Liiska Magacyada Golaha Wasiirada Soomaaliya Ku Cusub Ee Uu Ra’iisal Wasaaruhu Magacaabay

Muqdisho(Hayaannews):- Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa magacaabay Golaha Xukuumaddiisa, si waafaqsan qodobbada 97-aad iyo 100-aad ee Dastuurka Kumeel-gaadhka ah Soomaaliya.

Rai’iisul-wasaare Rooble oo dhismaha Golaha Xukuumadda la-tashiyo badan la sheegay inuu kala sameeyey Aqoonyahannada, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, ayaa magacaabay xukuumad ka kooban 27 Wasiir, 17 Wasiiru-dowle iyo 26 Wasiir ku xigeen.

Xubnaha Wasiirrada, Wasiir Ku-xigeennada iyo Wasiiru-dowlayaasha Raysal-wasaare Rooble soo xulay oo intooda badani aanay ku cusbayn indhaha iyo dhegaha bulshada, balse ay u badan yihiin Golihii Xukuumaddii Raysal-wasaare Khayre ee Baarlamaanku riday, waxaa lagaga dhawaaqay xaflad caawa lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, taas oo ay badi dadka la magacaabay iyo madaxda kale ee dowladduba ka qaybgaleen.

Magacyada Wasiirrada, Wasiiru-dowlayaasha iyo Wasiir ku-xigeennada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee caawa Raysal-wasaaruhu magacaabay, waxay u dhignaayeen sidan ka muuqata warqadaha magacaabista ee ka bogasho wacan:-