Sidaa waxa uu Cabdiraxmaan Cirro
ku sheegay mar uu ka hadlayay dalka Sweden oo uu safar shaqo ku joogo.
Dr Cabdiraxmaan Cirro gudoomiyaha xisbiga
Waddani oo isagoo ku sugan Sweden waraysi laga qaaday ayaa yidhi “Aniga
Iyo Muuse Biixi Kursigaanu Isku Haysanaa, Waanan Ka Dhacsan Doonaa, Haddii Aan
Markii Hore Ka Dhacsan Kari Waayey Dagaal Kale Ma Jiro.” Guddoomiye Cirro
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka
ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in ay soo
dhaweynayaan haddii siyaasiyiinta waaweyn ee Kulmiye ee ka biyo diiday
Shirweynaha Xisbigoodu ay yimaadaan Waddani.
Guddoomiye Cirro oo waraysigan
siiyay Bulsho Tv, waxa uu xusay in xisbiyada dhexdooda inta badan ay ka jiraan
kala fikir duwanaan keenta khilaaf, waxaanu u rajeeyey kulmiye in
Shirweynahoodu si wanaagsan ugu dhammaado, waxaanu yidhi “Muran waa qayb
nolosha ka mid ah oo uu jira amma Xisbi ha noqoto amma xukuumadda, asxaabtana
waxa loo samaystay in la kala fikir duwanaado, oo kuma odhan karo dadka ku jira
Xisbiga Waddani oo dhan waa isku wada fikir, waxbaa laga hadlayaa waa lagu kala
duwanaanayaa, damac ayaa jira waa lagu kala duwanaanayaa, markaa in muran jiro
iyo in fikir kala duwanansho jiro waxaan u arkaa arrin dabiici ah, asxaabtana
hore uga dhacay.”
Guddoomiye Cirro oo la weydiiyey
in kala qaybsanaanta Kulmiye uu Xisbigiisa Waddani ka faa’idaysanayo, waxa uu
ku jawaabay “Horta aanu aragno, waanay dhacdaysaa oo annaguba markii aanu
shirka qabanay, qaar baa innaga tegay siyaasiyiin waaweyn ah oo imika
Xukuumadda Kulmiye ka mid ah oo qaar badan Wasiirro yihiin, qofku inuu Xisbiga
ku jirana Jeel maaha oo wuu ka bixi karaa, markaa haddii ay run noqoto oo ay
siyaasiyiintaas waaweyn soo baxaan Xisbiga Waddani waxa uu ka mid yahay meelaha
soo dhaweynaya, annaguna waxaanu u rajaynaynaa in shirkooduna guul ugu
dhamaado, wax faro gelin ah oo aanu dabada ka riixaynaana ma jirto.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo ka hadlayey xafladda Jaaliyadda Somaliland ee Sweden u qabatay, waxa uu kula dardaarmay Jaaliyadda Somaliland ee qurbaha jooga in ay ilaaliyaan midnimadooda, isaga oo xusay in asxaabta sababaha loo samaystay ay tahay in lagu tartamo, waxanu yidhi “Dagaal kale ma jiro, laakiin hoggaaminta iyo awoodda dalka lagu tartamayaa, Muuse kursiga uu ku fadhiyo ayeynu isku haysanaa, aniga iyo Muuse kursiga ayaanu isku haysanaa, markii hore haddii aan ka dhacsan kari waayey, imika waxaan doonayaa in aan ka dhacsado. Qoryo ma qaadanayno, laakiin hannaan dimuqraadi ah ayeynu qaadanay”.