“Madaxwayne Haddii Aad Ku Fashilantay Inaad Horumar Keento, Is-dabaqabo…”Xoghayaha Xisbiga WADDANI KhadarXuseen

Hargeysa(Hayaannews); Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi inaanu sii kala furfurin Wasaaradaha si uu cod u helo, isaga oo kula taliyay inuu is-dabaqabto.

Xoghaye Khadar waxa uu sida ku sheegay qoraal koobaan oo uu soo saaray oo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada wararka ee Hayaannews,waxaanu u dhignaa sidan:

“Afar sanno kaddib, waxaa Madaxwayne Muuse laga filayay in uu mashaariic horumarineed oo dhammaatay uu furo, lagama filaynin in uu maanta isu diyaariyo in uu doorasho ku galo in uu Wasaaradadihii sii kala furfuro si uu dad u kasbado. Madaxwayne haddii aad ku fashilantay in aad horumar keento oo dadka niyaddooda iyo rejadoodaba aad kor u qaadi kari wayday oo itaalkii hoggaamintaadu intaas maanta aan aragno uu noqday.

Waxa aannu kuugu baaqaynaa in aanad si aad cod u hesho Wasaaradaha sii kala furfurin. Sannadkaas kuu hadhay ku dedaal in aad is daba qabato oo taariikh samaysato oo meelihii badnaa ee Xukumaddaadu dhagax dhigtay ee aan waxba laga qaban ee biyo xidheenkii kala gooye ka mid yahay in aad waxa uun ka bilawdo, taas baa sharaf kuu noqon karta dawladnimadeennana wax ku dari karta.

Mudane, isdabaqabo saaka waan kula talinayaaye!”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com