Shaqada Ka Bilow Inaad Hagaajisid Sariirtaadaa!!!

Buugga Make Your Bed oo uu qoray Adhmiraal William H. McRaven wuxu ina barayaa casharo badan oo layaab leh, kuwaas oo aan nolosheenna wax kaga beddeli karno.

Sannadkii 2014-kii ayuu McRaven hadal u jeediyey arday dhiganaysay Jaamacadda Texas ee magaalada Austin. Wuxu ardayda ku dhiirigaliyey in ay adduunka horumariyaan, wuxuuna siiyey talooyin waxtar weyn u yeelan kara.

Talooyinkan uu maalintaa ardayda siiyey ayaa ah casharo uu ka soo bartay tababarkii lixda bilood ahaa ee Ciidamadda Badda ee Gaarka ah uu ugalay – lixdaa bilood ayaa ahaa in lagu ordo bacaadka badda, koorsooyin ah ka gudubka caqabadaha, tababarro jidh-dhisid ah iyo cadaadis iyo ku-adkayn badan oo aan joogsi lahayn oo ay kala kulmayeen dagaalyahanadii hore, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa in inta ugu adag oo keli ah ay tababarkan ka gudubto.

Dhiboo ahaan (askari la tababarayo), McRaven wuxu ogaaday in aanay guushu ku xidhnayn dabaqad bulsho, isir iyo diin midna. Wuxu ogaaday in koolkoolinta waalidka iyo dugsiga aad ka soo baxdaa aanay jaangoynayn mustaqbalkaaga. Balse ficilada yaryar ee aad sida joogtada ah u sameyso iyo taageerada aad dadka kale ka hesho ay yihiin waxa dadka guusha gaadhsiiya.

McRaven wuxu carabka ku adkaynayaa in noloshu ay tahay mid aan caddaalad ku dhisnayn. Hubaashii, waxa ragga iyo haweenka khatarta ah muujiyaa waa sida ay ula falgalaan ee isaga dhiciyaan caddaalad la’aanta nolosha. Dadka ay ka midka yihiin Helen Keller, Nelson Mandela iyo Stephen Hawking ayaa ah tusaalayaal aan soo qaadan karno.

Saddexdan arrin ayuu buuggu qaadaa-dhigayaa:

1- In subixii marka aad kacdo aad sariirtaada hagaajiso waxay kuu horseedi kartaa in aad hawlo waaweyn qabato maalintaa.

2- Haddii aad rabto in aad adduunka beddesho ha isdhiibin.

3- Haddii aad rabto in aad adduunka ka sameyso isbeddel muuqda, raadso cid kaa caawisa seebinta (kaxaynta) doonta.

Casharo badan ayaa buuggan laga baran karaa, waxa ka mid ah:

1: In aad sariirtaada hagaajiso subixii marka aad ka kacdo waxay kordhin kartaa waxqabadkaaga, maalmaha adagna waxay ku siin kartaa rajo.

Dhiboo ahaan, McRaven waxay ahayd in uu sariirtiisa si heersare ah u hagaajiyo isla marka uu sidaa uga kaco.

Haddii uu ku guuldarraysto hab-dhaqanka sariir hagaajinta, waxa sugaya ciqaabo badan oo daran. In uu biyaha badda ee qabow quuso iyo in uu galgalimeysto bacaadka xeebta ilaa ciiddu kor ilaa kal qariso.

Laakiin, maxay muhiim u tahay in aad sariirtaada hagaajiso?

In kasta oo ay u muuqan karto wax lagu qoslo in sariir la hagaajiyo iyada oo hawlo waaweyn ku sugayaan, haddana in aad hawshan yar ku bilawdo waxay ku galinaysaa qab oo waxaad si fiican ugu diyaar noqon in aad waajahdo hawlahaaga kale. Qofka hawsha yar si fiican u qabta ayaa hawsha weyna si fiican u qaban kara. Sidoo kale, haddii maalintu kugu soo waji xumaatana, marka aad guriga timaado ee aad aragto sariirtaadii oo aad sii hagaajisay waxa ku gali rajo oo waxaad dareemi in ay berri dhaami doonto maanta.

