Qorsheyso Hiigsigaagga Sannadka Billowgiisa

Buugga Tiny Habits

Tiny Habits waa buug ku tusaya awoodda ay leeyihiin isbeddelo yaryar oo aad ku sameyso waxyaabaha aad sida joogtada ah u qabato, si aad u hesho awood dhammaystiran oo cadooyinku ay noloshaada uga dhigi karaan mid horumarsan.

Sannadkan cusub qorshayaashii aad dajisatay sidee u socdaan? Waxa dhici karta in badankeennu aanay jeclaysanayn maqalka suu’aashan, maxaa yeelay waxay ina xasuusinaysaa buug aan soo iibsanay oo aynaan akhrin, kooros aan bilawnay oo aan ka hadhnay, jimicsigii aan galnay oo aynaan tagin. Runtii in caadooyin wanaagsan la yeeshaa ma aha wax fudud!

Sannadka bilawgiisa ama wakhti kaleba ha noqotee, waxaynu dajisannaa qorshayaal iyo yoolal aynaan ka dhabayn. Runtii ma fududa in lagu taagnaado yoolka iyo qorshaha oo laga midhodhaliyo.

Runtii waxa aad u baahantahay ma aha yoolal iyo qorshayaal, waa’se caadooyin si dabiici ah loo joogteeyo, kuwaas oo kaa caawinaya in aad horumar sameyso. Kuwan ayaa ah arrimaha uu buuggan Tiny Habits ee qoraa B.J. Fogg’s uu ku barayo.

Saddexdan tiir ayaa ugu weyn oo qofka ka caawin kara in isbeddelo yaryar ay horukac fiican sameyn karaan:

1- Sirta la isku dhaafay ee isbeddelka horseeda waa in la sameeyo talaabooyin yaryar, kuwaas oo aad wadi karto xataa maalmaha aad dareemayso daalka, si aad u gaadho yoolalkaaga.

2- Dhiirigelinta iyo xamaasaddu kuma wadayaan koriinka iyo horumarka wakhtiga dheer, waxaad u baahantahay in aad ka faa’ideysato awoodda hab-dhaqanka.

3- Si aad uga faa’ideysato awooddaada wax-qabad waa in aad caadooyinkaaga ku xidho waxyaabaha aad sida maalinlaha ah u qabato. Tusaale, haddii aad wax daawato, u beddel wax faa’ido leh oo aad xirfad iyo aqoon cusub ka baran karto.

Casharo badan ayaa buuggan laga baran karaa:

1- Si aad u gaadho riyooyinkaaga oo aad u noqoto qofka aad rabto waa in aad talaabooyin yaryar ku bilawdo.

Waxaan jeclahay dejinta yoolalka iyo dhisidda caadooyin cusub. Shan iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, waxaan yoolalkayga dajinjiray bilawga sannadka. Laakiin marar badan waan ku guuldarraystay in aan ku taagnaado oo aan xaqiijiyo yoolalkayga. Way igu adkayd in aan fahmo sababta ay sidan u noqonayso. Waan ogaa in jimicsi, hurdo, iyo akhrin badan ay dhammaantood ii fiicanyihiin, laakiin weli kuma guulaysan.

Sida aan ugu dambeyntii ogaaday, waxaan ku khatalmay Dhalanteedka Xogta iyo Ficilka: waxaan moodnaa in aad wax ogtahay in ay ku filan in isbeddel kugu dhaco. Runtu waxay tahay in si kasta oo aan wakhti u qabsanno iyo si kasta oo aan u xamaasadaysannahay in aan bilawno in aanay ku filayn oo aanay ahayn wax ina sii wadi kara wakhtiga dheer.

