Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Waa Masiibo Loo Soo Direy Burburinta iyo Kala Qaybinta Saxaafadda

 Agaasima Madaxtooyadda Mohamed Ali Bile Oo Midab Takoor Cunsiriyadeysan Ku Haya Suxufiyiinta Somaliland.

“Agaasime Maxamed Cali Bille shaqada uu Qabto maalinta iyo habeenkuba way kala duwan tahay”

Tan iyo intii xilka loo magacaabey Agaasimaha guud ee Madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bile,oo ka mid ahaa raggii sida weyn ugu dhex muuqdey Ololeeyey Doorashadii uu ku  soo baxey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa mar-ba marka ka danbeysa sii xoogeysanayey muggdi soo kala dhex-gelay xidhiidhka wadda shaqeyneyd ee ka dhexeeya Saxaafadda Maxalliga ah iyo Xafiiska Madaxweynaha Somaliland, kaas oo imika gaadhey heerkii ugu liitey abid, kadib markii Agaasimuhu abuurey kooxo cayayaanka baraha bulshada ah oo uu keligood la wadaago wixii warar ah ee ka soo baxa xafiiska Muuse Biixi.

Hab-dhaqankan cusub ee  Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland Mohamed Cali Bile  oo meesha ka saarey inta baddan Suxufiyiinta ka hawlgasha xarumaha Warbaahinta kale ee ka hawlgasha Hargeysa ayaa lagu tilmaamey inuu yahay mid ku saleysan cunsuriyad iyo inuu kala fadilo Warbaahinta, maadama qaarkood lagula kacey ficilo lagu midab takoorayo, halka qaar kale laga soo dhoweysanayo. waxaana arrintani xataa saameyn xun ku yeelatey wadda shaqeyntii iyo is aaminaadii ka dhexeyn jirtey Weriyayaasha ka hawlgala qaybaha kala duwan ee Warbaahinta Somailand Hargeysa.

Agaasime Mohamed Ali Bile, oo ah masiibo lagu soo habaarey qasriga Madaxtooyadda Somaliland marka la eego hab-dhaqankiisa guracan ee ka fog cadaalada waxa uu gaadhey heer uu ka dhex  sameysto Warbaahinta dhalinyaro reerkiisa ah oo ah kuwo gacan ku rimis uu keli-good si gaar ah ugu naasnuujiyo ama ugu qaraabo kiilo Wararka iyo Dhaqaalaha ka soo baxa Madaxtooyadda Somaliland kuwaas oo mid waliba leeyahay Page u gaar ah oo uu ku  ku xayeysiiyo waxqabadka Xukuumadda Muuse Biixi iyo Xisbul-xaakinka Kulmiye.taas oo xad gudub ku ah xaquuqda Warbaahinta dulman ee uu ka  soomiyey Wararka iyo waxoogaga dhaqaale ee la siin jirey marka ay u shaqeeyaan hay’addaha Dowladda iyo Madaxtooyadda.

Sida daraadeed, maadama aaney u wadda sineyn Saxaafaddu Madaxtooyada oo kooxo gaar ah koonto loogu xidhey Wax kasta oo ka soo baxa madaxtooyada waxa Weriyayaasha la faquuqey ku khasban yihiin inay ku raadiyaan dariiq kasta oo ay ku heli karaan wararka Madaxtooyada ,gaar ahaan kuwa Negative-ka ah, sida kuwa iftiiminaya wixii dhaliilo ah ee ka jira maamulka iyo Siyaasadda Xukuumadda Somaliland. Sababta oo ah ma jirto dariiq kale oo ay ku heli karayaan wararkii ay u gudbin lahaayeen bulshada Taasna waxa dhaliisheeda yeelanaya Agaasimaha ka xidhey albaabka Madaxtooyada oo ku dhex faafinaya Warbaahinta Virus ama Bakteeriyadda dilaaga ah ee Qabyaaladda.

Sidaa daradeed Maxamed Cali Bille waa qabyaali, daneysta ah oo shaqada uu habeenkii iyo maalintii qabtaana ay kala duwan tahay oo u baahan inuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi hoos u eego jariimadaha uu geysanayo.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland