Wasiirka Maaliyadda oo Xadhiga ka jaray Xafiisyo Fududeynaya Adeegyada Bulshada


Hargeysa (Hayaannews)- Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa xadhiga ka jaray laba xafiis oo waaxda cashuuraha berrigu ka furatay xarumaha Wasaaradda Jidadka iyo Xarunta Rugta Ganacsiga, si loogu fudueeyo macaamiisha wasaarada iyo bulshada Somaliland ee adeegyada uga baahda.

Xaflad Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Wasaaradda Jidadka iyo Gaadiidka Md. Cabdilaahi Abokor Cismaan wadajir xadhiga uga jareen xafiis fududeyn doona adeegyada Buugta gaadiidka iyo Balaydhada luma, ayaa sheegay inuu noqonayo mid lagu qabto adeegyo markii hore laba meelood oo kala fog loo tagi jiray, taas oo ay dadweynuhu culays kala kulmi jireen.

Masuuliyiinta labada wasaaradood ayaa ku booriyey cidii uu ka dhacsanyahay Liisanka wadida gaadiidku inay cusboonaysiistaan, iyadoo dhawaana la bilaabi doono olole lagu dardargalinayo cusboonaysiinta liisamada gaadiidka.

Waxaana xusid mudan in qofkasta oo laga bedelayo liisankii hore ee buuga ahaa laga kansali doono kaa hore ku cusubna la siin doono iyadoon laga qadayn kiisii hore, maadaama uu yahay dhukumenti qofeed, waxaana sidoo kale loo sheegayaa dadkii laga xareeyey liisamadii hore inay doonan karaan waa qofkii u baahda e.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire oo uu weheliyo Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Md. Muse Ibraahim Yuusuf ayaa xadhiga ka jaray xafiis ay Wasaaraddu ku yeelan doonto xarunta Rugta Ganacsiga Somaliland.

Ujeedada xafiiskan loo yagleelay ayaa lagu sheegay sidii ganacsatada loogu soo dhaweyn lahaa adeegyada ay uga baahan yihiin Wasaaradda, waxa xusid mudan inaanu ahayn xafiis lacag-qabasho balse uu yahay xafiis u qaban doona ganacsatada adeegyada ay ka midka yihiin diwaangalinta, xogsiinta iyo adeegyo kale oo doora.

Furitaanada xafiisyadan cusub ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin qorshe Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad soo jeediyey, isla markaana fulinayaan Waaxda Cashuuraha Berriga, oo la xidhiidhka dib u habaynta nidaamka cashuuraha iyo sidii loogu fududeyn lahaa cashuur-bixiyeyaasha adeegyada ay uga baahdaan wasaaradda.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayannewssoma@gmail.com