Somaliland oo Digniin ka soo saartay Roobab Duufaan Wata oo ku Soo Wajahan Xeebaha Dalka

Hargeysa(Hayaannews):- Dowladda Somaliland, ayaa Digniin ka soo saartay Roobab Duufaan wata oo la sheegay inay ku soo wajahan yihiin maalmaha soo socda Xeebaha Somaliland, Roobabkaa Duufaanta wata, ayaa Hay’adaha Saadaasha Hawadu sheegeen inay ku soo wajahan yihiin Xeebaha Bariga Somaliland, isla markaana u gudbi karaan illaa xeebaha galbeedka.

Guddoomiyaha Hay’adda Ka Hor-tagga Aafooyinka Dabeeciga ah iyo Kaydka Raashinka ee Somaliland Faysal Cali Sheekh oo Arbacadii maanta Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay u digayaan Dadka deegaannada Xeebaha ka ag-dhaw, Kalluumaysatada iyo Maraakiibta-ba.

Faysal Cali Sheekh oo faahfaahinaya saadaasha ay hayaan ee digniintan ku kalliftay iyo meelaha ay Roobabka Dabaylaha wataa la filayo inay saameeyaan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Warkiisa, Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Sidoo kale, Dowlad-goboleedka Puntland, ayaa iyaduna ka digtay Roobabka Duufaanta wata ee ku soo waajahan Xeebaha Maamulkaas. Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, waxay taleefannadooda gacanta farriimo ugu dirtay dadka ku dhaqan gobollada Xeebaha ee Puntland.

Muuqaalkan ka Daawo Digniinta Puntland;-