaa.
* Colaada iyo Dagaalku waa sida Dabka iyo ololka oo hadaan la damin way sii kordhaan.
* Qimaha tirada Kow (1) ma ogaan kartid inta ka horaysa ee aanad gaadhin Sagaal iyo sagaashan (99).
* Afka wuxuu doonayo iyo waxaanuu doonaynba wuu liqi karaa , Qalbigu se ma liqi karo wax aanu doonaynin.
* inaad cutada ka gaajootaa maaha Doqoniimo , Balse inaad cilmiga ka Ka gaajooto oo jahli ahaataa waa ku doqoniimo.
* Ubadkaaga iyo waalidkaaga midna ma dooran kartid laakiin Lamaanahaaga waad dooran kkaran.
* Dariiqa toosan ha ku dareemin kalino.
* Ammaanta dadku yay Farxad galin qalbigaaga Si aan kuu murugo galinin Dhaliishoodu.
* hadii aad doonayso inaad hesho waxaad jeceshay waa in aad udul qaadataa waxa aad necebtahay.

W/Q: Abrashidid Awmuse Adan . rashaad055@hotmail.com (063-4475540).