Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Oo 50-Kun Oo Geed Ugu Deeqday Somaliland

“Deeqdani waxay kaalin mug leh ka qaadanaysaa dhireynta Jamhuuriyadda Somaliland” Danjire  Barkhad Maxamuud Kaariye.

Jigjiga (Hayaannews)- Dowladda Ismaamulka Soomaalida Ethiopia, ayaa maanta 50-kun oo Geed ugu deeqday Somaliland, waxaana deeqdan ka guddoomay safiir ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ee Ethiopia oo maalmihii u dambeeyey socdaal shaqo ku joogay magaalada Jigjiga.

Safiir ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ku leedahay dalka Ethiopia Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa deeqdan kula wareegay munaasibad ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirrada Deegaanka iyo Beeraha ee dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia, waxaanay dhirtani qayb laxaad leh ka qaadan doontaa Dhireynta magaalooyinka dalka.

Danjire Barkhad Maxamuud Kaariye waxa uu deeqdan uga mahad-celiyey madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo xukuumaddiisa, iyada oo deeqda dhirta ahi hordhac u tahay Qaybo kale oo Deeq-dhireed ah, sida uu sheegay Safiir ku-xigeenka JSL ee Ethiopia oo qoraal uu Deeq-dhireedkan kaga hadlay ku baahiyey bartiisa Facebook.

“Waxa farxad ii ah in maanta 50-kun oo geed aan ka guddoomo xukuumadda Dawlad-Deegaanka Soomaalida. Dhirtan oo loogu talogalay dhireynta magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana deeq-dhireed kale bilowgeed ah, waxa farxad kale ii ah in JSL ay noqoto dalkii u horreeyay ee deeqdani gaadho waddamada jaarka la ah Itoobiya,” Sidaas ayuu sheegay Danjire Barkhad Maxamuud Kaariye.

Waxa uu intaas ku daray, “Waxaan u mahadnaqayaa Madaxweynaha DDS Md. Mustafe Muxumed Cumar iyo guud ahaan xukuumaddiisa, gaar ahaan Wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Madaxweynaha Md. Maxamed Yuusuf Rooble, Wasiirka Deegaanka, Kaymaha iyo Isbeddelka Cimilada Md Xasan Faarax Cali, Wasiirka Beeraha Dr. Cabdiqaadir Iimaan, Wasiir-ku-xigeenka Beeraha Dr Mubarak Sh. Cumar iyo dhammaan masuuliyiinta munaadibadda la-wareegidda deeqda dhirta ah goobjoogga ka ahaa. Deeqdani waxay kaalin mug leh ka qaadanaysaa dhireynta JSL.” Sidaas ayuu u dhignaa qoraalka Ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ee dalka Ethiopia Ambassador Barkhad Maxamuud Kaariye

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#MJ

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com