“Aqbali Mayno In Fadhiga Koowaad Ee Golaha Wakiillada Lagu Qabto Meel Ka Baxsan Golaha” Cirro Iyo Faysal

Hargeysa(Hayaannews): Madaxda isbahaysiga mucaaradka Somaliland, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay inuu iibsanayo xildhibaanada mucaaradka isla markaana uu dacwaynayo iyo xildhibaanada muxaafadka ee taageera mucaaradka.

“Xan badan ayaa jirta oo ah in Fadhiga Koowaad ee Golaha Wakiillada lagu qaban doono meel ka baxsan Golaha, taasina waa sharci darro Iyo qayrulDastuuri”.Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa sidaa sheegay.

Gudddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi“Waxan leenahay madaxweynaha lacagtii islaanta hilibka iibinaysa, ninka baabuurka wada ee cashuurta wada marista laga qaadayo, islaanta aan masqul haysan ee aan hadh haysan, lacagtii umada masaakiinta ah ayaa maanta lagu iibsanayaa xildhibaanadii” sida waxa yidhi guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com