Agaasimihii Telefiishanka Astaan Oo Maxkamadda La Horkeenay, Xidhanna 81-Cisho
October 6, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews): Maxkamadda
Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta la hor keenay Cabdimannaan Yuusuf Agaasimaha
Astaan Cable TV oo 81 cisho xukun la’aan ugu xidhan Hargeysa.
Qayb ka mid ah dacwadda ayaa la
dhegaystay maanta. Welina xukun lama soo saarin. Garsoorka ayaa hore u laalay
eed ahayd in uu gudbiyay siro ka dhan ah Qaranka Somaliland. Maragyo loo keenay
inay eedaha rumeeyaan ayaa iyaguna wax cad aan dadka hor keenin.
Rumaan, galdacwadeed, baadhid, marag iwm ayuu qofku 3 bilood u xidhnaadaa.