Sidee Loogu Guuleystaa Halganka Nolosha?

Buugga Win Your Inner Battles oo uu qoray Darius Foroux, waxa laga baranayaa in cabsida qaybaheeda kala duwan ay tahay waxa inaga horistaagaya in aan noqonno qofkii aan rabnay, taas ayaana innagu dirqida in aan nolosha meelo hoose ka galno, innaga oo haddana si hoose iyo sareba u hadalhaynna sida aan jecelahay in ay nolosheennu noqoto.

Buuggu wuxu u qaybsanyahay saddex qaybood oo kala ah: Dagaalka Gudaha, Gacan-ku-hayn iyo Himilo. Qayb kasta si fiican ayuu buuggu u faahfaahinayaa, si aan uga guulaysanno cadowga innagu dhexjira. Buuggu wuxu ina xasuusinayaa wax badan oo aan ognahay, hayeeshee aynaan dhaqangelin.

Qaybta I – Dagaalka gudaha

Cabsidu waxay mar ahayd hab innaga ilaaliya khataraha bannaanka innagaga imanaya. Waxay’se baryahan dambe isubeddeshay cadowgeenna oo waxay kala tuurtay xorriyaddeenii. Nooc kasta oo cabsida ka mid ah oo aan nolol maalmeedkeena la kulanno waxay salka ku haysaa hal fikir: ”ma sameyn karo oo waxan kama bixi karo.”

1) Ogow cadowgaaga

  • Darius wuxu sheegayaa ilaa aynnu ogaanno waxa aynnu ishaynno mooyee in aynaan awoodi karin in aynnu diyaar garawno oo ka adkaanno cadowgeenna. Sida ugu fiican ee aan taa u sameyn karnaana waa in aan nafaheenna baranno.
  • Sida ugu fiican ee aan isugu baraarugi karno waa waydiimaha nafaheenu iswaydiiyaan ee loo yaqaan isla-sheekaysiga. Waydiimahaa kuwo ka mid ah ayuu buuggu soo bandhigayaa: Maxaan ku fiicanahay? Maxaan ku liitaa? Muxuu yahay halka wax ee iigu muhiimsan nolosha? Maxaa i khalkhal galiya? Guushu maxay iila macno tahay?

2) Go’aanso –

  • Cabsidu waxay mar ahayd hab innaga ilaaliya khataraha bannaanka innagaga imanaya. Waxay’se baryahan dambe isubeddeshay cadowgeenna oo waxay kala tuurtay xorriyaddeenii.
  • Dadka yoolashooda xaqiijiyey, waxay go’aansadeen in ay karikaraan. Noloshu waa go’aamo, in cabsida la isudhiibaana iyana waa go’aan. Ku-dhaca iyo geesinimada ka dooro cabsida.

3) Maxaad ka cabsanaysaa? –

  • Inkasta oo maanta aynaan qabin cabsi nafeed oo la mid ah tii wakhtigii ugaadhsiga, waxa’se jira cabsiyo kale. In aan qorno waxa ina cabsi galiya waa hilinka ugu fiican ee aan ku darsi karno.
  • Darius wuxu tibaaxayaa kuwo ka mid ah cabsiyahaas: diidmada, guuldarrada, isbeddelka, shilalka, shaqada oo lagaa eryo, gabowga, wehel la’aanta. Adigu qor cabsiyahaaga.

4) Taxliili oo hagaaji –

  • Waxa jira waxyaabo badan oo nolosha ah oo aynaan waxba ka qaban karin oo awooddeenna ka baxsan. Soo qaado cimilada, geerida, shilalka IWM. Haddana waxaynu is-aragnaa innaga oo ka cabanayna oo ka welwelayna.
  • Waxa jirta iswaydiin cajiib ah oo aad iswaydiin karto, marka aad dareento in aad dhex fadhido mid ka mid ah xaaladahan. ”Maxaa aniga awoodayda ku jira?” Tani waxay joojinaysaa tareenka welwelka, waxayna kuu soo celinaysaa xaaladdaadii saxda ahayd.

5) Is-horumari –

  • Ka-go’aanshiiyuhu wuxu innagu dhaliyaa in aan dhahno, waxan waan qaban karaa. Odhaahdani waxay ina siinaysaa awood aan ku hawlgalno. Ka-go’naashiiyo la’aan waxba lama joogtayn karo.
  • Xasuusnow: joogteyn la’aantu waa cadowga ka midho dhalinta. U jiheyso horumar maalinle ah, horumarka la joogteeyo, haba noqdo mid yar oo la mid ah 0.01% maalintii. Laakiin fiiri inta ay noqonayso sannadka dhammaadkiisa. Waxay noqonaysaa wax weyn.

Qaybta II Gacan ku hayn

Ficil la’aan waxba ma qabsoomaan. Dawada ugu wanaagsan ee cabsidu waa ficilka. Had iyo jeer ku hawlgal geesinimo iyo dhiiranaan oo sandulee cadowga gudahaaga. Gacan ku hayntu waxay la macno tahay in aan arrimaheenna innagu maamulo oo aan leenahay masuuliyad buuxda.

1) Kalsoonida ku dhis karti –

  • Qoraagu wuxu tilmaamayaa in isku-kalsooni la’aantu ay keento waxqabad la’aan. Sida ugu fiican ee kalsoonida loo dhisi karo waa in karti la yeesho waxa la qabanayo.
  • Marka qofku karti iyo aqoon u leeyahay waxa uu ka shaqeynayo wuxu dareemayaa kalsooni badan. Sidaa daraadeed, waa in aad ku dadaasho in aad si joogto ah aqoontaada u kordhiso, isna horumariso.

2) Waxyar ku bilaw –

  • Tani waxa laga yaabaa in ay noqoto cakiska in yoolal waaweyn la raacdeeyo, hayeeshee waxa la xaqiijiyey in markasta oo aan iskuqaadno yoolal waaweyn in aan dareemayno culays badan marka xiisihii iyo xamaasaddii aan maalmamaha hore haynay ay meesha ka baxdo.
  • Waxaad u baahan tahay in aad ciyaarta muddo badan ku dhex jirto si aad u guulaysato. Taasi waa halka waxyar lagu bilaabo ay muhiimka u noqonayso. Xoogga saar hawl kooban, ku guulayso, kaddib uga gudub mid kale. Buurtuba waa dhagxan badan oo isutagay.

3) Ma jiraan go’aamo qaldani –

  • Marka aan qaadanno caqliyadda ah “ma jiraan go’aamo qaldani,” kama cabsanayno in aan qaadanno go’aamo xunxun. Go’aan kasta oo aan sameynaa wuxu ina dhaxalsiinayaa fursado aan wax ku baran karno oo aan wax ku sixi karno.
  • Marka laga tago jidka aan marnay, waxa aynnu helaynaa waa waayo’aragnimo, kamana welwelayno in aan go’aan qaldan qaadanay. Waxaana meesha ka baxaya niyad xumada iyo welwelka aan loo baahnayn.

4) Yaalaaba maya dheh –

  • Maxaynu yaalaaba haa u nidhaahnaa in ka badan intii ay ahayd in aan dhahno? Waxaan ka cabsanaa in aan maya dhahno, waayo, waxaan diidaynaa in aan dadka niyad jabinno iyo ta ugu weyn oo ah in aan isqabsiga iska ilaalino. Welwelka aan ka qabno maya ayaa si iskaa ah inooga yeedhsiiya haa.

5) Isbarbardhigga dadka kale –

  • Tani waxay noqon kartaa mid la iska yidhi, hayeeshee had iyo jeer waa mid aan sameyno, shaqadeenna, haynteenna iyo guud ahaan nolosheenna waxaan barbardhignaa ta dadka kale.
  • Faa’idada kaliya ee isbarbardhiggu leeyahay waa haddii aad wax ka baranayso qof kaa fiican ama aad dhiirigelin ka dhiganayso.

Qaybta III Himilo

Tan lafteedu waxay u muuqan kartaa qiiro, hayeeshee waa muhiim in aad hadaf iyo himilo nolosha ka yeelato. Tan macnaheedu ma aha in aad hal mar noloshaada oo dhan sargoyso, waa’se in aad leedahay wax iyo meel aad ku jihaysan tahay, waxay tani ku siinaysaa dareen farxadeed iyo macno nololeed.

1) Baadigoobka macnaha –

  • Haddii waxa keli ah ee aad wax u qabanaysaa uu yahay in cid kale qabanayso, waa in aad dib uga fikirto noloshaada.
  • Khalkhalka iyo welwelka aad la kulmayso marka wax kaa xumaadaan waa wax nafteennu isku abuurtay oo ah iska caabin gudaheenna ka imanaysa oo aan kaga hortagayno waxyaabo inaga baxsan oo aynaan wax ka beddeli karin.

2) Jooji naaxinta isla-weynidaada –

  • Dadka badankoodu kuma baraarugsana isla-weynidooda nafeed, taas oo adkaynaysa in ay maamulaan farxadooda. Midkee muhiim u ah noloshaada qoys: ma in aad noqoto qofka markasta saxan, mise in aad jacayl dhab ah iyo isku-xidhnaan hesho?
  • Su’aashan iswaydii markasta oo isla-weynidaadu soo kacdo – waxani ma yahay muhiim? Wakhtiyada soo socda marka aad muran cid la galayso, dib u fadhiiso oo iswaydii ma adiga ayaa muranku kaa imanayaa mise wuxu ka imanayaa isla-weynida naftaada.

3) Yoolal dajiso –

  • Waxa ugu muhiimsan ee dajinta yoolashu ma aha ma la gaadhayaa yoolasha. Waa’se sida aad u gaadhayso iyo hawlaha aad qabaynayso ee yoolasha kugu gaadhsiinaya.
  • Muhiimku ma aha gaadhista yoolasha. Waa’se waxa uu yoolkaasi maalin kasta noloshada ka beddelayo. In aad u halganto gaadhista yoolashaadu waxay kugu khasbayaan in aad yeelato hab-dhaqan iyo caadooyin cusub. Waana ta ugu qaalisan.

4) Sidee u hubin karnaa in aan xaqiijinay yoolasha –

  • Yoolal iyo hadafyo bilaa ficil ah waa iska riyo, meelna kuma gaadhsiinayaan, waana guuldarro. Tii oo dad badan aanay dajisan yoolal iyo hadafyo oo ay ka taxadirayaan in ay la kulmaan baraqjab, ayaa qoraha buuggu uu u tilmaamayaa jid kale oo ay mari karaan.
  • Qoraagu wuxu soo jeedinayaa in yoolasha lagu badhitaaro nidaamyo iyo habab. Habka iyo nidaamku ma aha wax kale, waa wax taagan oo sidoodu isuwadaya. Samee hab iyo hannaan maalinle ah oo iskii isuwadaya oo yoolashaada ku gaadhsiinaya.

Waxaan ka soo turjumay myreadforchange.

Turjume: Axmed-Keyse Cali Rooble

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com