Aragtiyaha Is-diidan iyo khilaafka Siyaasadeed Ee Somaliland iyo Reer SOOL Waxa Jaangoyntoodu Ku Xidhan Yihiin Natiijada Ka Soo Bixi Doona Dagaalkooda. FAALLO Mustafe-Janaale

Mustafe Abdi Mohamed (#Mustafe_Janaale)

Magaalada Laascaanood waxa weli ka socda dagaal u dhexeeya Ciidamadda Somaliland iyo maleeshiyo beeleedyo deegaanka Gobolka SOOL, kaas oo galey maalintii afaraad ayaa keenay khasaare isugu jira dhimasho, Dhaawac , baro-kac, iyo burbur hantiyeed oo soo gaadhey labada dhinac ee meeshaas ku diriraya.

Hayaannews

Dagaalkan oo laga baaqsan karayey markii hore maadama ay aad u hooseysay heerka xaraaradiisu haddii lagu waajahi lahaa siyaasad miyir qabta oo ay u hayaan majaraha  siyaasiyiin ku xeel dheer xalinta khilaafadka iyo isu soo jiidka dadka kala aragtiyaha duwan, laakin, nasiib-daro, taas waxa laga  ilduufey dhinaca Xukuumadda Somaliland oo iyadu ahayd mida wax laga tirsanayey ama lagu godayey farta iney gudan kari-weyday waajibaadkii ka saarna ilaalinta Amaanka  Magaalada LAASCAANOOD, taas oo sabab sheegay in la dilo dad tiradoodu kor-u-dhaaftey boqol qof, (ILAAHAY ha u wada naxariistee), kuwaas oo ka mid  mid ahaa hal-doorka bulshada Gobolka SOOL ayaa sida ay ku doodayaan reer LAASCAANOOD aaney qaban gacan ku dhiig-layaashii diley  bileyska iyo laamaha amniga Somaliland ee ka hawlgalayey magaalada LAASCAANOOD, in kasta oo xukuumadduna dhinaceeda ka sheegtay iney qabatey qaar ka mid ah dadkii geystay falalkaas dilka ahaa. Haddana, Aakhirkii waxaa si lama filaan ah u qaraxdey hurgumadii huursaneyd kadib markii  bishii December 2022 lagu diley toogasho Siyaasi Hadraawi badhtamaha Magaalada LAASCAANOOD.

Dilka Siyaasi Hadraawi oo aan la aqoonsan ciddii geysatey ayaa noqdey mid aad u damqey damiirka Shacabka LAASCAANOOD oo bilaabey iney ka gedoodeen, isla markaana, sameeyey banana-baxyo salmi ah oo ay ku muujinayaan dareenkooda, kaas oo ugu dambeyntii isu rogey kacdoon shacab kadib markii uu soo baxey amar ay xukumadda Somaliland ku joojinayso banana-baxaas, balse, talaabadaas waxa ka biyo-diidey Jamaahiirta LAASCAANOOD oo aan dheg jalaq u siin amarkii Xukuumadda, isla markaana halkoodii ka sii wadey Banaan-baxii ilaa maalintii dambe, ay isku dhaceen Shacabkii Banaan-baxayey iyo  Ciidamadda qaranka Somaliland oo iyagu markii ay xakameyn kari waayeen Mudaharaadkaas,  adeegsadey rasaas nool oo sababtey khasaare isugu jirey dhimasho iyo dhaawac. Arrintaas oo natiijadii ka dhalatey ay noqotey in laga saaro gudaha magalaada Ciidamadda qaranka Somaliland oo dib loogu celiyo xeryahooda.

Talaabadii lagaga saarey Magaladaas  Ciidamadda Somaliland ayaa meesha ka saartey maamulkii dowliga ahaa ee ka shaqeynayey Gobolka SOOL, gaar ahaan Magaalada LAASCAANOOD, kaas oo ay si fudud u mulkiyeen Garaadada iyo Waxgaradka kale ee deegaanka SOOL. Intaas wixii ka dambeyeyna waxa si toos ah u bilaamey shir kulmiyey dhammaan Garaadada iyo Waxgaradka kale ee beelaha DHULBAHANTE iyo Fiqishini oo arrintoodu noqday mucjiso mar la arag ah In la arkey markii ugu horeysay iyaga oo si wada-jira ah u kulmay taariikhda inta laga og-yahay.

Waxaana Midnimadii halkaas ka dhalatey ay noqotey neecow  qabow oo  maasheysay guud ahaan deegaanada DHULBAHANTE iyo Fiqishini.

Marka laysku  soo wada xooriyo arrimahaas waxay suurto-gal ka dhigeen inuu u qabsoomo si habsami ah shirkii Garaadada iyo  Waxgaradka Beelaha SSC, kaas oo ay ka soo baxeen go’aamo ka dhan ah jiritaanka Qaranka Somaliland ayaa cirka ku sii shareeray khilaafkii Siyaasiga ah ee u dhexeeyey Somaliland iyo SSC.kadib markii go’aamadaasi noqdeen kuwo cunaha u dhaafi waayey xukuumadda Somaliland oo iyadu markii-ba kaga jawaabtey talaabo military iney ku waajahdo xaalada Gobolka SOOL.

Si kastaba ha ahaatee,waxa labada dhinac si toos ah ugu bilaabmey dagaal aan waxba laysula hadhin hubka noocyadiisa kala duwan oo  galey maalintii afaraad inuu si xidhiidh ah uga socdo deegaanka LAASCAANOOD, kaas oo sababey khasaare baaxad-weyn oo isugu jira Dhimasho, dhaawac, baro-kac iyo burbur hantiyeed ayaan la saadaalin karin natiijadiisa iyo meesha uu biyo-dhigi doono aakhirka.

Guntii iyo Gebogebadii, Casharada laga bartey colaadihii dabada dheeraday ee ka dhacayey dhulka Soomaalida mudadii 30-ka sannadood  ahayd waxa ka mid ah inaan ku kala adkaan dagaalada dadka Soomaalidu oo ay adag tahay in qolo ku maquuniso awood ciidan qolada kale ee ka soo horjeeda: odhaah baa ahayd.”Mintid faro yar , farahii bataa kama macaashaane” ., haddana, marka laga  eego dhinaca Siyaasadda, waxaa sida falaadhaha cadceeda u soo if baxay  aragtiyo isdiidan oo ay kala wataan labada dhinac  ee ku diriraya Magaalada Laascaanood, kuwaas oo mid waliba doonayo inuu ku khasbo fikirkiisa inuu qaato dhinaca kale. . Xukuumadda Somaliland ayaa iyadu dooneysa iney ku khasabto reer SOOL iney qaataan  mowqifka gooni isu-taaga Somaliland oo aaney ka bixin xayndaabka Jamhuuriyadda Somaliland, halka, Dhinaca kale  ee SSC ku dhegan yahay aragtida midnimada Soomaaliya-weyn oo ah mid ku saleysan rabitaankooda.

Sidadaraadeed,  waxaa biyo kama dhibcaan ah in  lagu kala calaf qaadan doono maxsuulka ka soo bixi doona dagaalkooda oo ah mid aan la sii saadalin karin dhinaca hannan doona guusha iyo dhinaca ay raaci doonto guul-darada labada midkoodna..” Waa falaadhii Cirka loo ridey.

Mustafe Abdi Mohamed (#Mustafe_Janaale)

Mustafe Abdi Maxamed (#Mustafe_Janaale)

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com