“Farmaajo Aniga Ka Aqoon Baddan Heerka Waxbarashada,Wuxuu Igaga Horeeya Facebook-ga, Waxaan Ugu Baaqaya Dhalinyarada Somaliland….” Prof Samatar


Hargeysa(Hayaannews) Siyaasi Prof.Ahmed Ismail Samatar ayaa sheegay inuu ka aqoon baddan yahay waxbarasho ahaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, balse uu kaga horeeyo Facebook-ga oo uu haysto taageerayaal baddan.

Sidaa waxa lagu sheegay qoraal uu ku baahiyay Prof  Samatar bogiisa https://www.facebook.com/ProfAhmed-Ismail-Samatar-101683198394324/, Waxaanu u dhignaa sidan:

“Farmaajo aniga ka Aqoon baddan oo Heerka aan waxbarashada ka gaadhay kama uusan gaadhin Laakin wuxuu igaga horeeyaa Facebook oo uu haysto followers baddan iyo like taasna waxaa sabab u ah dadka Koonfurta oo qadariya madaxdooda.

Dhalinyarada somaliland waxaan ugu baaqayaa inay ficil iyo karti muujiyaan oo like iyo followers baddan gaadhsiyaan page kayga mahadsanidin dhalinyarada Somaliland ee I jecel ficilkiina waa inan ku arkaa Saacada kooban.

Prof Axmed Ismaaciil Samatar
Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland