Wax Ka Barro Buugga ‘Maanta Samee, Berri Maya’

Sida Looga Adkaan Karo Dib-u-Dhigashada, Loo Kordhin Karo Wax-soo saarka shaqo,

Buuggan Do It Today ee uu qoray Darius Foroux oo soo baxay 2018-kii waxaan ka baranaynaa sida aan wakhtigii loo baahnaa ugu qaban karno shaqooyinkeenna iyo waxyaabaha muhiimka inoo ah.

Dhammaanteen waxaan dambiile u noqonnaa dib-udhigasho, halwo yaryar iyo kuwo waaweynba,

hadhowna waxaan isku qoomameynaa in aynaan hawlahaas ku qaban wakhtigoodii. Si kasta oo dib-udhigashadu ay wakhtiga dhow inoo siiso dareen fiican, haddana waa mid aynnu u dhitino wakhtiga dheer.

Dib-udhigashadu waxay badanaa ka dhalataa hubaal la’aanta waxa muhiimka inoo ah iyo la’aanta hadafyo iyo yoolal cadcad.

Qoraagu wuxu buugga ku iftiiminayaa sida looga adkaan karo dib-u-dhigashada, loo kordhin karo wax-soo saarka shaqo, wakhtiga xaddidan ee aynnu haysannana wax badan loogu qaban karo.

Buuggu wuxu ka kooban yahay saddex qaybood – 1) Ka adkaanta dib-udhigashada, 2) Sida loo kordhiyo wax-soosaarka shaqo iyo 3) Sida wax badan loo qaban karo.

Qaybta I – Ka adkaanta dib-u-dhigashada

Marka aad ogaato waxa muhiimka ah ayey hawsha xigta ee ugu weyni bilaabmaysaa, taas oo ah in aad u dhaqaaqdo ka shaqaynteeda. Isla marka aynnu go’aansanno in aynnu ka dhaqaaqno bartii hore aynnu u joognay ee aynnu ku xasilloonayn oo aynnu bilawno in aan hirgalinno riyooyinkeenna, yoolasheenna, waxaan dareennaa caabin ka imanaysa gudaheenna, waxaanan ku dhacnaa ka-mashquulid.

Wuxu buuggu soo jeedinayaa talooyin lagaga adkaan karo dib-udhigashada:-

1) Maanta samee, berri maya –

  • Dhammaanteen wakhtiyada qaar waan ka fakannaa shaqada markay tahay mid soo-noqnoqota, culus, aad u badan, cusub ama adag, hayeeshee ay tahay in la qabto, si aan u gaadhno yoolasheenna. Wuxu qoraagu tilmaamayaa talooyin dhawr ah oo jidka innagu hayn kara.
  • Qoro shaqooyinka kuwooda ugu yaryar. Markasta oo aad dareento in aad jeesanayso, qabo mid ka mid ah shaqooyinka yaryar ee kuu qoran, waxaad dareemi fiirfircooni, waxaanad ku joogi jidkaagii. Waa sida hore loo yidhi, “ma jiro wax ka weyn oo ina dhiirigelin kara oo aan ahayn in aan dhammayno hawl aan gacanta ku haynay.”
  • Jimicso maalin kasta, inyarba ha noqotee waxay saameyn weyn oo wanaagsan ku yeelanaysaa heerka firfircoonidaada iyo wax-soosaarkaaga shaqo.

2) Ha maareyn wakhtigaaga ee maaree jihaysnaantaada –

  • Marka si fiican loo dhigo, ka-jeesashadu ma aha dhib la kowsatay qarniga 21-aad, ka-jeesashadu waa mid joogto ah oo ilaa weligeed soo jirtay. Sidaadaraadeed, wuxu qoraagu soo jeedinayaa in la maareeyo jihaysnaanta oo aan la maareyn wakhtiga.

3) Abuur hannaan shaqo socod iyo nidaam –

  • Haddii aad u fiirsato qofkasta oo guul gaadhay ama aad wax ka waydiiso jidkoodii guusha, waxaad ogaan hal wax oo ay ka simanyihiin. Dhammaantood waxay leeyihiin hannaan shaqo socod iyo nidaam. Sida uu qoraagu u dhigay ‘awoodda rabitaanku ma shaqayso, nidaamka ayaa shaqeeya.’
  • Adkaysi iyo samir u yeelo isbeddelka, talooyinka raac, nidaamkaagana adigu abuuro. Ma jirto cid kaaga xogogaalsan yoolasha aad leedahay.

