“Afartii sanno Ee Madaxweyne Muuse xilka Hayay Wasaaraddu Cunaha Ayey Haysay Shirkaddihii Keeni Lahaa Xadhkaha Internet-ka Ee Badda Hoosteeda” Xisbiga WADDANI.

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi

Hargeysa(Hayaaannews): Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ku eedeeyey Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay hor taagan tahay in shirkaddaha isgaadhsiinta ee Somaliland keenaan Xadhkaha Internet-ka, isla markaana ku ku tilmaamay inay Wasaaradu Isgaadhsiintu ay cunaha hayso Shirkaddaha.

Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi waxa uu sidaa ku sheegay Shirjaraa’id oo uu maata ku qabtay Magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi “Waxa maanta yaqyaqsi ah in wasaaraddeena Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyaddu ku faanto in ay horumarka teknoolajiga ka shaqaynayso iyada oo aynu la socono in Afartii sanno ee Madaxweyne Muuse xilka hayay wasaaraddu cunaha haysay shirkaddihii ka shaqayn lahaa horumarka Teknoolajiga ee Somaliland ugu waa weyna ee ay ka mid yihiin Dahabshiil iyo Telesom.”

“Waxa aynu la socona in sannadkii hore baarlamaanka JSL kaabis iyo wax ka bedel ku sameeyay xeer/50/2011 oo madaxweynuhuna saxeexay, xeerkaas oo ogolaanayay in shirkadaha Isgaadhsiintu keeni karaan xadhkaha Internet-ka ee badda hoosteeda mara, waxaanan la socona in aan ilaa maanta la siin shirkadahaas liisankii ay ku keeni lahaayeen Xadhkaha Internet-ka ee badda hoosteeda mara oo loo diidan yahay.”.Ayuu yidhi.

Isaga oo hadaliisa sii watana waxa uu yidhi“Waxa is waydiin mudan mee ballanqaadkii Madaxweynuhu ololaha ku galay ee ahaa saraynta sharciga, maxaase loogu diidan yahay shirkadahaas muwaadiniinta ah ee dalka maalgashiga geliyay ee shaqo abuurka dalka qaybta ugu weyn ka qaata…”

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com