Taasi waa sababta ay caadooyinka yaryar muhiimka u yihiin, sababta oo ah waan beddeli karnaa, haddii si sax ah loo sameeyna, way waarayaan. Markaad si yar oo kooban u bilawdo, ayna dhici karto in aadba la yaabto, isbeddelku wuxu noqonayaa mid waara wakhtiga dheer. Markasta oo aad awood u yeelato in aad joogteysana, waxaad si tartiib ah dhabada ugu xaadhaysaa fursadahaaga guusha.

2- Haddii aad rabto in aad joogteyso koriinkaaga wakhtiga dheer jooji xamaasadda oo adeegso awoodda hab-dhaqanka.

Weli ma isqortay kooras habka fog lagu baranayo (online)? Kuwo badan ayaan isqoray, waanay igu adkaatay in aan dhamaystiro. Keli kuma ihi arrintan: boqolkiiba sagaashan (90%) dadka isqora koorasyadan ma dhammaystaan. Sababtu waxay tahay awoodda xamaasadda ee aan ku bilawnay ayaa ah mid aynnu inteeda ka badinay oo moodnay in ay ina wadi karto.

Dabcan waxaan qaban karnaa waxyaabo layaab leh markaynu xamaasadaysannahay, waxaan qiyaasayaa in aad marar badan soo aragtay. Laakiin, dhibta ugu weyn waxay tahay in isbeddelka xamaasadda ka dhasha uu yahay isbeddel hal mar ah. Koriinka wakhti dheer ah wuxu u baahanyahay intaa wax ka badan.

Haddii aad rabto in aad joogtayso caadooyinkaaga wanaagsan, waxaad u baahantahay in aad adkaysato maalin kasta muddo sannado badan ah. Ha ahaatee, maadaama oo hamigu yahay wax fog oo mustaqbal oo aanu hadda ahayn ayaa awoodda hab-dhaqanku ay muhiim u tahay, maadaama oo joogtadaada waxaad qabato ay noqonayso mustaqbalkaaga waxa kuu soo baxaya.

Tusaale aan u soo qaadanno in aad lacag dhigato muddo lix bilood ah. Lacagtaasi hal mar iskama ururrayso, waxayse u baahantahay in aad si maalinle ah uga hawlgasho, tusaale in aad joojiso Netflix-ka oo lacagtii kaaga bixi jirtay bil walba aad dhigaal u beddesho.

3- Si aad u adeegsato awoodda caadooyinka yaryar waa in caadoooyinka aad rabto in aad yeelato aad ku xidho waxyaabaha aad sida maalinlaha ah u qabato.

Maalin kasta waxaad si aanad adigu xukumin aad uga falcelisaa waxyaabaha kugu dhaca. Hurdada ayaad ka kacdaa marka aad maqasho dananka saacadda dadka toosisa, sidoo kale in aad gaajo dareento waxay kugu dhalisaa in aad wax cunto. Kuwan waxa loo yaqaannaa waxyaabaha degdega ah.

Si aad hab-dhaqanka uga faa’idaysato, waa in aad hesho wax aad markasta qabato oo aad ku xidho caadada cusub ee aad rabto. Qoraha buuggu wuxu sheegayaa in galidda suuliga uu ka dhigtay wuxu ku xidho in uu laba jeer sameeyo jimicsiga loo yaqaan (push up). Markii uu bilaabay muddo yar gudahood waxay noqotay wax iyadu iswadda, todoba sano ayuu hadda wadaa oo uu maalin kasta sameeyaa.

Buugga Tiny Habits

Awoodda waxyaabaha markasta aad qabatid ay leeyihiin ayaa ah in ay ku jiraan hawl maalmeedkaaga. Ma aha wax hadda iyo kow aad bilaabayso. Ha sugin, hadda ayaad tijaabin kartaa oo aad iskudayi kartaa, natiijadana waad arki. Keliya waxaad u baahantahay in aad ogaato waxyaabaha aad sida joogtada ah u qabato, kuna xidho caadooyinka cusub ee aad rabto.

Waxaan ka soo turjumay four minute books

Axmed-Keyse Cali Rooble

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com