“Anigu Ma Raacayo Ninkii Buurta-Gacanlibaax Reerka Saaray Ee 7-qodob Ee Han-jabaada Ka Soo Saaray,Anigu Ma ihi Nin Hargeysa Lagu Afduubi Karo….”Khadar-GUUN.

Hargeysa(Hayaannews): Xildhibaan Ibraahim Maxamed Jaamac “Khadar-GUUN” oo ka mida mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee ka soo baxay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa sheegay inaan Hargeysa lagu afduubi Karin, isaga oo eedeeymo u jeediyay Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Masuuliyiin kale.

Sidaa waxa u uku sheegay mar uu maanta Khadar-GUUN la hadlayay qaar ka mida warbaahinta Somaliland.

“Anigu ma raacayo Ninkii Buurta Gacanlibaax reerka saaray ee 7 qodob ee han-jabaada ka soo saaray,anigu ma ihi Nin Hargeysa lagu afduubi karo Maxamuud Xaashi waa Ninkii lahaa Cuqdad ayay qabaan oo Somaliland kamay talin,”.Xildhibaan Ibraahim Maxamed Jaamac Khadar Guun oo ka tirsan Mudanayasha Golaha Wakiilada Somaliland ee ka soo baxay Xisbiga Mucaaradka Waddani.

“Waan Ka Daalay Mucaaridad aan Waxba haynin”.Ayuu yidhi Xildhibaan Khadar Guun.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com