Yaa Looga Baahan Yahay Shahaado jaamacadeed?

Xubinta u tartamaysa Golaha Wakiilada: Maya. Golaha Wakiilada waxa loo baahan yahay shahado dugsi sare ama wax u dhigma.
Xubinta u tartamaysa degmo A ah (Hargeysa, Burco, Boorama, Berbera, Laascaanood, Ceergaabo iyo Gabiley): haa. Waxa looga baahan yahay shahaado jaamacad la aqoonsan yahay.
Xubinta u tartamaysa Degmo B/C ah: maya. Waxa looga baahan yahay dugsi sare.
Maxa ka dhigay Golaha Wakiilada Dugsi Sare ama wax u dhigma, gole deegaanna (A) jaamacad? Shuruudaha Golaha Wakiiladu waxa uu ku qoran yihiin Dastuurka, halka Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangellinta Codbixiyayaasha (Xeer Lr. 91/2020) uu asteeyo golayaasha deegaanada. Sidaasdarteed Baarlamaanku awood ayaannu u lahayn inuu kor u qaado shuruudaha wakiilada maadaama oo ay ku qoran yihiin dastuurka oo ka sareeya xeerarka Baarlamaanka.
Yaa xaqiijinaya saxnaanshaha shahaadada? Waa arin aan nidaamkiisu kala cadayn. Sidaasdarteed waxa daruuri ah in Gudida Doorashooyinku soo saaraan hagayaal (guidelines) qoran oo iftiimanaya hanaanka iyo habraaca loo marayo. Hagayaashaas waa in xilli hore la soo saaro si aanay hadhow cidhiidhi u noqon.
Xaqiijinta shuruudaha aqooneed waxa aan qabaa in loo kala saaro sadex:
1. Shahadooyinka dugsiyada sare ee soo baxay intii Somaliland gaarka ahayd (1991 kadib): kuwaas waxa xaqiijin kara (certification) Gudida Imtixaanaadka.
2. Shahaadooyinka jaamacadeed ee soo baxay intii Somaliland gaarka ahayd: waxa xaqiijin kara (certification) Gudida Tacliinta Sare/Agaasinka Tacliinta Sare.
3. Shahadooyinka dugsiyada sare iyo jaamacadaha ee soo baxay intii ka horaysay 1991 oo ah intii ay jirtay dawladdii Somalia: kuwan waxa loo baahan yahay in loo maro hanaan gaar ah sababta oo ah Gudida Imtixaanaadka iyo Tacliinta Sare midkoodna ma hayo diiwaankooda. Waxa markaas ay noqonaysaa in Gudida Doorashooyinku iyagu hubiyaan iyaga oo samaynaya hanaan u gaar ah. Waxa ay ka faa’iidaysan karaan hanaankii 2005 ay mareen Gudidu Doorashooyinku.
Waxa muhiim ah in la sameeyo laba arimood:
1. In hay’adaha sare ku xusan iyo Xafiiska Xeer-ilaalinta iyo hay’ad kasta oo kale oo muwaadin tartamaya uu uga baahan yahay dhokumenti inaanay siyaasadayn ee ay si dhex-dhexaad ah u qabtaan shaqadooda. Hadii ay siyaasadeeyaan waxa ay waxyeelllo wayn u gaysan doontaa kalsoonida lagu qabo shahaadooyinka dalka.
2. In Gudida Doorashooyinku sameeyaan hab cabasho (rafcaan) oo qofka u arka in Gudida Imtixaanaadka ama Gudida Tacliinta Sare/Agaasinka Tacliinta Sare uu sifo qaldan ula dhaqmay uu ugu soo gudbin karo cabasho Gudida Doorashooyinka oo dabadeed iyadu eegta si ay go’aan kama danbays ah uga gaadho.
Guuleed Dafac.