Somaliland Oo Ka Qayb-gashay Shir ku Saabsan Maalgashiga DDS Itoobiya

 Jigjiga (Hayaannews): Waxaa maanta deegaanka Dhagaxley ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu soo gebagabeeyay shir ku saabsanaa fursadaha maalgashi ee dawlad deegaanka Soomaalida.

Shirkaasi oo markii hore ka furmay magaaladda jigjiga ayaa socday muddo laba maalmood ayaa noqonaya kii u horeeyay oo noociisa oo lagu qabto dawlad deegaanka Soomaalida.

Waxaana shirkaasi maalgashi si rasmi ah u furay madaxweynaha Mustafe Maxamuud Cumar (Mustafe Cagjar), madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo madax-xafiiseedka maalgashiga iyo qurbe joogta.

Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay ganacsato kala socday wadamadda deriska, sida Jabuuti, Somaliland Soomaaliya, Puntland, Kenya, iyo shirkado caalami ah oo ka socday South Africa, iyo Turkey.

Waxa kaloo shirkaasi ka soo qayb galay deegaamadda jaarka ah ee Hereridda, iyo Oromadda, iyadoo uu goob joog ka ahaa shirkaasi komishanka dawlad deegaanka iyo ka federaalka ee maalgashiga.

Weftiga dhinaca Somaliland ka socday waxaa hogaaminayay guddoomiyaha rugta ganacsiga Jamaal Caydiid, oo ay wehelinayeen xubno ka mida ganacsatadda Somaliland iyo masuuliyiin kale.

Shirkaasi ayay u jeedadiisu ahayd in lagu soo bandhigo fursadaha maalgashi ee ka jira deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo sida siyaasadaha saacidaynaya maalgashiga loo abuurno jawi maalgashi oo dawlad deegaanka Soomaalida laga hirgeliyo.

Sida uu sheegay madaxa xafiiska maalgashiga iyo qurbe joogta ee DDS Itoobiya C/salaam Yuusuf, oo warbaahinta u akhriyay war-murtiyeed laga soo saaray gebagebadda shirkaasi.

Waxaanu yidhi, “Shirkan oo u jeedadiisu ahayd in lagu soo bandhigo fursadaha maalgashi ee ka jira deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo sida siyaasadaha saacidaynaya maalgashiga. Iyo in aan abuurno jawi maalgashi oo dawlad deegaanka Soomaalida si gaarra loo soo dhawaynayo maal-qabeennadda gaar ahaana geyigga Soomaalida”.

“Maal-qabeenadii ka soo qayb galay shirku, waxay soo dhaweeyeen fursadihii maalgashi ee la soo bandhigay. Halka maal-qabeenadda iyo shirkadihii hore u maalgashaday deegaanku ay soo bandhigeen badhaadhihii ay kala kulmeen ganacsiga deegaanka iyo caqabadihii ka hor yimid, ee u baahnaa in wax lagala qabto” ayuu yidhi C/salaam Yuusuf.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Gebabegadii shirka, waxay maalgashadeyaashu soo bandhigeen ganacsiyadda ay maalgashan doonaan iyo fikradaha ay rabaan darraasad in ay mar labaad ku sameeyaan, si ay maalgashigaa ugu soo diyaar garoobaan.

Halka xafiiska maalgashigu uu soo bandhigay darraasaadyo 40 ilaa 50 u dhexeeyay, oo loogu tallo galay dadka danaynaya in ay deegaanka Soomaalida maalgashi ka sameeyaan, in ay fiirsadaan, oo ay arkaan.

Dawlad deegaanka Soomaalidu waxay soo bandhigeen goob wershadeed (industrial zone) ku haboon maalgashiga wershadaha dhulkaasoo laga diyaariyay duleedka magaaladda Jigjiga, oo aan rejaynayno in dadka maalgashiga diyaarka u ah codsigoodii ay dal-ban karraan”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Ugu danbayn, dawlad deegaanka Soomaalidu waxay soo dhawaynayaan shirkadaha iyo ganacsatadda danaynaysa maalgashiga fursadaha dihin, ee deegaanka Soomaalida iyo ganacsiga guud ee dalka Itoobiya” ayuu yidhi C/salaam Yuusuf.

Shirkani waxa uu noqon doonaa mid sanadle ah, si loo dhiso, loonna kobciyo kalsoonidda maal-qabeennadda danaynaya in ay maalgashadaan deegaanka Soomaalida, gaar ahaana dalka Itoobiya.

Sida uu mar kale sharaxayo C/salaam Yuusuf, madaxa xafiiska maalgashiga dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

“Wax kastoo caqabad ku noqon karra dadka danaynaya maalgashi in ay sameeyaan,w axaan diyaar u nahay in aan gacan buuxda ka siino” ayuu yidhi C/salaam Yuusuf.

#Mustafe_Janaale

#Hayaannews, Office

Email: Hayaannewssoma@gmail.com