Aqalka Odayaasha Mareykanka Ee Congress-ka Oo Mooshin Ka Soo Saaray Qaabka Uu Noqonayo Xidhiidh Iskaashi Oo Dhexmara Somaliland iyo Maraykanka.

Washington(Hayaannews): Xildhibaanno ka tirsan Guddiga Xidhiidhka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Odayaasha Maraykanka, ayaa maanta soo saaray Xeerka ka hadlaya qaabka uu noqonayo Xidhiidh iskaashi oo dhexmara Somaliland iyo Maraykanka.

Xildhibaan Jim Risch ayaa ah Xubin sare oo ka tirsan guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Odayaasha (Senate), halka Xildhibaan Chris Van Hollen iyo Xildhibaan Mike Round ay kala yihiin Guddoomiyaha iyo Xubin sare oo ka tirsan guddi-hoosaadka Siyaasadda Afrika iyo arrimaha Caafimaadka dunida ee Guddiga Xidhiidhka Arrimaha Dibadda u qaabilsan Aqalka Senate-ka Maraykanka.

Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka ee Golaha Senate-ku maanta soo saaray,ayaa ku waajibinaya Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay Warbixin ka siiso Aqalka Congress-ka Maraykanka sida uu noqonayo La-macaamilka Somaliland iyo sidii Daraasad looga samayn lahaa hirgelinta iskaashi dhex mara Maraykanka iyo Somaliland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Maraykanka

Xeerkan ayaa gebi ahaanba burinaya hadal dhawaan ka soo yeedhay waaxda Arrimaha Africa u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka oo sheegtay in dowladda Maraykanku aamisan tahay midnimada dalweynihii laysku odhan jiray Soomaaliya.

Haseyeeshee, guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Maraykanka, ayaa mowqifkaas ku tilmaamay siyaasad duugowday oo aan la jaan-qaadi Karin marxaladda siyaasadda adduunka ee xilligan iyo loollanka quwadaha dunida.

“Maraykanku waa saaxiibka joogtada ah ee umadda Soomaaliyeed, laakiin Maamulka Biden wuxuu ku xaddiday siyaasadda ‘Soomaaliya oo mid kaliya ah’ taasoo dhibaato ku ah Saaxiibbada kale ee Dimuqraadiyadda,” sidaa waxa yidhi Xildhibaan Jim Risch, waxaanu intaas ku daray, “Xilligan adag ee lagu jiro hadday tahay Xaaladda Dunida iyo tan Geeska Afrikaba, Maraykanka waxa ku waajiba inuu sahamiyo dhammaan xidhiidhada suurta-galka ah ee faa’idadu ugu jirto ee uu la yeelanayo dalalka Xasiloon ee Dimuqraadiga ah, sida Somaliland oo kale isla markaana aynaan ku koobnaanin nidaamyada siyaasadeed ee qadiimiga ah iyo qaababka diblomaasiyadda ee aan jaan-qaadi Karin Caqabadaha Dunida ee xilligan taagan,” Sidaas ayuu Xildhibaanku ku sheegay war-saxaafadeedka ay wada-jirka u saareen Guddigani.

Xildhibaan Van Hollen ayaa dhankiisa tilmaamay sida ay dowladda Maraykanka waajibka ugu tahay inuu tixgelin gaar ah siiyo dalalka Gobolka Geeska Afrika ee hirgeliyey dowladnimo tiirkeedu yahay dimuqraadiyad iyo xorriyatul-qowlka.

“Maadaama ay soo taranayaan Mawjadaha Xasilooni-darrada ah ee soo Waajahaya Geeska Afrika, inaynu wanaajino xidhiidhka ay la leenahay dalalka gobolka ee ku dhaqan-geliyey dowladnimada dimoqraadiga ah iyo xorriyaadka aasaasiga ah, waxay fure u noqonaysa horumarinta danaha Mareykanka, hagaajinta xasilloonida gobolka, iyo taageeridda ku dhaqanka sharciga iyo xuquuqda aadanah,” sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Chris Van Hollan.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “tobannaankii sanno ee u dambeeyey, Somaliland iyadoo ku taalla gobol xasilooni-darradu ku badan tahay, waxa samaysatay nabad-gelyo iyo dowlad dimuqraaddi ah. Taasi waa sababta macnaha buuran u samaynaysa inay timaaddo rabitaanka Maraykanku ku doonayo xidhiidh iskaashi oo dhexmara Somaliland. Sharcigayaguna wuxuu gacan ka gaysan doonaa xaqiijinta in Maraykanku baadho fursadaha waaweyn ee ku jira xidhiidhka labada dhinac,” sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Van Hollen.

Xeerka Sharci ee ka soo baxay Aqalka Odayaasha Maraykanka ayaa ku soo beegmaya safarka madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayaa ku joogaan Dalka Marayakanka. Madaxweynaha Somaliand iyo xubnaha ku wehelinaya weftigiisa, ayaa isla maanta kulan la qaatay saddexda xildhibaan oo ku soo dhaweeyey xarunta aqalka Baarlamaanka ee Capitol Hill.

Waxa guul weyn oo Qarankani gaadhay ah in xubno ka Tirsan Congress-ka Maraykanka ay horkeeneen Congress Mooshin abuuraya xidhiidhka iyo iskaashiga Maraykanka iyo Somaliland ay u direen Dawladda Maraykanka, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee Maraykanka. Maanta oo ay bishu tahay 17 March 2022, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaniyaa ee Booqashada rasmiga ah ku joogay dalka Maraykanka, kulamo muhiima la yeeshay Mudaneyaasha ayaa isla markii madaxweynuhu ka soo baxay waxa ay soo saareen Mooshinkan.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com