HAYAANNEWS.NET
“Afar Ceel ayaanu ka Qodaynaa Degaannada Guumays, Yeyle iyo Gol-Janno” Wasiirka Warfaafinta
March 28, 2021 - Written by admin

Laascanood (Hayaannews)- Wefti uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wac’gelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ay ka mid yihiin Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo ah murrashax u taagan golaha wakliillada, isuduwaha wasaaradda biyaha ee gobolka Sool Axmed Maxamuud Xirsi iyo mas’uuliyiin kale ayaa xogogaal u noqosho ku maraya gobolka Sool.

Weftiga  oo si weyn loogu soo dhaweeyey degaannada Guumays, Yeyle iyo Gol-janno ayaa u jeedada socdaalkooda ku sheegay in uu salka ku hayo sidii ay xogogaal ugu noqon lahaayeen xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ku nool degaanadaas, waxaanay xuseen in ay u qodi doonaan afar ceel kuwaas oo laga hirgelin doono degaannada hoos yimaadda gobolkaas.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in degaannada Guumays, Yeyle iyo Gol-janno laga qodi doono afar ceel, kuwaas oo ka ugu horreeya laga qodi doono degaanka Goljano, waxaanay intaas ku dareen in xukuumaddu dadaal ugu jirto daboolida baahiyaha biyo ee ka jira gobolka Sool iyo degaannada hoos yimaada.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews