SOMALILAND Oo Caalamka ku Wargelisay in Ciidamada Puntland Qayb Ka Yihiin Dagaalka LAASCAANOOD.

Hargeysa (Hayaannews) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku wargalisay Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay in Ciidamada PSF iyo Ciidanka Badda ee Maamulka Puntland ay qorsheynayaan in ay weerar ku soo qaadaan Ciidanka Qaranka ee ku sugan Magaalada Laascaanood.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa waxa lagu sheegay in Dawlada Somaliland ay xaq u leedahay in ay iska difaacdo hadii weerar lagu soo qaado.

Sidaana waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, Waxaana uu u dhignaa sidan:- “Xukuumadda iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland waxa ay ku wargelinayaan beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay in aanu helnay xogo sirdoon oo tilmaamaya in ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ee Soomaaliya oo ay ka mid yihiin PSF iyo Ciidanka Badda Puntland ee PMPF, ay qorsheynayaan weerar ay ku qaadaan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland maalmaha soo socda.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay si dhab ah u qaaday tallaabo kasta oo lagu ilaalinayo dadka deegaankaas. Nasiib darro Maamulka Puntland wuxuu door biday in uu cadaw ku noqdo Somaliland. Waxaan rabnaa in aan cadeyno, si kastaba ha ahaatee, in aanaan ka laaban doonin ama aanaan isku dhiibin doonin gardaro kasta.

Waxaanu u soo jeedinaynaa beesha caalamka iyo qaramada midoobay inay cambaareeyaan falkan gardarada ah, isla markaana ay taageeraan xaqa ay Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay inay is difaacdo. Haddii weerar dhaco waxaa lagula xisaabtami doonaa maamulka Puntland wixii ay ku kaceen.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka go’an nabad ku wada- noolaanshaha iyo wada- shaqeynta dhammaan jaarkayaga, balse ka daali mayno in aan difaacno muwaadiniintayada iyo madaxbannaanidayada marka loo baahdo.”