Dhaqanka iyo Suugaanta: MAANSADA GEED iyo Hal-abuur Cabdi Tahar

Akhristeyaal qormadeena Dhaqanka iyo Suugaanta, waxa aynu todobaadkan ku soo qaadanaynaa Maanso uu tiriyey Abwaan Cabdiraxmaan Tahar, taasoo  magaceeda la yidhaahdo GEED.

Maansadan waxa uu curiyuhu ku cabirayaa manfaca iyo faa’idada ay dhirtu u leedahay deegaanka, dadka iyo duunyada, isagoo si qoto dheer oo qiimo badan u sharaxaya ahmiyadda dhirta iyo dheefteeda.

Waxa kale oo uu kaga dardaar warinayaa natiijada xun ee laga dhaxlay gumaadka iyo goynta aan loo meel dayin ee lagu hayo Geedaha “garaad la’aanta lagu gumaaday dhirtii midhaha laga guran jiray miyi iyo magalaba” ayuu yidhi Cabdi Tahar oo tilmaamaya inay aqoon-darro iyo doqonnimo tahay xaalufinta dhirtu.

Dhawaaqa hal-abuurka Suugaantu waa mid kamida farriimaha ugu culus ee bulshada lagu wacyi-geliyo ee dhegaha dadweynaha sida sahlan u sameeya.

Haddaba Maansada Geed waxa ay ku bilaabmaysaa sidan:

 

Geed midho macaanoo

Gadhka lawga saaroo

Gubbanaayey baa yidhi

Ga’yigaan ku noolahay

Ga’daal socodka lagu badi.

Kala gurre la daba socoy

Isku geeye lama rabbo,

Xaqa lama gaboodsado

Gardaradda la taageer,

Runta goofka lagu tuur

Beenta laysku gacan sii,

Gu’te waajib laga bood

Gurte yeelay sacab badan,

Gobonnimadu faan maleh

Gunimada la badhi-taar.

Fulle geesi dhaafiyo

Guul-aasku fara baday.

Gudhan looga talo doon

Garab daarku nagu diiq,

Ga’yigaan ku noolahay

Gabanadii la dhali jiray

Kuwa lagu gardaadsado

Geel toosiyaw badan,

Ga’yigaan ku noolahay

Nin gufaystay labadiyo

Waxaa gaadhka ugu jira

Nimaan khuuro kala goyn,

Ga’yigaan ku noolahay

Guurti sama ka talisiyo

Gadhwadeenka lama rabo,

Guddi xaajo loo diray

Gacal iyo xigtiyo ehel

Hadii laysku gawraco

Gurmadkooda waxa gala

Kala geeyahooddii

Gacan-qaadku nabad iyo

Noqon waa af garashee

Waa guluf colaad rida

Ga’yigaan ku noolahay

Dadku gawsahoodiyo

Gasiin uurka lagu rido

Hadii naarta lagu galo

inyaroo ka giigtoo

xalaal goosta mooyee

Waxa badan gambor cune,

Dadna wuxuu u kala go’ay

Garaad lagu danaystiyo

Nin gunaystay maankii

Rabbi ugu gargaariyo

Aqoonyahan gabanayoon

Nimaan giirka sare iyo

Gaadadda la soo kicin.

Ga,yigaan ku noolahay

Xaqa ruuxa gaasira

Hadii laga gilgilan jiray

Nin giriifay eedoow,

Ga’yigaan ku noolahay

Sacab lagu gargaariyo

Garrab waxaa la siiyaa,

Nin lu,gooyey toban goor

Ga’yigaan ku noolahay

Geedi horumar keeniyo

Wali guusha lama rabo.

Waxse laysku guusoo

Garabsiga mid lagu yahay

In gunnaadku sii korro.

Gocoshana la dayn waa

Balse guuxa laabtiyo

Gaagaabsi mooyee

Gunta eesha hoosiyo

Ma gorfeeyo waxa jira

Xalna gaadhi waayoo

Gondohooda waxa yaal

Gafaan joogsanaynoo,

Ga’yigaan ku noolahay

Galoolkiyo maraakiyo

Dammalkaan la goyn jirin

Gudin iyo dab lagu madhi

Golcastiyo cadceedana

Hadhka geedka laga helo

Sida looga hoos galo

Ama loo gaboodsado

Lagu doorsay giriyaad,

Caqligoodu garanwaa

Waxaad gabagabayseen

Adhigga iyo geeliyo

Lo’da giirka waynlihi

Gasiinkay ku foofaan.

Caqligoodu garan waa

Dhirtu waa hu iyo guri

Iyo gogosha lagu laddo

Marna midho lagoostoo

Lagu reebo gaajada

Iyadaad ka gurataan.

Garaadkoodu wuxu faray

Dawadiyo gargaarkiyo

Galladiyo dabiibkay

Kayntu gaar u leedahay

Gunta inuu ka wada jaro.

Ga’yigaan ku noolahay

Ilayn duul gambiyanoo

Caqligoodu gudhaybuu

Guulle iga dhex beeree

Garanwaaga lama jaro

Anoo gudaha toonkiyo

Gurigooda uga baxay

Ama midho la goosta leh

Laamihii gun iyo baar

Goonyaha u bixi jiray

Baxda guudka sare iyo

Garbahayga haystaa

Garba duub u soo xidhay,

Gudgudaha hilaaciyo

Gu,ga roobka da,ayana

Gacan layma soo duwo.

Gayigaan ku noolahay

Gidigood shimbirihii

Xamarihii golayn jiray

Galbiskiyo ciyaaraha

Qudunquuto iyo gallaw

Gorgor iyo jugliyo xiid

Galaydh iyo tukiyo fiin

Billi iyo gob yahankii

Guuguule iyo habas

Ama gilingil iyo baas

Guumaystiyo adaridii

Ama haad hawada gala

Xidinxiito gaadh ka ah

Sidii ga,yiga loo diray

Iyo qoolay aan gabin

Xilkii guulle farayoo

Sumadina u gaar tahay

Isu gee dhamaanoo

Ga,yigaan ku noolahay

Ugaadhii iniba gaar

Goonyaha ku noolayd

Iyadana gam laga sii.

Hadaan guuri karayana

Galin kama dambeeyeen.

Soo gaabi hadalkana

Wuxu yidhi waxay gaday

Garashada halawdee

Balse galabta lay arag

Baquhuna isoo gaadh

Dhirta wada galaaftoo

Maqlay guuxa baxayee

Durba lay go’aansaday

Sida lay gammuuree

Hadaan soo gunaanado

Waxay gaadhay meeshii

Anigiyo ma garatada

Loo kala guntanayee

Gardarada dhirtoo idil

Gufi looga simay iyo

Gafka dhacay ma dawbaa.?

Afartaa gun iyo baar

Waxan uga gol leeyahay

Gartan maanso ugubiyo

Waxaa lagu gudbinayaa

Garnaqsiga dhirteenee

Ilayn geedku waa TIMIR,!

Ilmo go,bo, ka tidhiyoo

Gondihiisa lagu shiday

Olol iyo dab gubayoo

Dadna goonya joogaan.