Wadda Hadalkii Addisababa ku Dhexmari Lahaa Muuse Biixi iyo Garaadada SSC Oo Fashilmey

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo Garaadada SSC ayaa maanta ka baaqasadey safaradii ay ku tegi lahaayeen Magaalada Addis ababa oo uu uga furmi wadda hadalo ay gadhwadeen ka tahay Dowlada Federaalka itoobiya , taas oo  ka dhigtey fashil dedaaladii  Dowladda Itoobiya ka dhex wadey labada dhinac ee ku dagaalamaya deegaanka Laas-caanood si loo helo xal lagu soo afjaro dhiiga daadanaya.

isimadda dhaqanka SSC ayaa diiday in ay wada hadal nooc kasta oo uu yahay lagalaan Somaliland, iyadoo ciidamadeedu joogaan duleedka magaalada Laascaanood, iyaga oo dawladda Itoobiya ku wargaliyey in duqeyn iyo dagaal joogta ah ay mar kasta ka shaqeynayso Somaliland, sidaas waxay ku sheegeen qoraal rasmi ah oo ay u direen Xukuumadda Itoobiya.

Isimadda ayaa ka jawaabay qoraal uga yimi Addis Ababa, oo ahaa in Madaxweyne Biixi labixida ciidamadiisa ku xiray in wada hadalo furmaan, deegaankana uu yahay mid Somaliland leedahay oo xalinta qadiyada laga soo qaado mid gudaha SL ah.haseyeeshee, Waxaa arrintaas ganafka ku dhuftey Garaadada SSC oo cod dheer ku sheegay in aysan aheyn Somaliland, oo aan cidna la laheyn deegaanadooda.

 

Madaxweyne Biix oo isaguna dhankiisa qoraal uu u dirtay itoobiya shalay uga jawaabay inuu Addisababa u soo dirayo Isimo reer Somaliland ah,ayaa kaga dhabeeyey kadib markii uu maanta ka direy isimo  Magaalada Hargeysa.uuna u ambabixiye Addis Ababa.

Harrgeysa, Somaliland

Ugaas Berde