Liiska Magacyada Maxaabiis Dawlada Somaliland Ku Soo Qabatay Dagaalkii Tuka-Raq Oo La Sii Daayay
May 29, 2019 - Written by admin
Hargeysa-(Hayaannews)-Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi xuskii sannad-guurada 28-aad
ee dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland ee 18-ka May, waxa uu
sheegay in dawladda Somaliland mar walba nabad buuxda u hayso cid kasta, sidaa
awgeedna sii daynayso maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii lagu soo qaaday
deegaanka Tukaraq ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee maamulka farmaajo ka
danbeeyay.
Tallaabadaas oo muujinaysa in
Somaliland mudnaan weyn siisay amniga iyo nabadda, xukuumadda Somaliland, waxa
ka go’an ahmiyadda weyn ee nabad-gelyadu leedahay, taas oo beesha caalamka iyo
mandaqadda geeska Afrika u caddaynaysa sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay
xoojinta nabadda.
Haddaba, Somaliland waxa ay u
aragtaa shaqaaqooyinka maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland ku waddo
dawladda Somaliland in maamulka Farmaajo hurinayso.
Waxaynnu ognahay dabka ka
holcaya Kismaayo, Gal-mudug, Hir-shabeelle, Puntland iyo Muqdisho uu yahay
colaad iyo cadaawad uu dabada ka riixayo maamulka farmaajo, sidaa daraadeed
Jamhuuriyadda Somaliland waxay xad la leedahay Soomaaliya waa maamul-goboleedka
Soomaaliya ee Puntland, wixii khilaaf ka yimaadda xadka Somaliland waxa ay
diyaar u tahay in lagu xalliyo nabad iyo is af-garad buuxa, lagana fogaado
dhibaatada laga soo maleegayo maamulka farmaajo
Ugu danbayn xukuumadda
Somaliland iyadoo danaynaysa nabad ku noolaanshaa iyo deris wanaaga waxay soo
jeedinay in duruufaha ku geedaaman mandaqada geeska Africa ee dhaqaale xumada
fakhriga abaaraha iyo hoos u dhaca adeega aasaasiga ah laysu kaashado lagana
waantoobo dagaal iyo colaado hor leh.
Liiska saamaxaada uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u fidiyey
Maxaabiista Dagaal ee Maamul Goboleedka Puntland ay kaga qabteen Ciidanka
Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland dagaalkii Tukaraq, kuwaas oo kala ah: