Gorfeynta Sirta Suugaanta Iyo Falsafaddii HADRAAWI Qeybtii 1aad

Ugu horreyn, waxa maalintii khamiista ee 18. 08. 2022 magalaada Hargeysa ku geeriyooday abwaankii, indheer-garadkii, dhaqan-yahankii, aqoonyahankii, iyo murti-yahankii weynaa ee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” oo muddo ka badan nus qarni, si buuxda u ahaa labeenta & duxda halabuurka geyiga Soomaalida.
Dabcan, waxay ahayd geeri ka baaxad weyn geeryaha aadmiga haleela ee lagu wada xukuman yahay. Waayo, waa geeri ku timid haldoor fogaan arag ah oo falsafaddiisa suugaaneed kaligii oogada u saartay inuu qaado xilka iyo waajibaadka metelaadda ummadnimo dhammeystiran iyo helitaanka qarannimo ku dhisan daah-furnaan iyo dawladnimo dhab ah.
Dhinaca kale, geerida laga wada siman yahay ee ku sargo’an dhimashada unugyada “Cells”, dhimashada nudaha “Tissues” iyo dhimashada xubnaha “Organs” qaybaha jidhka aadmiga, waxay geerida abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” dheer tahay:
▪︎Dhimashada dhaqan ummadnimo, ▪︎Dhimashada dhiirigalin bulsho,
▪︎Geerida xeel-dheere jaceyl,
▪︎Dhimashada eray-bixin afeed,
▪︎Waayidda filasuuf aftahan ah,
▪︎Dhimashada hal-abuur suugaaneed,
▪︎Geerida maan-furnaan aqooneed,
▪︎Dhimashada sarbeeb maanso,
▪︎Geerida sirta suugaanta,
▪︎Dhimashada qofnimo suubban.
Sidaa awgeed, geeridii tiraanyada lahayd ee haleeshay Allaah haw naxariistee abwaan Hadraawi, waa geeri si kooban loogu qeexi karo in ay tahay geeri qofeed oo u dhiganta dhimasho dhaqan, ummad iyo qarannimo is huwan. Balse, wuxuu innooga tagay dhigaal iyo dhigane suugaaneed oo si abbaartoodu tahay:
▪︎Tusmeynta Geeddiga Jacaylka,
▪︎Doorka Hooyada Iyo Haweenka,
▪︎Sarbeebta Iyo Sirta Suugaanta,
▪︎Kartida Iyo Aftahannimada Afka,
▪︎Dhiirigalinta Aqoonta Iyo Cilmiga,
▪︎Waddaniyadda Iyo Dal Jacaylka,
▪︎Qabka Iyo Qoominimada,
▪︎Dhaqanka Iyo Wax Wadaagga,
▪︎Siyaasadda Iyo Siyaasiga,
▪︎Hoggaaminta Iyo Hoggaamiyaha,
▪︎Quudhsiga Iyo Midab Takoorka,
▪︎Fogaan Aragga Falsafadda,
▪︎Dhiirigalinta Iyo Ogaalka Sirta Nolosha,
▪︎Aafada Qaadka Iyo Qallooca Qoyska,
▪︎Iwm.
Ugu danbeyntii, waxaan halkan idinkula wadaagayaa qormo taxane ah oo magaceedu yahay GORFEYNTA SIRTA SUUGAANTA IYO FALSAFADDII HADRAAWI. Waxaynna diiradda saaraysaa aqoontii, kartidii, maan-furnaantii, iyo fogaan aragnimadii suugaantiisa oo aad mooddo in laga soo dhanbalay dhadhaabo adag, maan shiilan, aqoon dhiteysan, iyo dhugasho gobonimo.
=La soco Qaybta Labaad”
Jamal A. Muse
Email: dankaaliye@gmail.com