Kaddib dhaawac xun oo soo gaadhay McRaven, bilana uu cisbitaalka u jiifay oo markii dhakhtarka laga soo saarayna gaadhi curyaan lagu geeyey gurigiisa, ayaa muddo yar kaddib markii uu awooday in uu lugihiisa ku istaago iyada oo aan cidi caawinayn, wixii ugu horreeyey ee uu qabtay waxay ahayd in uu sariirtiisa hagaajiyo.

Tani waxay ahayd in uu dadka tuso in uu ladnaaday oo uu hore ugu soconayo nolosha.

2: Haddii aad rabto in aad isbeddel ka sameyso nolosha, ha isdhiibin, khaladaadkaaga wax ka baro, joogteena in aad naftaada hagaajiso.

Wakhtigii dhibooga, McRaven iyo saaxiibadiisii kale waxay u soo adkaysteen xaalado adag oo adkaysigooda iyo geesinimadooda lagu dhisayey. In ay isdhiibaan waxay ahayd wax fudud oo markasta u furan: keliya waxay ahayd in ay jalaska taabtaan oo ay iska tagaan.

Weligaa ha isdhiibin haddii aad rabto in aad wax weyn nolosha ka xaqiijiso.

Wakhtigii dhiboonimada, McRaven wuxu ka mid ahaa kooxda ugu hooseysa dhanka dabbaasha, waxayna mudan jireen ciqaab daran. Maalintii qalinjabinta waxay noqdeen kooxdii ugu horreysay dhanka dabbaasha, waxa adkeeyey oo dadaalkan keenay ciqaabihii darnaa ee ay soo mareen.

Maalintii qalinjabinta, McRaven iyo kooxdiisu waxay dabbaasheen masaafo dhan afar mayl. Iyada oo tan oo keli ah ay cabsi ahayd, haddana waxa jiray war la isla dhexmarayey oo ahaa in libaaxyo waaweyn oo nooca khatarta ah ay badda soo galeen. Maadaama oo dabbaal la’aan aan la qalinjabin karin, way dabbaasheen.

Haddii aad rabtid in aad meel sare nolosha ka gaadho, ha ogolaan in cabsidu ku joojiso.

3: Noloshu waa halgan. Si aad wax weyn u qabato waa in aad u dagaalantaa. Laakiin, keligaa ma qaban kartid: waxaad u baahantahay saaxiibo.

Dhibooga ciidamada baddu waxay sidoo kale maraan waxa loo yaqaan todobaadka cadaabta, waa todoba maalmood oo la tijaabiyo adkaysigooda, kaas oo intooda badan aanay ku guulaysan.

Markii ay ku jireen todobaadkan, McRaven iyo saaxiibadii waxay habeen dhan dul fadhiyeen dhiiqo baraf ah. Markii ay wakhti ku jireen ayaa qayb ka mid ah saaxibadii muujiyeen in aanay sii wadi karin. Kaddib hal nin ayaa bilaabay in uu heeso. Kuwii kalena hal hal ayey u bilaabeen in ay heestii la qaadaan. Si lama filaan ah ayaa qabowgii u noqday mid aan la dareemayn, waagiina waa soo dhawaaday.

Tani waxay i xasuusisay sababta ay Soomaalidu u adeegsato hees hawleedka marka ay shaqo adag qabanayaan. Heesta la isla jiibinayo waxay keenaysaa tamar iyo adkaysi dheeraad ah oo dhibta ayey ku dhaafinaysaa.

Dhanka kale, in aad haysato dad aad isgarabsataan iyana waa mid ka mid ah asbaabaha guusha, waana halka uu abwaan Cali Sugule ka yidhi:

diric keli ahaantii,

daleel guusha kama helo,

ddkaa geesi lagu yahay.”

Waxaan ka soo turjumay four minute books.

Axmed-Keyse Cali Rooble

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com