Al-shabaab Oo Ku Hawlan Soo Saarista Salaadiin Dhaqan Oo Cusub
October 5, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Hayaannews): Ururka
Al-shabaab ayaa dardar galin ku wada soo saarista salaadiinta dhaqanka goobaha
ay gacanta ku hayaan ee qeybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Al-shabaab waxay hadda shaaciyeen
suldaan cusub oo ay sheegeen inuu yahay suldaanka beesha Sade ee gobolada
Jubbooyinka, iyagoo maalmo kahorna shaaciyay suldaanka beesha Mudulood ee
Jubbooyinka.
Si lamid ah, Al-shabaab waxay
horey gobolada dhexe ee Soomaaliya uga shaaciyeen salaadiin cusub oo ay
sheegeen inay metalaan qabaa’ilada dhulkaas degen ee ku hoos ku nool
xukunkooda.
Dhammaan shakhsiyaadka Al-shabab
caleemo saareen waxay ka siman yihiin astaan ah inay garab ku sitaan qori
AK.47, iyagoo ula jeeda inay Al-shabaab ku taageersan yihiin dagaalka ay kula
jiraan dowladda Soomaaliya.
Suldaan cusub ee hadda la caleemo
saaray waxay Al-shabaab ku wareejiyeen qori AK.47, booshkiisa, bistoolad iyo
kitaab qur’aan ah.
Sarkaal katirsan Al-shabaab ayaa
sheegay inuu jiro go’aan horey loo qaatay oo ku saabsan in la bedelo
salaadiinta, si loo dardar galiyo qabaa’ilada, waxaana sharuudaha Suldaanka
lagusoo xulayo kamid ah inuu yaqaano hubka.
Sarkaalkaan oo ka hadlayay goobta caleemo saarka wuxuu sheegay in ay jiraan salaadiin dhaqan oo qaarna ay ku dhinteen dagaalada Al-shabaab halka qaar kalena lagu dilay duqeymaha diyaaradaha Droneska Maraykanka.
Xilli ay Soomaaliya u diyaar
garoobayso doorashooyin, ayaa salaadiinta dhaqanka waxay yihiin dadka ay ka
imaanayaan ergooyinka xildhibaanada dooranaya, dowladda Soomaaliya iyo maamul
goboleedyada ayaa isha ku haya in Al-shabaab saameyn ku yeelato xulida
xildhibaanada soo socda.