Askari Ciidanka Booliska Somaliland Oo Toogtay Arday Dhigta Jaamacada CAMUUD Iyo Dareenada Ku Xeeran.

“Inanka Xabadu Ku Dhacday iyo Askariguba Barriga Sanaag Ayay Ka Yimaadeen “.Badhasaabka Gobolka AWDAL TIINBARO.

Maamulka iyo madax-dhaqameedka gobolka Awdal oo ka hadlay Askari Wiil Dhalinyaro ah ku dilay Boorama

Hargeysa (Hayaannes)- Alle ha u naxariiste Ibraahim Cabdishakuur oo ka mid ahaa ardeyda dhigata Jaamacada CAMUUD ayaa caawa geeriyooday,Kadib markii Askari Ciidanka Booliska ahi uu toogtay.

Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Saleebaan Cabdi Guuleed, ayaa Shabakada Wararka ee #Hayaannews u xaqiijiyay dhimashada Ardaygan Marxuum Ibraahim Cabdishakuur oo ku jiray sannadkii labaad ee kulliyadda Engineering-ka ee Jaamacadda Camuud, ayaa qoyskooda deggennaa magaalada Labadii sanno ee u dambeeyey.

Maamulka Gobolka Awdal, ka degmada Boorama, Maamulka jaamacadda Camuud iyo madax-dhaqameedka gobolka oo caawa si wada-jir ah ula hadlay warbaahinta, ayaa faahfaahin ka bixiyey dhacdadan, waxaanay sheegeen in xabsiga loo taxaabay oo uu xidhan yahay Askariga Dilka geystay.

Muuqaalka hoose ka daawo Hadallada Maamulka gobollka, degmada Boorama iyo Maamulka jaamacadda Camuud

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#MJ

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com