“Askariga La Dilo Lama Aasayo ilaa La Dilo Qofkii Dilay..”

Burco (Hayaannews) Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qaranka ee gobollada bari ganshaale sare Ismaaciil Cali Faarax ayaa sheegay in askriga dila mid ka mid ah ciidanka qaranka isaga oo lagu dul dili doono oo laysla aasi doono.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in go’aan ay gaadheen ay u gudbiyeen Madaxweynaha oo ah taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida waxana uu yidhi “waxa aanu gudbinay in askariga askari dila ama sarkaal dila la aasin ilaa lala aaso kii dilay, taasi waxa ay imanaysaa marka ay waraaquhu gaadhan madaxweynaha , talyaha ciidanka qaranka , talyaha ciidanka booliska iyo dhammaan ciidamada”

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qaranka ee gobollada bari ayaa sababta ku qorshahan ku sheegay in la fogaanayo fashil ku yimaada ciidamada qalabka sida “Soomaalidu waxa ay ku maahmaahda kal baqda ayey leedahay ee kal xishoota maleh , haddii dilku bato waxa imaan doonta fashil si aanay taasi u dhicin waxa aanu go’aaminay in askriga la dilo la aasin ilaa kii dilay la dilin” ayuu yidhi.

Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qaranka ee gobollada bari ayaa kusoo beegmaya xilli ay dilal kala duwan ka dhex dhaceen ciidamada qalabka sida .