4) Xoogga saar kartidaada –

  • Hal usbuuc si fiican ugu fiirso sida aad wakhtigaaga u isticmaasho. In aad ogaato sida aad wakhtigaaga u isticmaasho waxay fure u tahay in aad si quman u maareyso.
  • Marka aad sawir fiican ka hesho sida aad wakhtiga u isticmaasho, waxaad kala saartaa wakhtiga aad wax muhiim ah oo wax soosaar leh aad galisay iyo wakhtiga aad galisay waxaan muhiim iyo wax-soosaar kuu lahayn.
  • Meesha ka saar ama sida ugu weyn u yaree hawlaha aan muhiimka iyo wax-soosaarka kuu lahayn.

Qaybta II – Sidee loo horumariyaa wax-soosaarka shaqo

Qoraagu wuxu soo jeedinayaa talooyin wanaagsan oo aan ku dabiqi karno horumarinta wax-soosaarkeenna. Talooyinka waxa ka mid ah:-

1) Meesha ka saar iska isticmaalka baraha bulshada

  • Khadka internetka ee mar walba kuu furan u beddel in uu markasta kaa xidhnaado (mid moobil iyo mid kombuyuutarba), keliya furo marka aad ogtahay in aad wax uga baahan tahay.
  • Ka bax dhammaan akoonadaada baraha bulshada, keliya fiiri maalintii wakhtiyo kooban oo go’an.
  • Markaad aad internetka furato ee aad wax uga baahantahay, ku koobnow waxa aad u baahantahay, kana digtoonow in aad iska dhex mushaaxdo. Waxa internetka iyo baraha bulshada dhex socda wax badan oo ku mashquulin kara, haddii aanad ka digtoonaan, waxaad is arki adiga oo dhankan iyo dhankaaba u raacay oo wakhti badan oo aanad dareermayn ku lumiyey waxaan waxba kaa soo galayn.

2) Fasax qaado –

  • Fasax ka qaado shaqada si aad tamar iyo firfircooni cusub u hesho, si aad mar dhow adiga oo xiise u haya aad u bilawdo wax-soosaarkaaga shaqo.

3) 20 wax oo aad ku horumarin karto wax-soosaarka shaqo –

Qoraagu wuxu ina siinayaa labaatan istiraajiyadood oo uu raaco, kuwaas oo uu ku horumariyey wax-soosaarkiisa shaqo. Kuwan ayaa ka mid ah:-

  • Qor fikradahaaga oo dhan.
  • Yaalaaba maya dheh.
  • Meesha ka saar waxkasta oo ku mashquulinaya.
  • Jooji in aad weelayso warar tiro badan.
  • Abuur hannaan shaqo socod.
  • Hal mar ha wada qaban hawlo badan oo kala duwan.
  • Sii qorshee berri waxaad qabanayso.

Qaybta III – Wax badan qabo

Dhammaanteen waxaan jecelahay in aan wax badan qabano, hayeeshee waxaan haysannaa wakhti isku mid ah, in wax badan kuu qabsoomaan waxay ku imanaysaa in aan si quman uga faa’ideysato wakhtiga xaddidan ee aad haysato.

Talooyinkan ayuu buuggu bixinayaa, si aad wax badan u qabsan karto:-

1) Joogteyntu waa furaha koowaad –

  • Imisa jeer ayey kugu dhacday in aad hawlo bilawday oo maalmo yar kaddib aad ka daashay oo aad faraha ka qaaday? Darius wuxu soo jeedinayaa in sida ilmaha yar aad talaabo talaabo qaado. Weligaa ogow in aad waxyar ka bilawdo, wakhti sii hawsha, hana degdegin.
  • In aad waxyar si joogto ah u qabato ayaa ka wanaagsan in aad wax weyn mararka qaar qabato.

2) Fiiri aagga xasiloonidaada –

  • Darius wuxu soo jeedinayaa in aad aaggaaga xasiloonida aadyar aadyar uga talaabsato intii aad hal mar ka dhex bixi lahayd oo aad hal mar ugu boodi lahayd waxyaabo aan ku xasilooni galinayn.
  • Xasiloonidu waa waxyaabaha lagama maarmaanka inoo ah sida horumarkuba inoogu yahay. Wuxu qoraagu leeyahay ma aha inta aad muuqaal daawato ama aad qoraal akhrido kaddib aad hal mar isku qaado wax iyo meel aanad ku xasiloonayn, taa beddelkeeda waxa fiican in aad qaado talaabo talaabo, laakiin aanad istaagin.

3) Awoodda oo dhan waxay ku timaadaa kucelcelinta –

  • Awooddu waa aasaaska hore, in aad meelsare gaadho waxa keenaya aasaaska aad soo adkaysay. Tusaale, qofka higgaada ka booda way ku adkaan in uu wax akhriyo. Dhibta dad badan ku dhacda ayaa ah in ay yaraystaan ama hilmaamaan aasaaska hore.

Waxaan ka soo turjumay myreadforchange.

Axmed-Keyse Cali Rooble

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com