Wasiir Faratoon oo la Kulmay Danjiraha Itoobiya u Fadhiya Somaliland

Hargeysa(Hayaannews)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon,  ayaa la kulmay Wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland Danjire Shamsudiin Axmed Rooble.

Wasiir Faratoon  ayaa sheegay in Wakiilka Itoobiya u fadhiya Hargeysa uu maanta booqasho ugu yimid xafiiskiisa Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Yaasiin Maxamuud Xiir Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland wuxuu qoraal kooban oo uu soo dhigay Bartiisa Twitterka uu ku iftiimiyey  in ay  labada dal ka wada shaqeeyaan Nabadda iyo Xasiloonida.

Waxa kaloo uu Wasiirku ku dooday in iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid saacidaya  ammaanka Mandaqada oo dhan.