Weftigii Uu Hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Mareykanka.

Washington (Hayaannews) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee ka koobnaa wasiirada iyo ganacsatada, ayaa gaadhay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, iyadoo halkaasi loogu soo dhaweeyey si ballaadhan oo habmaamuus qarannimo leh.

Waxaana madaxweynaha iyo weftigiisa halkaa ku sugayey kuna soo dhaweeyey madax sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka iyo masuuliyiin kala ah wasiirka Arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Maraykanka, Amb. Bashiir Good iyo qaar ka mida Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanka.

Weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxaa loo galbiyey Hotelkii loogu talogalay inay ka degaan Washington, waxaana soo dhawaynta ka dib safarka Madaxweynaha Warbaahinta uga waramay Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland, Amb. Bashiir Good oo ugu horayn u mahadnaqay cidkasta oo ka qayb-qaataday soo dhawaynta weftiga madaxweynaha qaranka Somaliland.

Safarka Madaxweyne Biixi, ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee uu ugu baxo dalka Mareykanka iyo dalalka dibada intii uu xilka hayay tan iyo 2017-kii.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com