“Aafo Iyo Dhaliil Weyn Oo Inagu Taala Weeye Khilaafka Siyaasiga Ah Ee Soo Noq-noqdaa”Pro Cabdisalaan

Hargeysa (Hayaannes)-Prof: Cabdisalaan Yaasiin Maxamed, oo ka mid ah Madasha Wada-tashiga Somaliland, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalku halkay marayso, waxaanu si gaar ah uga hadlay khilaafka ka dhex taagan Madaxweynaha iyo Madaxda Xisbiyada ee salka ku haya xubnaha Komishanka cusub loo soo xulay, waxaanu ku baaqay in laga heshiiyo wax walba oo la isku hayo, isla markaana la kala roonaado.

Prof: Cabdisalaan Yaasiin oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay weerarkii shalay ka dhacay Boorama iyo hadalkii Suldaan Waber, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadllay Waber  “Waber wax weyn maaha, ee waa nin baadil ku socda, balse qolada nabadgalyada ayey dhaliil ku tahay in la ogaan waayo wuxuu wado,  inuu Wabar ciyaal urursado oo uu  weerar qaado uu haddana cararo ayuu doonayaa iyo in kolba la wareysto ayuu doonayaa,  wuxuu yidhi Odayadii ayaa imika I raacsan, wuxuu kale oo uu yidhi maalintii horeba Ciidamada odayada ayaa iga fadhiisiyey, imikana Odayada ayaa i raacsan, laakiin been cad buu ka sheegayaa Odayada ee Odayaal raacsani ma jiraan, guud ahaan ilaalinta nabadgalyaduna Xukuumadda oo qudha ma saarna, ee ilaa Odayaasha, Madax-dhaqameedka iyo Bulshadaba wey saaran tahay, markaas Madax-dhaqameedka iyo Bulshaduba waa inay hormood ka noqdaan ilaalinta nabada, Shacabka degan Booramana maaha in qalalaase la galiyo, Wabarkan leh waxbaan xoraynayaa ee leh 33% boqolkiiba saddex iyo sodon baanu nahay, waa nin baadil ku socda, Shacabka reer Boorama iyo guud ahaan Shacabka reer Awdalna waa Shacab aad iyo aad u wanaagsan,ee waxaan leeyahay ka digtoonada in xumaan la idin galiyo, beena la idiin sheego, ee wadankiina ilaashada, ilaalinta nabadiina meel uga soo wada jeeda ”.

Mar uu ka hadlaayey khilaafka ka taagan Komishanka ayaa uu yidhi “Aafo iyo dhaliil weyn oo  inagu taala weeye khilaafka siyaasiga ah ee soo noq-noqda, ee aynu xalin kari la’nahay, wali lama arag dad wax wada leh,oo haddana is jiid-jiidanaya, inaga ka hor,   oo waliba dadka guudkiisa isku jiid-jiidanaya, cidda is jiid-jiidanaysaana waa Axsaabta iyo Xukuumadda oo Xisbi ka soo jeeda, haddii aan la kala roonaan roob mada’o ayaa la yidhi, ee haddii aan la kala roonaan oo aan la isku tanaasuulin waa ayaan daro, Guddi yar baa la isku haystaa ee wax kalena maxaad u malaynayn, Madaxweynaha iyo Madaxda Axsaabtu inay kala roonaadan oo xal gaadhan ayaa loo baahan yahay, ee is jiidad loogama baahna”.